HomeCiidamada Ammaanka Oo 7 Nin Oo Dabley Ah Iyo Hubkoodii Gacanta Ku...

Ciidamada Ammaanka Oo 7 Nin Oo Dabley Ah Iyo Hubkoodii Gacanta Ku Dhigay Iyo Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Ciidamadda booliska ayaa hawl-gal ay ka  sameeyeen  koonfurta Hargaysa waxay ku soo qabteen todoba nin oo ka mid ahaa  dabley hubaysan, baabuur   iyo hubkii ay wateen, kuwaasi oo dagaal kala hor yimi ciidamadda  booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta guud ee taliska booliska ee Hargaysa, waxa uu sheegay in hawl-galkaasi uu ku dhaawacmay hal nin oo ka mid ahaa kooxda dableyda ah.

Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal, waxa uu sheegay in kooxdan dableyda ahaa  ay   difaacanayeen dhul lagu marunsan yahay oo uu hore dil uga dhacay bishii dhamaatay. Waxaanu xusay in nimankani hubaysnaa ee ay booliska iska hor yimaadeen ay isku raas yihiin ninkii hore halkaasi dilka uga gaystay.

Taliyaha booliska oo waramayay sida uu hawl-galkaasi u dhacay, waxa uu ydhi “Saaka (shalay subax),  Abaaro 9:00 Subaxnimo waxaa ciidanka Booliska ay  odayaal waayeel ahi ku soo wargeliyeen in dhulka Masalaha oo horena dil uga dhacay oo ku taala Koonfurta Magaalada Hargeysa inay rag hubeysan oo gaadhaya  ilaa dhowr iyo laaban ay joogaan.

Ciidanka Boolisku iyaga oo gudanaya waajibka ka saran nabadgelyada qaranka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland waxay ku baxeen raga hubeysan oo weliba ka soo jeeda dhicii falkii dilka nin dhinacooda ka tirsani uu ugu geystay, kadib markii ciidanka boolisku hawlgalkaasi galeen waxay raggaasi kala hor yimaadeen iska cabin ama shaqo iska hortaag hubeysan oo ay rasaas ciidanka booliska ku soo rideen.”

C/laahi Fadal Iimaan, ayaa ku tilmaamay in sida uu sharcigu farayo ciidamadda booliska inay waajibaadkooda tahay in ay talaabo ka qaadaan cid kasta oo isku dayda ama abaabusha waxyaabo amaanka lidi ku ah.waxaanu sheegay in halkaasi ay ciidanmadda boolisku ku soo qabteen qoryo ay wateen kooxdaasi dableyda ahayd iyo sidoo kale afar ka mid ahaa nimankaasi .

“Ciidanka boolisku iyaga oo cuskanaya sharciga sida uu sharcigu u baneynayo mar haddii hub lagala hor yimaado, difaacaya naftooda, iyo ta qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo bulshada reer Somaliland-ba rasaas ayay qoladaasi (Dabley hubeysan) kaga horeeyeen ayaa la is-weydaarsaday, rasaastaas hal nin oo qoladii hubeysnayd ee weerarka soo qaaday ayaa dhaawacmay.

 

Waxaana  goobtaasi laga soo qabtay todoba eedeysane oo uu ka mid yahay eedeysanihii hoggaamiyay kooxdaasi ee sida sharci darada ah u socotay,waxa kale oo la qabtay saddex Gaadiidkii ay isticmaalayeen. Ciidanka boolisku markii lagala hor yimi rasaasta waxay qabsadeen waajibkoodii, iyaga oo istifaacaya, qoryahaa hortiina yaala waa hubkii lagu qabtay eedeysanayaasha 4-ta qoriba waa AK-47,waa qoryihii ay ciidanka booliska ku soo ridayeen.

 

Waxaanan  marka kowaad halkan uga mahad-celinayaa ILAAHAY,marka labaadna Ciidanka booliska Somaliland, dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo Ciidankii fuliyay hawlgankan”ayuu yidhi taliyuhu.

Dhinaca kale taliye Fadal,  waxa uu fariin adag u diray dad uu ku tilmaamay denbi-quudayaal ah, isagoo sheegay in ciidamadda amaanku ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan kuwa caadaystay falalkaasi.

Waxaanu  yidhi“Waxaan halkan fariin uga dirayaa dadka denbi quudayaasha ah, ee arrimaha dhulka hubka u soo qaata, in Ciidanka Boolisku isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran oo aan sharciga ku xad-gudbayn, inay ka qaadi doonaan talaabo adag. Ciidanka boolisku u dul-qaadan-maayo cid kasta oo hub soo qaadata, ama Magaalo ha ahaato, ama meel kale ha ahaato, waa arrin sharciga khilaafsan had iyo jeer ay isticmaalaan dadka dhul-cunka ah”.

Waxaanu intaasi ku daray “Gari  laba nin kama wada qosliso, Dhulka labada qof mid uun ayaa helaya, laakin ciidanka boolisku waa fulin, oo ay shaqadoodu tahay inay waajibka qaranimo qabsadaan.meelkasta oo nabdgelyo darro laga soo sheego ma cid hubeysan ciidanka boolisku way ka hawlgalayaan.

Cidkasta oo isku dayda inay xoog isticmaasho oo ay hub adeegsato inaanay ciidanka boolisku u dul-qaadanayn oo ay gacan birr ah ku qabanayaan iyaga oo adeegsanaya sharciga, dadka nooca u dhaqmaana waxay la kulmi doonaan jawaab adag” ayaa yidhi C/laahi Fadal.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories