HomeCiidamada Ammaanka Hargeysa oo Xabsiga u Taxaabay Dhalinyaro Bannaan-bax Cabasho ah ku...

Ciidamada Ammaanka Hargeysa oo Xabsiga u Taxaabay Dhalinyaro Bannaan-bax Cabasho ah ku Dalbanayey in la sii daayo Maasul Xukuumadda u Xidhank

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 25 March 2012(SLpost)- Ciidamada ammaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta Xabsiga u taxaabay ilaa toddoba qof oo ka tirsan dad samaynayey bannaan-bax cabasho ah oo ay ku dalbanayaan in la sii-daayo Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamar-je), kaasoo ku xidhan Xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Dadka bannaan-baxayey oo dhalinyaro iyo Haween u badnaa ayaa isugu soo baxay maanta barxadda hore ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo wax yar u jira dhismaha xarunta Madaxtooyada Somaliland, isla markaana waxay dalbanayeen in la soo daayo Guddoomiyihii hore ee Maroodi-jeex Axmed Xamarje oo ka tirsan Masuuliyiin lagu eedeeyey inay musuqmaasuqeen raashin caawimo ah oo loogu talagalay dadka danyarta iyo barakacayaasha isugu jira ee gobolka Hargeysa, waxaana sidoo kale masuuliyiinta la eedeeyey ku jira La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid iyo Agaasimihii guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cilmi, kuwaasoo xilkana laga qaaday, welina ku xidhan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Dadka bannaan-baxayey ayaa sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin erayo ay ka mid ahaayeen; ‘waa in la sii-daayaa Xamarje, waa in bilaa shuruud xorriyaddiisa loogu soo celiyaa’ iyo weedho kale, waxa ku yaalla boodhadhka ay siteen Sawirka Guddoomiyihii hore ee gobolka Maroodi-jeex.

Hase-yeeshee, Ciidammada Booliska ayaa dadkaa kala kexeeyey, isla markaana qaar isku soo taagay oo dhalinyaro u badan oo qaadan waayey amarka kala dareerinta qabqabtay, isla markaana xidhay, kuwaasoo tiradoodu dhan tahay toddobada dhalinyaro ah.

Dhawr jeer oo hore ayey dad sidan oo kale isu soo abaabulay isku dayeen inay u muddaharaadaan Guddoomiyihii hore ee Hargeysa Axmed Cumar (Xamar-je), tan iyo markii Xabsiga loo taxaabay bilawgii bishan aynu ku jirno ee March.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories