HomeCiidamada Ammaanka oo baadhitaan Saacado Qaatay Xalay ka Fuliyey Xaafad ka tirsan...

Ciidamada Ammaanka oo baadhitaan Saacado Qaatay Xalay ka Fuliyey Xaafad ka tirsan Degmada 26 June

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada hawl-gallada deg-degga ah iyo la-dagaalanka Argagixisada, ayaa xalay xilliyadii dambe baadhitaanno ammaan ka fuliyey qaybo ka tirsan Xaafadaha magaalada Hargeysa.

Wariye ka tirsan Shabakadda Somalilandpost oo wakhtiga hawl-gallada ciidamadu fuliyeen baadhitaannada  shaqada ka sii rawaxayey isla markaana gurigiisa ku si socday, ayaa xaqiijiyey ciidamada sida gaar ah u tabobarran ka hortagga Argagixisada kuna gaashaan ilaa tobaneeyo baabuurta booliiska, ayaa Abbaaro 2:25 Daqiiqo ku joojiyey Hotel-ka Togdheer ee magaalada Hargeysa isaga oo wakhtigaas u sii jeeda gurigiisa oo ku yaala agagaarka Radio Hargeysa.

blank“Waxaan wakhtigaas ka rawaxay shaqada, aniga gurigayga ku sii jeeda. Marka woxoogaa dhaafay Hotel Togdheer, ayaan arkay gaadiid tiro dhowr ah oo ciidamo aan wejiyadooda la arkayn. Isla markiiba waxa lay faray inaan gedaal u noqdo, isla markaana aanay suurto-gal ii ahayn inaan goobtaas dhaafo, hawlo baadhiseed oo socday awgeed,”ayuu yidhi Wariyahan ka tirsan Shabakadda Somalilandpost.

Dadka deggen xaafadda baadhitaanka lagu waday oo qaarkood aanu la xidhiidhney, ayaa sheegay in ciidamada SPU iyo RRU ee sida gaarka ah ugu tabobaran hawlaha ka hortagga iyo xakameynta hawl-gallada argagixisadu, ay baadhitaan ku wadeen guri ku yaala xaafaddaas, kaas oo uu hore u deggenaan jiray Alle ha u naxariistii Muj. Maxamed Ibraahim (Laba-qumac) oo hore loo xidhay balse markii la siidaayey uu u baxsaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu ku geeriyooday.

Guriga ay ciidamadu hawl-galka ka fulinayeen waxa markii dambe laga xidh-xidhay dhowr qof oo uu ku jiro Nin Suxufi ah oo ka hawl-gala mid ka mid ah Wargeysyada Magaalada Hargeysa, sida ay sheegeen dadka xaafadda deggen oo intii hawl-galku socday aanu kula xidhiidhney khadka Telefonka.

Masuuliyiinta hay’adaha amniga Qaranka ayaan ilaa hadda ka hadal ujeeddada hawl-galka ay ciidamadaasi ka fuliyeen hawshan, mar aanu isku dayney inaanu wax ka weydiinno hawl-galladan, nooma suurto-galin inaanu wakhtigaas helno.

Waa hawl-galkii labaad muddo todobaad gudihii ee xilli dambe oo habeennimo ah ay ciidamada ammaanku xaafadaha magaalada Hargeysa ka sameeyaan, waxaana hawl-galladaas lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo markii dambe qaarkood la sii daayey.

Somalilandpost.net/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories