HomeCiidamada Faransiiska oo Khasaare kala kulmay Hawl-gal Fashilmay oo ay Ku Doonayeen...

Ciidamada Faransiiska oo Khasaare kala kulmay Hawl-gal Fashilmay oo ay Ku Doonayeen inay ku soo Furtaan Sarkaal u Afduubnaa AlShabaab

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Buul-Madheedh (SLpost)- Ciidamada hawl-gallada gaarka ah u tabobaran ee Dawladda Faransiiska, ayaa khasaare ba’an kala kulmay isku-day fashilmay oo ay ku soo furanayeen sarkaal Faransiis ah oo muddo sannado ah u af-duubnaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Hawl-galkan fashilmay ayaa Ciidamo ka tirsan Sirdoonka Faransiisku wakhti habeennimo ah ka fuliyeen magaalada Buulo-madheedh ee gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya oo kooxda Al-Shabaab ilaa sannadkii 2009-kii afduub ahaan ugu haysateen Dennis Allex oo ahaa sarkaal sirdoonka Faransiiska ka tirsan.

Dawladda Faransiiska ayaa sheegtay in hawlgalkaasi ay kaga dhinteen askari ka tirsan ciidamadooda Kamaandowsta ah isla-markaana Al-shabaab ay gacantooda ku dileen sarkaalka la doonayay in xoogga lagu soo furto, inkasta oo Al-shabaab sheegtay in ninka u afduubnaa aanu dhiman, balse ay gacanta ku hayaan oo ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan.

French hostage in Somalia“Ciidamada Komaandowsku waxa ay xoog ku galeen halkii uu Allex ku xidhnaa, waxaanay isla markiiba kala kulmeen iska caabbin xoog leh,” sidaa waxa yidhi wasiirka difaaca ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Paris, waxaanu intaas ku daray, “Waxaanu aaminsannahay intii uu socday hawl-galka inay Al-Shabaab qudha ka jareen Denis Allex.”

Dhimashada Askarta Faransiiska ee gudaha Somalia, ayaa ku soo beegmay iyada oo dalka Mali lagu dilay duuliye ka tirsan ciidamada Faransiiska oo duqeyn dhinaca cirka u geystay Kooxda ka dagaalanta dalkaas oo iyaguna afduub ku haysta muwaadiniin Faransiis ah. “Askari ka tirsan Ciidamadayada ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaadhay hawl-galka gudaha Somalia, mid kalena waa la la’yahay,” ayuu yidhi Le Drian.

Wasiirka Difaaca Faransiisku waxa uu sheegay inay hawl-galkooda Somalia ku dileen 17 ka tirsan dagaalyahannada Soomaalida oo muddo saddex sanno iyo badh ah diiddanaa inay wax wada-hadal ah la sameeyaan dawladda Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay Kooxda Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay inay gacanta ku hayaan dhaawaca Askari Faransiis ah iyo ninkii hore ugu afduubnaa oo aanay waxba gaadhin, “Askariga dhaawacan ee Faransiiska waxa uu ku jiraa gacanta mujaahidiinta, Alex-na wali waa uu nabad-qabaa,” ayaa lagu sheegay warmurtiyeedka Al-Shabaab. “Dhowr askari oo Faransiiska ah ayaa lagu dilay dagaalka, qaar kalena waanu kaga dhaawacnay ka hor intii aanay ka cararin goobta dagaalka, iyaga oo ka tegay qalab badan oo military.”

Taliyaha Ciidamada Faransiiska Edourd Guilaud oo la weydiiyey hadii Askariga Dhaawacani gacanta ugu jiro kooxa Al-Shabaab, waxa uu yidhi, “Haddii uu nool yahay way dhici kartaa, laakiin haddana waxa laga yaabaa inuu is-qarinayo.”

Maxbuuska ay ciidamada Faransiisku isku dayeen inay hawl-galka ku soo furtaan, ayaa ka mid ahaa laba sarkaal oo u shaqaynayey hay’adda Sirdoonka DGSE ee Faransiiska oo kooxda Al-Shabaab sanadkii 2009 ka afduubtay magaalada Muqdisho, halka Marc Aubriere oo ahaa saaxiibkiisii wehelinayey uu markii dambe ka baxsaday.

Dhinaca kale, guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee dalkaasi Soomaaliya Axmed Cumar Maxamed, ayaa warbaahinta u sheegay in hawl-galkaas ay ku dhinteen laba qof oo Shacab ah, “Diyaarad helikobtar ah ayaa weerartay Al-Shabaab abbaaro 2-dkii habeennimo ee xalay Waxa ku dhintay laba qof oo rasaastii lays-weydaarsanayey ay haleeshay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories