HomeCiidamada Ammaanka Hargeysa oo Saacado Kooban Xabsiga ku taxaabay Ciyaartoy Reer Jabuuti...

Ciidamada Ammaanka Hargeysa oo Saacado Kooban Xabsiga ku taxaabay Ciyaartoy Reer Jabuuti ah oo Dhar-qaadasho aan Habbooneyn Suuqa ku Dhexmaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada booliska ee magaalada Hargeysa ayaa wakhti kooban  xidhay laba wiil oo ka tirsanaa koox kubada kolayga ah oo ka yimid dalka Jabuuti, ka dib markii ay suuqa soo mareen iyaga oo xidhnaa  garamaan surwaalo gaagaaban iyo sil silado ay qoorta ku xidhnaayeen.

Labadan ciyaartoy oo ciidamadu geeyeen saldhiga dhexe, iyada oo halkaas su’aallo lagu weydiiyey ka dib lagu ogaaday inay ka tirsan yihiin koox kubada Kolayga ah oo metelaysa magaalada  Jabuuti, kuwaas oo dorraad safar ku yimi Hargeysa oo ay laba ciyaarood kula yeelanayaan Kooxaha kubadda Kolleyga Gaashaan iyo Goodir.

Ciidamada booliska waxa ay markii dambe la soo xidhiidhay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka dalbaday in la sii daayo labada wiil, waxaana lagu celiyey hoteelka ay magaalada ka deggen yihiin.

jabuutiLabadan wiil ee la xidhay ayaa dhar-xidhashadodu yaab ku abuuray dadkii waddada marayey,waxaana ay qaarkood ku durayeen hadalo ay ku yasayeen hab-dhaqankooda.

Dad badan ayaa markii ay ka war heleen in dhallinyaradaas la xidhay ku soo xoomay saldhiga,ayadoo u jeedada  loo xidhay ay sababtay hab-dhaqanka Hargeysa yeelay iyo kii ay Jabuuti kaga yimaadeen oo kala duwanaaday, halka ay iyaguna u barteen dharka noocan ah maadaama cimillada Jabuuti kulushahay kana duwan tahay cimillada Hargeysa.

Kooxda ay ka tirsan yihiin laba wiil ee sidatay Magaca Xulka Kubadda Kolleyga ee caasimadda Jabuuti oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Xidhiidhka kubadda Koleyga ee Dalka Jabuuti, ayaa dorraad ka soo degay madaarka magaalada Berbera, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka kubadda Koleyga Somaliland, kuwaas oo markii dambe u soo galbiyey magaalada Hargeysa.

djibCiyaartoyga reer Jabuuti ayaa caawa ciyaartoodii ugu horreysay garoonka Tima-cadde ee magaalada Hargesa kula Kooxda kubadda koleyga Gaashaan, halka ay habeennada soo socda ciyaartooda labaad la yeelan doonaan Kooxda kubadda Koleyga ee Goodir.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories