HomeCiidamada Australia oo 18 Saacadood ku dhici waayey Nin Afduub u qabsaday...

Ciidamada Australia oo 18 Saacadood ku dhici waayey Nin Afduub u qabsaday 40 Qof iyo Khasaaraha ka dhashay hawl-gal lagu guulaystay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Sydney (SLpost)- Ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee dalka Australia, ayaa ku guuulaystay inay soo furtaan tobanaan qof oo Afduub loogu haystay Maqaaxi ku taala badhtamaha magaalada Sydney ee dalkaasi, ka dib markii nin la sheegay inuu u dhashay dalka Iran uu subaxnimadii hore ee Isniinta uu la wareegay goobtaas oo ay ku sugnaayeen dad tiradooda lagu qiyaasay Afar qof.

dadkHawl-galkan oo qaatay 18 saacadood oo ciidamadu ku hareeraysnaayeen goobta, waxa ku dhintay saddex qof oo uu ku jiro Ninkii Afduubka geystay oo la rumaysan yahay ahaa nin Qaxoonti ku ahaa dalkaa oo u dhashay waddanka Iran iyo laba qof oo shacabkii uu afduubka ku haystay ah.

Laba qof oo hawl-galka ku geeriyooday, ayaa lagu kala sheegay inay kala ahaayeen nin 34-jir ah iyo haweenay 38-jir ah, ka dib markii maydkooda loo qaaday cusbitaalka

Waxa kale ooh awl-galka ku dhaawacmay Afar Qof oo uu ku jiro Askari ka tirsan Ciidamada booliska oo dhaawacyo ka soo gaadheen rasaas ay Ciidamada is-weydaarsadeen Ninka hubaysnaa ee Afduubka ku haystay dadka shacabka.

goobtaHawl-galkan oo bilaabmay subaxnimadii Isniinta ee wakhtiga dalka Australia, ayaa soo af-jarmay 2:00 Habeenimada Salaasada caawa ee wakhtiga Australia.

Ninka Afduubka geystay oo lagu magacaabi jiray Haron Monis, kaas oo sannadkii 1996 magal-galyo siyaasadeed ka helay dalka Australia, iyada oo saraakiisha ammaanku sheegeen in ay jireen dacwado dhowr ah oo maxkamadaha dalkaas ka yaallay, dhowr jeerna xabsiga loo taxaabay.

NINKA LA SHEEGAY INUU WEERARKA FULIYEY
NINKA LA SHEEGAY INUU WEERARKA FULIYEY

Raysal-wasaaraha dalkaasi Australia Tony Abbott oo dhacdadan ka hadlay, ayaa ku tilmaamay mid wax ku-qaadasho iyo duruus ugu filan waddankiisa isla markaana loo baahan yahay digtooni dheeri ah oo laga yeesho falal argagixiso oo waddankiisa laga fuliyo.

“Dhacdooyinkani waxa ay ina tusinayaan in xataa waddan kasta oo xor ah una furan marti-galinta dadka sida keenna oo kale uu halis u yahay ficillada noocan ah ee siyaasaddu ka dambayso, laakiin waxay sidoo kale inoo muujinayaan inay ugu diyaar-garowno sidii aynu uga jawaabi lahayn.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories