HomeCiidamada Ilaalada Xeebaha oo Gacanta ku dhigay Tahriibayaal Ajaanib oo damacsanaa inay...

Ciidamada Ilaalada Xeebaha oo Gacanta ku dhigay Tahriibayaal Ajaanib oo damacsanaa inay ka dhoofayey Xeebaha Galbeedka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 26 March, 2012 (SLpost)- Ciidamadda Difaaca iyo ilaaladda xeebaha Somaliland ee ku sugan xeebaha galbeedka ee dalka ayaa shalay galab gacanta ku dhigay 38 ruux oo isugu jiray 6 Soomaali ah iyo 30 Itoobiyaana oo tahriibayaal ah iyo 2 nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo iyagu ahaa gadhwadeenada dadkan tahriibinayay, kuwaasi oo damacsanaa inay ka dhoofaan xeebta Buula-Cado ee gobolka Salal.

Taliyaha ciidamada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo u warramay warbaahinta Dawladda ayaa xaqiijiyey in ciidanka xeebuhu ay dadkan tahriibayay iyo kuwii tahriibinayayba ay gacanta ku dhigeen markhribnimadii xalay iyaga oo doonay in ay sifo sharci darro ah uga tahriibaan xeebaha Buulla Cado ee gobolka Salal.

Taliyaha ciidanka xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan waxa uu sheegay in tahriibiyaasha la qabtay iyo wakiiladii tahriibinayayba ay haddana gacanta ku hayaan isla markaana maanta loo soo qaaday dhinaca Magaalada Boorama si loogu soo gudbiyo Caasimada Hargeysa, waxa uu Taliyuhu xusay in kooxdan tahriibayaasha ah shirciga  la horgayn doono si loo mariyo ayuu yidhi ciqaabta ay mutaystaan.

Taliyuhu waxa kala oo uu sheegay in ciidamada xeebaha Somaliland ay heegan iyo feejignaan dheeraad ah ugu jiraan sugida ammaanka xeebaha Somaliland, isla markaana aanay sinaba suura gal u ahayn in sifo sharci darro ah dad looga dhoofiyo xeebaha dalka Somaliland.

Taliyuhu waxa uu digniin culus u diray cid kasta oo isku dayda in ay  qaab sharci darro ah uga tahriibaan ama ay cid uga tahriibiyaan dalka Jamhuuriyada Somaliland waxaanu intaasi ku daray in cidii arrintaasi lagu helo ay la kulmi doonaan ciqaab adag, isla markaana la horkeeni doono sharciga.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories