HomeCiidamada Ilaalada Xeebaha Oo Qabtay Afar Doonyood Oo Ku Soo Xad-gudbay Biyaha...

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Oo Qabtay Afar Doonyood Oo Ku Soo Xad-gudbay Biyaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLPOST): Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa habeen hore gacanta ku dhigay afar doonyood oo si sharci daro ah ku soo galay badda Somaliland, kuwaasi oo lagu qabtay meesha la yidhaahdo Conqor oo u dhaxaysa Maydh iyo Shalcaw oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Sidaasina waxa noo xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka baddaha Somaliland Md. Maxamed Cilmi Ilkacase, oo xalay u waramay wargeyska Dawladda, isaga oo ku sugan magaalada Hargaysa, waxaanu sheegay Md. Ilkacase in doonyahaasi oo ahaa kuwo kalluumaysi isla markaana laga leeyahay dalka Yemen, ay si sharci darro ah ku soo galeen biyaha Somaliland ka dibna ay ciidamada ilaalada xeebuhu gacanta ku dhigeen xili ay ku guddo jireen hawlo kormeer ah.

Waxaanu yidhi “sida ay ii sheegeen saraakiisha ciidamada ilaalada xeebuhu, doonayahaasi oo ay tiradoodu tahay afar doonyood, waxaa la qabtay habeen hore,waxaana laga qabtay agagaarka meesha la yidhaahdo Conqor oo ka tirsan gobolka Sanaag, doonayahaasi oo Yemeniyiin ah ayaa si sharci daro ah ku soo galay badda Somaliland, waanay soo qabteen ciidamada ilaalada xeebaha ee Somaliland, wax sharci ahna ma haystaan oo ay doonyahani ku soo galeen badda Somaliland”.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga Somaliland, waxa uu sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha ay doonayahaasi qabteen xili ay ku guddo jireen kormeer ay ku samaynayeen badda isla markaaana doonyahan la qabtay iyaga oo si sharci darro ah u guranayay kalluunka xiliga ay ciidamadu qabteen. Waxaanu intaasi raaciyay Md. Ilkacase, in tirade dadka shaqaalaha ah ee saarnaa doonayahaasi ay qiyaastii gaadhayaan ilaa todobaatan qof.

“Tirade dadka saran waxa la ii sheegay in ay qiyaastii gaadhayso konton ilaa todobaatan inta u dhaxaysa, waxaana saran doontiiba ilaa shan iyo toban qof, ciidanka oo kormeer ku jiray ayaa arkay doonayahaasi ka dibna way soo qabteen, haa waa lagu arkay iyaga oo kalluunka guranaya waanu saaranyahayba kalluunkii ay gurteen xiliga la qabtay” ayuu yidhi agaasimuhu.

Maxamed Cilmi Ilkacase agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga, waxa kale oo uus heegay in ay doonyahaasi iyo ragga saaranba ay maxkamad horgaynayaan isla markaana ay marin doonaan waxa uu ka dhigayo sharciga Somaliland cida ku soo xad-gudubta baddaha Somaliland. waxaanu yidhi “wixii sharciga Somaliland ka dhigayo cidii ku soo xad-gudubta badda Somaliland ee si sharci darro ah ku soo gasha ayaa laga yeelayaa, sharciga ayaana la marinayaa oo maxkamada ayaa la horkeenayaa”.

md. Ilkacase ayaa ku amaanay ciidamada ilaalada xeebaha gobolada barri ee Somaliland gaar ahaana kuwa gobolka Sanaag sida wanaagsan ee ay uga shaqaynayaan ilaalinta badda Somaliland iyo cida sida sharci darrada ah ugu soo xad-gudubta, waxaanu yidhi “aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa ciidamada ilaalada xeebaha ee gobolada barriga gaar ahaana kuwa gobolka Sanaag, sida wanaagsan ee ay hawlaha u wadaan uguna dadaalayaan soo qabashada cidii ku soo xad-gudubta badda Somaliland”.

Agaasimaha ee wasaaradda kalluumaysiga oo aanu wax ka waydiinay maraakiib iyo doonyo shisheeye oo ka kalluumaysan jiray badda Somaliland isla markaana rugsada ogolaanshaha ka haystay wasaaradda kalluumaysiga bal se laga joojiyay dabayaaqadii sanadkii hore ayaa sheegay in wixii muudadaa ka danbeeyay aanay jirin wax maraakiib shisheeye ah oo ka kalluumaysta baddaha Somaliland lagana madnuucay.

Isaga oo arrintaa ka jawaabayana waxa uu yidhi “maya, ma jiraan kuwo danbe oo loo ogolaaday, waana la madnuucay maraakiibtii iyo doonyihii shisheeye ee rugsada ka haystay wasaaradda kalluumaysiga Somaliland ee kalluunka ka guran jiray baddaha Somaliland”.

Waxa kale oo uu sheegay Md. Ilkacase in muddooyinkii u danbeeyay wasaaraddaha kalluumaysiga, maaliyada iyo ciidamada ilaalada xeebaha oo is-kaashanayaa ay hawlo lagu dar-dar gelinayo korna loogu qaadayo soo ururinta cashuuraha ee dhinaca badda ay ka wadeen deegaanada xeebaha, isaga oo xusay in dakhli badan ay ka soo xereeyeen. “muddooyinkii u danbeeyay ciidamada ilaalada xeebaha, wasaaradda kalluumaysiga iyo wasaaradda maaliyadu waxay xeebaha ka wadeen hawl galo kor loogu qaadayo dakhligii kalluumaysiga oo la kordhiyay, iyo nidaamkii wada shaqaynta oo la hagaajiyay dakhli badana aanu soo xeraynay” ayuu yidhi Md. Ilkacase.

Ma aha markii u horaysay oo ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland sidan oo kale ay u soo qabteen doonyo si sharci darro ah ku soo galay biyaha Somaliland, waxaana jirtay doon la sheegay in laga lahaa dalka Yemen oo horaantii bishan ay ciidamada ilaalada xeebaha gaar ahaana kuwa gobolka Sanaag ay soo qabteen.

Iyada oo ay marar kala duwan ciidamada baddaha ee Somaliland doonyaha ay soo qabtaan oo isugu jiray kuwo hawlo kalluumaysi oo sharci darro ah ka iyaga oo ku gudda jiray la qabtay iyo sidoo kale kuwo falal budhcad-badeednimo ah iyaga oo ka waday badda Somaliland la qabtay.

Xigasho: DAWAN

SOMALILANDPOST

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories