HomeCiidamada Laanta Socdaalka Somaliland oo Hawlgallo Amni oo Baadhitaan ah ka Fuliyey...

Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland oo Hawlgallo Amni oo Baadhitaan ah ka Fuliyey Albeerkooyinka Hurdada ee Dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa(SLpost) – Ciidamada Laanta socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xalay qaaday hawl-gal balaadhan oo ay ku sugayaan amaanka hudheelada hurdada ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Baadhitaankan ay ciidamada Laanta socdaalku ay bilaabeen ayaa ka dambeeyay amar uu wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ku bixiyay in la sugo amniga guud ee Hudheelada, isla markaana la soo baadho cida u hooyatay inta badan hudheelada hurdada ee ku kala yaala dalka oo dhan.

 

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa (Maxamed Canbaro), oo wax laga waydiiyey baadhitaanka ciidamada laanta socdaalka Somaliland qaadeen ayaa sheegay in hawl-galkan balaadhan oo ka socda Gobolada Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ay ku sugayaan amaanka sidoo kale ay kula dagaalamayaan Tahriibayaasha.

“Waa jiraa hawlgalku, waxana lagu sugayaa amaanka iyo socdaalka sharci darradda ah oo waa mid aanu caadiyan sameyno anaga oo fullinayna waajibaadkayaga guud iyo sidoo kale amarka Wasiirka Arrimaha gudaha, Horena waxaanu hudheeladda u faray inaanay ogolan in hudheeladooda ay seexdaan dad aan sidan Aqooni, Islamarkaana aanay ka reebin raad-raac iyo telefoonka cida ay u socdeen ama ujeedadooda.” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha waxaana uu qiray in hawl-galkan oo aad loo dareemay uu kaga duwan yahay kuwii ka horeeyay inay ka wadaan isku mar caawa ka wadda bilaabeen jidadka isaga gudba goboladda iyo caasimaddaha goboladda dalka badankoodda sidaas ay sii wadayaan.

Taliyuhu muu sheegin caabsidda soo korodhay oo keentay hawl-galkan balse waxaa uu tilmaamay inay hawlgaladan sii wadayaan oo ay ka mid-tahay hawshooddi shaqo. Waa markii ugu horeysay ee hawlgal culayskan leh oo la xidhiidha amaanka laga wadda bilaabo inta badan caasimada gobolada dalka Somaliland, waanna hawlgal amniga qiimo weyn ugu fadhiya oo lagu sugayo ammaanka goobaha hurdada oo badi ay seexdaan dadka socdaalka ama safarka ahi.

Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku hawlanaa sugitaanka amniga guud ee goobaha laga soo galo dalka iyo waliba hudheelada, mana aha markii ugu horeysay ee ay sidan oo kale u baadhaan hudheelada, hasayeeshee dhawr bilood ka hor ayay ahayd markii ay talaabooyin la mid ta ay caawa qaadeen ku talaabsadeen.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories