HomeCiidama Amaanka Itoobiya Oo Ka Hor-tagay Dad Dibad-bax Ka Dhigay Gobolka Oromada

Ciidama Amaanka Itoobiya Oo Ka Hor-tagay Dad Dibad-bax Ka Dhigay Gobolka Oromada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Booliska Itoobiya ayaa sunta ilmaha ka ilmeysiisa iyo rasaas digniin ku riday kumanaan ruux oo dibad bax ka dhan ah dowladda ka dhigay magaalada Bishoftu ee Gobolka Qowmiyada Oromada, kaasoo 40km u jira Caasimada Addis Ababa.

 

Isu soo baxan oo markii hore ahaa caada diimeed ay xusaan dadka oromada sanad walba ayaa mar kaliya dadkii isugu soo baxay waxay ku dhawaaqeen erayo ka dhan ah dowladda.

Booliska ayaa rasaas cirka ugu riday dadka, iyo sunta ilmaha ka ilmeysiisa, taasoo keentay in dadka ay kala cararaan, iyagoo is buurtay. Is buurashada dadka ayaa la soo sheegayaa in dad badan ku dhaawacmeen, sida ay goob joogayaal u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee Reuters.

Dadka dibad baxayay ayaa ku qeylinayay erayo ay ka mid yihiin “Waxaan u baahanahay xoriyad iyo Cadaalad”, sidoo kale waxay wateen calanka jabhada xoreynta Oromada ee midibkiisu yahay Gaduud, cagaar iyo jaalle.

Banaan baxyo goos goos ah ayaa labadii sano ee u dambeeyay ka socday Gobolada Oromada, kaasoo looga soo horjeeday dowladda Itoobiya, tan iyo dhamaadkii sanadkii 2015 waxaa hey’adaha xuquuqul insaanka ay sheegeen in booliska ay dileen boqolaal dibad baxayaal ah.

Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo ah dadka ugu badan Itoobiya ayaa banaan baxyo ka dhan ah dowladda xilka heysa ka dhigayay goboladooda, iyagoo ku eedeynayay cadaalad daro iyo ku tagri fal awoodeed oo ay sameeyeen xisbiga talada haya.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories