HomeCiidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay IDAACAD Xukuumaddu baadi-doonkeedu Dhakafaar ka qaadday...

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay IDAACAD Xukuumaddu baadi-doonkeedu Dhakafaar ka qaadday iyo Shaqaale ka hawl-galayey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Booliska ee Hargeysa, ayaa caawa gacanta ku dhigay Idaacad FM ah oo saddexdii bilood ee u dambeeyey laga dhegaysanayey gudaha magaalada Hargeysa, taas oo xukuumaddu ku jaah-wareertay isla markaana ay baadi-doonkeeda ku mashquulsanayd muddooyinkii u dmabeeyey.

baadi-goobIdaacadda oo lagu magacaabo Radio Baadi-goob oo habeen kasta Abaarro 9:00 Fiidnimo hawada soo geli jirtay, lagana dhegaysanayey qaybo badan oo ka mid gudaha caasimadda, ayaa ciidamada ammaanku caawa fashiliyeen waxaana gacanta lagu dhigay qalabkii loo adeegsanayey baahinteeda iyo Afar Qof oo ka hawl-galayey, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyuhu waxa uu sheegay, baadhis iyo daba-gal dheer ka dib, ay Ciidanka boolisku xaafadda October ee Koonfurta magaalada Hargeysa ka heleen Idaacadda isla markaana ay gacanta ku dhigeen afar nin oo uu sheegay inay hawsha baahinta ku dhex jireen.

Taliyaha Ciidanka Boolisku ma sheegin faahfaahin intaas dhaafsisan oo la xidhiidha hawl-galka Idaacadda lagu soo qabtay, haseyeeshee ilo-wareedyo hoose ayaa shabakadda Somalilandpost in hawl-galkani lagu soo qabtay Idaacaddani uu yimi ka dib markii sida la sheegay uu madaxweyne Siilaanyo ku canaantay Taliyaha Ciidanka Booliska xog-la’aantooda iyo sababta ay u qaban-waayeen Idaacadda gudaha magaalada laga dhegaysto, taasina ay soo de-dejisay tallaabada lagu soo qabtay Idaacadda oo hore loo ogaaday inay taalo xaafad ka tirsan Degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa.

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Hargeysa ilaa immika wax faahfaahin ah kamay bixin cidda iska leh ee maalgelisa iyo cidda ku shaqaysata Idaacadda.

Idaacaddan ayaa baahin jirtay Heeso qaraami ah oo u badan kuwii Towradda Taliskii Kacaanka ee Siyaad Barre, isla markaana u badnaa heeso la sameeyey wakhtigii dawladdii Kacaanka ahayd dagaalka kula jirtay dawladdii Itoobiya, kuwaas oo habeenkii oo dhan laga dhegaysan jiray muddo saacad ah oo hawada ay ku jirto.

Dastuurka Somaliland, ayaan ogolayn in dalka laga hirgeliyo Idaacad aan ahayn Idaacadda Radio Hargeysa ee Afka Xukuumadda ku hadasha, in kasta oo ay jiraan Idaacado dalka leeyahay balse xarumahoodu yihiin waddamada Dibadda kuwaas oo ku hadla Afka Xisbiyada Mucaaradka ah.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa ku shaqaysan jiray, ololihiisa iyo cambaareynta uu u jeedin jiray xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale u adeegsan jiray Idaacad lagu magacaabi jiray Horyaal oo xarunteedu ahayd waddamada Scandanevian-ka ee Qaaradda Yurub, isla markaana ay ka hawl-galiyeen wariyeyaal dhowr ah, haseyeeshee Idaacaddaas ayaa hawada ka baxday markii uu Madaxweyne Siilaanyo, Guddoomiyihi hore ee Kulmiye, uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii ka dhacday dalka, iyada oo wariyeyaashii ka hawl-gali jiray Idaacaddaas intoodii badnayd laga hawl-galiyey Warbaahinta dawladda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories