HomeCiidamada Badda Somaliland iyo Midowga Yurub oo Hawl-gal Carbis ah wada-jir uga...

Ciidamada Badda Somaliland iyo Midowga Yurub oo Hawl-gal Carbis ah wada-jir uga fuliyey duleedka Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Ciidamo ka tirsan Hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda iyo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland, ayaa xeebaha magaalada Berbera si wada-jir ah uga fuliyey hawl-gal carbis ah oo lagu tabobarayey Ilaaladaha Xeebaha Somaliland gurmadka deg-degga ah iyo baadi-doonka dadka ku qaraqma biyaha badda.

Hawl-galkan oo uu soo qaban-qaabiyey Xafiiska Somaliland ee Hawl-galka la-dagaalanka budhcad-badeeda ee Midowga Yurub ee EUCAP Nester, ayaa gunaanad u ahaa tabobar 8-dii bishan June u bilaabmay Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka socday duleedka Xeebta magaalada Berbera oo fadhiisin u ah Ciidamada Badda Somaliland, iyadoo hawl-galka lagu fulinayey doonyaha Dheereeya ee Qoryuhu ku rakiban yihiin oo Midowga Yurub ugu deeqay Somaliland, kaas oo hawl-galkani u ahaa tijaabadii u horreysay ee lagu sameeyo.

EUCAP BerberaSida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska EUCAP Nester shalay, taageerada iyo tabobarrada la siiyo IXS, ayaa qayb ka ah kor-u-qaadista Agabka ay ku hawl-galaan iyo Ciidamada badda dalalka Geeska Afrika, waxaana ka qayb-qaadanayey Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka Dambiyada iyo Mukhaadaraadka (UNODC) xafiiskooda magaalada Berbera.

“Waxa tabobarkan ka soo baxay inay si fiican u fahmeen qorshaynta iyo samaynta gurmadka deg-degga ah ee Badda iyo farsamooyinka ugu habboon ee baadi-doonka biyaha badda oo ay weheliyaan gargaarka deg-degga ah, taas oo fursad u siinaysa inay si firfircoon uga jawaabaan xaaladaha gurmadka biyaha Badda laga sameeyo. EUCAP Nester waxay ka geystay shidaalka doonyaha ee dabobarka lagu sameeyey, waxaanay ugu deeqday qalabka lagula dagaalamo dabka.

EUCAP berbera2Ilaallada Xeebaha Somaliland waxay xilligan la tacaalayaan tirada sii kordhaysa ee qaxoontiga ka imanaya dalka Yemen oo sii kordhiyey baahida loo qabo barashada xirfadaha gurmadka deg-degga ah ee badda,” Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska EUCAP Nester ku leeyahay Somaliland.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in wejiga labaad ee Hawl-galka Carbiska ah la samayn doono bisha September ee sannadkan, iyadoo gunaanadka wejiga labaad ee tabobarka lagu wareejin doono Illaalada Xeebaha Somaliland Markab ay ku hawl-galaan.

IXSHawl-galka carbis ee laga sameeyey duleedka Berbera, ayaa ku soo beegmay iyadoo Jimcihii shalay ay ahayd maalinta Caalamiga ah ee Bad-mareennimada oo laga xusay Somaliland, taas oo ay wada-jir u soo qaban-qaabiyeen Akedamiga Cilmiga Badda Berbera, Ilaalada Xeebaha Somaliland iyo EUCAP Nester.

EUCAP Nesteroo ka hawl-gasha dalalka Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynta Hindiya, fadhigooduna yahay magaalada Djibouti, ayaa xarumo ku leh magaalooyinka Nairobi oo xafiiska Somaliya laga xukumo, Victoria ee dalka Sychelles, Hargeysa ee Somaliland iyo magaalada Dar Es Salam ee dalka Tanzania.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories