HomeCiidamada Federaalka Ethiopia oo la wareegay Gacan-ku-haynta Caasimadda gobolka Tigray iyo Wararkii...

Ciidamada Federaalka Ethiopia oo la wareegay Gacan-ku-haynta Caasimadda gobolka Tigray iyo Wararkii u dambeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Federaalka Itoobiya ee Ethiopia, ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigreey ee dalkaas, sida lagu sheegay qoraal kooban oo Raysal-wasaare Abiy Ahmed soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Magaalada Mekelle waxa saacadihii u dambeeyey ka dhacayay duqeyn ba’an, sida ay sheegeen warar laga helay saraakiisha hay’adaha gargaarka oo ku sugan magaalada xilli hore oo maalinimadii Sabtida maanta ah.

blankCiidamada Booliska federaalka waxa ay sii wad-doonaan ka shaqeynta sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa xubnaha jabhadda xoreynta shacabka Tigray (TPLF). Kumanaan katirsan Saraakiisha Taliska Woqooyi ee Milatariga dalkaas oo kooxda TPLF gacanta ku haysay ayaa waa lasii daayay sida uu sheegay Raysal-wasaare Abiy.

Sida uu shegay Raysal-wasaare Abiy, Gegada diyaaradaha, xarumaha bulshada, xafiiska maamulka gobolka iyo xarumaha kale ee muhiimka ah waxaa gacanta ku haya Ciidamada Federaalka. Raiisel wasaaraha ayaa u mahadceliyay shacabka Tigray, wuxuuna carabka ku adkeeyay in howsha xigta ee muhiimka ah ay ka shaqeynayso sidii dib loogu dhisi lahaa wixii burburay.

Dagaal qadhaadh ayaa ka qarxay Mekelle Sabtidii maanta oo noqonaysa laba maalmood kadib markii Abiy uu ka digay in dalku galay wajigii ugu dambeeyay ee hawlgal militari oo ka socda gobolka woqooyiga Tigree ka dib muddo 72 saacadood ah oo loo qabtay.

Hogaamiyaha Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigreega (TPLF) Debretsion Gebremichael ayaa dhankiisa xaqiijiy duqeynta ciidamada Milatariga federaalka Itoobiya ku bilaabeen caasimadda Tigray, sida uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters oo fariin qoraal ah uu u diray.

Af-hayeenka xafiiska ra’iisal wasaraha, Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay “duqaynayn” goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in “bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.

Debretsion ayaa sidoo kale ku eedeeyey ciidamada dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea in ay weerareen xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Tigray si ay u qabqabtaan qaxooti hore uga soo qaxay Eritrea.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories