HomeCiidamada Kala Duwan Ee Dalka iyo Wasaarada Beeraha Oo Qorshaynaysa Inay Wax...

Ciidamada Kala Duwan Ee Dalka iyo Wasaarada Beeraha Oo Qorshaynaysa Inay Wax Soo Saar Ka Sameeyaan Banka Wajaale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Wajaale(Slpost)-Wasaaradda Beeraha iyo Ciidamada kala duwan ee dalka ayaa qorshaynaya sidii wax-soosaar la taaban karo uga samayn lahaayeen Banka Wajaale oo ku caan ah beerfalashada.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wefti uu hogaaminayo wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo ay wehelinayeen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Saraakiil ka socday Ciidamada Booliska, Madaxtooyada iyo Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Beeraha oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Eng. Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa safar u kuur gal ah ku tagay Beerta Ciidamadu ku leeyihiin Wajaale.

Safarkan indho indhaynta ah ee ay masuuliyiinta kala duwan ku tageen deegaanka Wajaale ayaa waxa ay ujeedadiisu ahayd qorshe la doonayo in wax soo saar balaadhan oo dhinaca beeraha sanadkan laga sameeyo Beeraha Ciidamada ee ku yaala Banka Wajaale.

Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in intii karaankooda ah ay ku dedaalayaan qodaal badan oo la sameeyo si wax soo saarka loo kobciyo.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Aadbaanu ugu faraxsanahay sida aad ka ciidan ahaan noo soo dhawayseen, Abaarihii ina soo marayna waad garanaysaan oo waxa loo baahan yahay inaynu ku cibro qaadano oo wax soo saarka kobcino”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Bankan Wajaale waxa laga soo saari jiray wakhtigii dalkii la isku odhan jiray Somalia Qamadida dalka oo dhan laga quudiyo, waxaananu ku talo galaynaa in wixii aanu qodi karno qodno, iyada oo wixii aad qodan jirteen in wax idinku kordhaan mooyee waxba idinka dhacayn Insha Allah”.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in booliska gacana heegan ugu jiraan sidii ay amniga uga shaqayn lahaayeen gacana ku dedaalayaan inay wax soo saarka beeraha dalka ka qayb qaataan.

Taliyaha oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Booliska oo heegan ugu jira sugitaanka amniga dalka ayaa waxa ay sidoo kale gacanta kale waxa ay kaga qayb qaadanayaan wax soo saarka beeraha dalka”.

Hogaanka Ciidanka Booliska iyo Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada ayaa iyaguna faahfaahin ka siiyey  Weftiga Beeraha Ciidamada ee Banka Wajaale iyo nidaamka ay u qotaan ugana hawl galaan, iyaga oo tilmaamay sida ay heeganka ugu yihiin ka qayb qaadashada wax-soosaarka dalka.

Ciidamada dalka ayaa sanadihii u dambeeyey waxa ay qayb ka ahaayeen wax-soosaarka beeraha, iyaga oo beerta ay ku leeyihiin Wajaale ka soo saarka dalagyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hadhuudhka, Digirka iyo dalagyo kala duwan.

Sanadkii 2014-kii ciidamadu waxa ay ku guulaysteen inay soo saaraan 10,000  (Toban kun) oo kiish in ka badan oo hadhuudh ah iyo Digir intaasi ku dhow, iyada oo January 2015-kiina Madaxweynuhu booqday, balse sanadkii 2015-kii abaar awaadeed aanay suurto galin wax-soosaar la sameeyaa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories