HomeCiidamada Cirka Ethiopia oo Duqeymo ka fuliyey Gobolka Tigray iyo Raysal-wasaare Abiy...

Ciidamada Cirka Ethiopia oo Duqeymo ka fuliyey Gobolka Tigray iyo Raysal-wasaare Abiy ka hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Cirka ee Milatariga dalka Ethiopia, ayaa weerar ku qaaday isla markaana duqeymo ka fuliyey goobo ka tirsan gudaha Ismaamulka Tigray-ga ee dalkaas, sida uu sheegay Raysalwasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo warbaahinta la hadlay.

Raysalwasaare Abiy Ahmed waxa uu sheegay in duqeymo lala bartilmaameedsaday bakhaaro uu hub ku keydsanaa oo ku yaalaa gobolka Tigrayga ee Woqooyiga dalka Itoobiya.

blankWaxa uu Raysal-wasaaruhu sheegay in duqeymahaasi lagu burburiyay tiro madaafiic oo goobtaasi ku keydsanaa. Balse ma jirto warar madaxbanaan oo xaqiijinaya in bartilmaameedkii duqeyntaasi ay ku dhacday goobtii loogu talagalay.

Xisbiga haya talada gobolka tigreeda ee TPLF ayaa waxay sheegeen in Khamiistii duqeymo lala bartilmaameedsaday goobo ka mid ah gobolkaasi.

Balse sargaal sare oo u hadlay TPLF ayaa BBC u sheegay in Jiomcihii aysan wax duqeyn ah dhicin deegaanada gobolka Tigreeda. Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in arrintani ay noqoto bilowga dagaal sokeeye oo ka qarxa dalka itoobiya .

Muxuu yiri Rai’sul wasaaraha?
Rai’sul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeymahani ay dhaceen Khmiistii iyo Jimcihii. Waxaa uu intaa ku daray in duqeymha ay sii socon doonaan tan iyo inta laga adkaanayo ciidamada gobolka Tigreeda.

My Abey ayaa sheegay in duqeymaha lagu burburiyay Gantaalo, Raadaaro iyo madaaafiic yaalay gobolkaasi Tigreeda. Waxaa uu intaa ku daray in madaaficda la burburiyay qaarkood ay masaafo ahaan gaari lahaayeen 300 oo km.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa horey uga soo xigatay rai’sul wasaaraha in “duqeymaha aan lagu bartilmaameedsan goobaha dadka rayidka ah, balse bartilmaameedku ahaa goobo ay hub ugu keydsan yihiin mucaaradka TPLF”..

Balse saraakiisha gobolka Tigreeda oo la hadlay BBC ayaa waxay beeniyeen in duqeymo ay dhaceen Jimcihii. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay “in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka loo joojiyo”..

Xisbiga TPLF ayaa sanado badan awood xooggan ku lahaa hogaanka Itoobiya, balse awooddaas ayaa meesha ka baxday tan iyo markii uu xukunka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018.

Maxaa la isku hayaa?
Xiisadda u dhexaysa TPLF iyo xukuumadda Addis Ababa ayaa taagneyd intii muddo ah. Ra’iisal wasaare Abiy ayaa sanadkii hore kala diray isbahaysigii talada hayay, waxaana uu sameeyay xisbi qaran oo ay ku jiraan dhowr xisbi oo ka dhisan deegaannada qowmiyadaha ku salaysan, kaasoo loo bixiyay Prosperity Party. TPLF ayaa diiday inay ku biirto Prosperity Party.

Xiisadda ayaa ka sii dartay markii ay TPLF qabsatay doorasho deegaan bishii September, tallaabadaas oo ka caraysiisay Addis Ababa oo codbixinta ku tilmaamtay mid “sharci darro ah”.

Doorashadaas ayaa dhalisay walaac ah in TPLF ay isu diyaarinayso inay ka go’do Itoobiya inteeda kale. Xisbigaas ayaa ku dooday inay ka go’an tahay ka sii mid ahaanshaha Itoobiya, balse uu diidan yahay waxa uu ugu yeeray isku dayga Abiy ee ah xukuumad dhexe oo awood badan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku eedeeyay TPLF inay weerartay saldhig uu leeyahay milateriga Itoobiya, waxaana ay dowladda Federaalka ku dhawaaqday in gobolka Tigray la geliyay xaalad degdeg ah muddo lix bilood ah. Hawada gobolkaas ayaa la xidehay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories