HomeCiidamada Booliska oo Xabsiga u taxaabay Diktoor lagu Eedeeyey inuu Sifo Sharci-darro...

Ciidamada Booliska oo Xabsiga u taxaabay Diktoor lagu Eedeeyey inuu Sifo Sharci-darro ah u maray Adeegyo Caafimaad oo uu ka bilaabay magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Dr Macow oo todobaadkan dalka u yimi inuu ka sameeyo adeegyo Caafimaad oo ogeysiintiisa muddo todobaaddo ah laga baahinayey Muuqaal-baahiyeyaasha Soomaalida.

Ciidanka Booliska Somaliland waxa ay maanta duhurkii albaabada u laabeen xarunta caafimaad ee GERMAN PHARMACY oo uu baadhitaan ka waday Dr. Cali Macow oo todobaadkan soo gaadhay magaalada Hargeysa oo ay iskugu diiwaan-geliyeen 2000 oo qof oo ka kala yimi goboladda dalka iyo qaar ka mid ah wadammadda jaarka ah, waxaanay halkaas ka kaxaysteen Dr Macow oo ay su’aalo ka weydiinayeen Aqoontiisa dhinaca Xirfadda Caafimaadka iyo Asbaahaha uu dalka ku yimi.

GarmanGuddiga Micnadleyda Caafimaadka iyo Ururka Dhakhaatiirka Somaliland, ayaa Dr Macow ku eedeeyey inuu sifo sharci-darro ah u maray nidaamka uu dalka ku yimi isla markaana ay baadhitaan ku samayn doonaan aqoontiisa Caafimaad.

Dr. Macow waxa uu labada kun ee qof ee isu diiwaan geliyay inuu baadho ka qaaday halkii qofba min 40 dollar oo laga sii qadamay intii aanu dalkaba iman, taas oo ka dhigneyd tigidhka diiwaan-gelinta baadhitaanka qofka Bukaanka ah.

Dhakhtarkan oo u dhashay dalka Soomaaliya waxa uu maanta markii ciidanka Boolisku kaxaysteen uu ku gudo jiray hawsha baadhista dadka bukaanka ah ee isku diiwaan geliyay, waxaanu sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah bukaankii sugayay uu marayay kaadhkii 22-aad.

Ciidanka Boolisku Markii ay dhakhtarkan kaxaysteen waxay dadkii bukaanka ahaa ee sugayayna ku war-geliyeen inay kala dareeraan oo ay ka baxaan goobtan.

“Waxaan ahay Wakiilka Dr. Cali Macow Aways, Horta markii ugu horresay ee aanu imanaynay Somaliland waxaanu la soo xidhiidhnay Wasaarada Caafimaadka Somaliland, oo ogolaatay imaanshiyaha Dr.Macow inuu Somaliland yimaado, oo uu ka fuliyo hawlo Caafimaad,”sidaa waxa tidhi Intisaar Maxamed Cali Qoys oo ah Wakiilka Dhakhtarkaasi oo  Salaasadii shir jaraa’id ku qabatay Caasimadda Hargeysa.

Qaar ka mid ah dadweynaha bukaanka ah ee dhakhtarkan sugayay ayaa noo sheegay inay ka xun yihiin tallaabadan ay dawladdu markii horena ruqsada ku siisay Dhakhtarkan hadana ay kaxaysatay isagoo ku gudo-jira hawshii baadhista bukaankii isku diiwaan geliyay.

Dr Macow oo ah Diktoor ku takhasusay Qalliinka Guud, ayaa ka hawl-gala Cusbitaallo iyo xarumo caafimaad oo ku yaala dalalka Jarmalka iyo Ingiriiska, waxaana inta badan telefishannada laga baahiyaa barnaamijyo caafimaad oo lagu soo qaato su’aalo iyo talooyin uu ka baahiyo telefishannada Soomaalida Qaarkood.

Wargeyska Himilo ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, ayaa war uu dhowaan baahiyey lagu sheegay in muwaadiniin u dhashay Somaliland oo deggen dalka Ingiriisku ay dacwad ka gudbiyeen Diktoor Macow oo sida la sheegay lagu eedeeyey inay waxyeello ka soo gaadhay gabadh uu siiyey daawooyin caafimaad oo uu qoray, waxaanay arrintan ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas iyo Guddoomiyeyaasha Micnadleyaasha Caafimaadka iyo ururka Dhakhaatiirta oo Wargeysku xog-waraysiyo kala duwan arrintan kala yeeshay.

Waa markii u horreysay ee xukuumadda Somaliland tallaabo noocan ka qaaddo isla markaana ay ku baraarugto Dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee dalka u soo shaqo-taga, kuwaas oo intooda badani u kala dhashay waddamada Jaarka ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories