HomeCiidamada Booliska oo loo qaybiyey Gaadiid ku Gaashaaman Adeegga Isgaadhsiinta ee Gurmadka...

Ciidamada Booliska oo loo qaybiyey Gaadiid ku Gaashaaman Adeegga Isgaadhsiinta ee Gurmadka Deg-degga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade, ayaa maanta 20 baabuur oo noocoodu yahay Taxi ku wareejiyay Ciidamada Booliska Somaliland.

Gaadiidkan oo uu Wasiirku sheegay inuu lacagtooda jeebkiisa ka bixiyay, ayaa waxa ka guddoomay Taliyaha Ciidamadda Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Hadal kooban oo ka hor wareejinta Gaadiidkaasi uu jeediyay Wasiirka arrimaha Guduhu, waxa uu sheegay in gaadiidkaasi ay ugu talo galeen in ay dhex wareegaan xaafadaha ay kooban tahay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo  lagu rakibay lambarka gurmadka deg-degga ah, kana bilaabma 999 oo ay leeyihiin labada shirkadooda ee adeegyada Isgaadhsiinta ugu weyn dalka.

GAADIIDKA (1)“Waxa aanu ugu talo galnay gaadiidkan ciidamada gargaarka deg-degga ah in ay ugu gargaaraan dadweynaha reer Somaliland in ay kaga gam’aan ama kaga seexdaan, inay dawladuna ka war hayso ay dareemaan,” ayuu yidhi Wasiirka oo sharraxayey ujeeddada jaadiidkan.

“Gaadiidkani waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore ee jiray, waxa uu leeyahay Numbar la yidhaahdo 999, kaas oo aan marnaba mashquul noqonaynin, qofkuna uu soo garaaci doono hadii uu wax yar dareemo, wax yar ka dibna waa la dul imanayaa,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

“Waxa soo baxay dhalinyaro biyagu habeenkii xaafadaha wareega dadkana dhibaato u geysta, waxaanu u sahlayaa dadka in ay dhalinyaradaas oo iyagu Mobilka doonaya in ay ka qadaan qofkaasi uu hoosta ka garaaco 999 dabadeedna iyaga oo ku mashquulsan ay soo gaadhaan ciidamadu, sidaasna lagu qabto,” ayuu yidhi.

GAADIIDKA (2)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu xusay in ay gaadiidkaasi wareegi doonaan xaafadaha kala duwan ee Hargeysa 24-ka saacadood, “Gaadiidkani waxa ay wareegi doonaan xaafadaha kala duwan 24-ka saacadoodba, ciidamaduna waa kuwo heegan ah. Waxa kale oo aan bulshada halkan uga jeedinayaa in mar hadii aanu fududaynay ciidamada booliska adeega ay fulinayaan, in ay shacabkuna halkii hore ka soo dhawaadaan oo u arkaan ciidamadaasi in ay yihiin kuwoodii, sida beesha caalamkana ula shaqeeyaan ciidamadooda, waayo dunida kale dadkeedu iyaga ayaaba wada boolis ah,” ayuu yidhi.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland isaga oo muddo yar oo kooban joogay waxa uu nagu soo wareejiyay gaadiidkaas badan ee aad arkaysaan, waxaanay wax badan ka qaban doonaan dhinaca nabadgalyada, waana adeeg runtii u sahlaya shacabku in ay ku helaan wax ay doonayaan.”

“Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland runtii waan ku amaanayaa dedaalka iyo waliba wax qabadka muuqda ee uu durba ciidamada Booliska geliyay,”ayuu yidhi Taliyuhu.

SOMAILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories