HomeCiidamada Amaanka Oo Hawl-gallo Ay Ka Fuliyeen Berbera Iyo Hargeysa Dad Ku...

Ciidamada Amaanka Oo Hawl-gallo Ay Ka Fuliyeen Berbera Iyo Hargeysa Dad Ku Qab-Qabtay Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirka arrimaha gudaha somaliland mudane Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa ka hadlay dad lagu tuhunsan yahay falal amni daro oo ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-du hawl galo ay sameeyeen ka kala qabteen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

img_6d3153-434f26-efc05f-4110e4-467547-f163dc

Ciidamada ayaa subaxii hore ee shalay hawl gal culus ka fuliyay badhtamaha magaalada Hargeysa,waxaanay qabteen rag ay muddo daba socdeen.

Wasiirka arrimaha gudaha somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Wargeyska Geeska Africa oo aanu warkan ka soo xiganay wax ka waydiiyay hawlgalka ciidamada RRU-da waxa uu yidhi sida tan

“Ciidamadu xaqbay u leeyihiin inay qabtaan oo ay ka hor tagaan cid kaste oo ay uga shakiyaan xaalad abuur iyo falal amni daro,markaas Hargeysa qaarbaa lagu qab-qabtay Berbera-na dhawr baa lagu qabtay waana shaqadoodii oo ciidamadu si wanaagsan bay u shaqeeyaan”sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Wasiirka arrimaha gudaha mar aanu wax ka waydiinay tirada dadka la qabtay inta ay yihiin ayaa waxa uu ku jawaabay sida tan

“Ma rabo inaan ka hor dhaco.balse halkan Hargeysa dhawr baa lagu qabtay”

Wasiirka arrimaha gudaha somaliland bulshada waxa uu ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amaanka oo ay feejignaan muujiyaan waxaaana uu yidhi sida tan

“Bulshada waxaan ku baraarujinayaa inay sidaas ugu soo jeedaan oo ciidamada nabad galiyada la shaqeeyaan oo ay wargaliyaan mar walba oo taxadir dheeraad ah u yeeshaan oo ay ogaadaan in lasoo dhex galayo oo la khal-khalinayo oo ay jiraan dad ka shaqaynaya inay nabad galiyadeena khalkhaliyaan inay mar walba dadkaas la socdaan oo ay feejignaadaan ayaa loo baahan yahay”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka arrimaha gudaha somaliland Yaasiin Faratoon.

Somalilandpost.News

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories