HomeCigaal: Hoggaamiye U Qalma In Loo Aqoonsado Aabbaha Somaliland (3)

Cigaal: Hoggaamiye U Qalma In Loo Aqoonsado Aabbaha Somaliland (3)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Haddii aynu toos  ugu daadagno hoggaamiyaha u qalma in loo aqoonsado Aabbaha S/Land, dalkeennu waxa uu xoroobay laba jeer oo kala ah 26-June-1960kii iyo 18-May-2011kii, markan dib ayaynu u xorownay. Labadaas jeerna waxa majaraha siyaasadeed gacanta ku  kala hayay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo C/Raxmaan Axmed Cali “Tuur”, labadoodaba Alle Naxariista Jannada Ha Ka Waraabiyo. Gari laba nin kama wada qosliso ee midkood ayaa ay qoryoominkani taageeri doonaan in uu yahay Aabbaha Somaliland. Bal horta aynu faallo kooban ku faaqidno doorka siyaasadeed ee ay labadan halyeey kala ciyaareen.

Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa uu ahaa Xogahayaha Guud ee Ururka SNL 1960kii, kaas oo ahaa Xisbigii ku guuleystay aqlabiyadda codadkii lagu dooranayay 33kii Xildhibaan ee dalka, SNL waxa guddoomiye ka ahaa Sheekh Cumar Askar. Cigaal waxa uu gacantiisa ku saxeexay heshiiskii ay S/Land xorriyaddeeda kaga qaadatay Ingiriiska 26-Juun-1960kii oo ku yimi dedaal ay xilligaas SNL laf-dhabar u ahayd. Qaabka ay u dhisnayd xukuumaddii S/Land ee xilligaasi waxa uu ahaa hannaan la mid ah maamulka Ingiriiska oo macallin inoo ahaa. Waa hab uu dawladda ugu sarreeyo ra’iisal-wasaare ay doortaan xubnaha baarlamaanku, waxaana jagadaas qaata xisbiga ku guuleysta aqlabiyadda baarlamaanka. Qacdiiba waxa ra’iisal waraare ay S/Land u dooratay Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo nasiib-darro xilkaas hayay muddo afar dharaarood ah, ka dibna waxa lagu biiray Koonfur. An koobo’e Cigaal waa hoggaamihii kowaad ee S/Land abid yeelato iyada oo xor ah!.

C/Raxmaan Axmed Cali “Tuur” waxa uu ahaa Guddoomiyihii Ururka SNM ee keenay shaxda S/Land dib loogu hantay 1991-kii, kuna guuleystay dib-u-xoreynta qaranka isaga oo adeegsanaya cudud milatari iyo dagaal qadhaadh. Waa hoggaamiyihii ku dhawaaqay gooni-isu-taagga S/Land 18-May-1991kii, waa madaxweynihii kowaad ee abid dalku yeesho. Waa se hoggaamiyihii labaad.

Ma doonayno in aynu diiradda saarno gol-daloolada labadan hoggaamiye, oo bani aadamka oo dhan ayaa qaldama, waxa aynu se hoga-tusaynaa libta ay horseedeen oo keentay xuskan maantaba qalinku ku faallaynayo. Ugu dambayn maadaama oo uu Cigaal yahay hoggaamiyihii kowaad ee abid Somaliland oo xor ahi yeelato 1960-kii waxa ay aragtidayda gaaban oo cuskanaysa maraggaas taariikheed ee caddaanka ahi daaha ka qaadaysaa in AHN Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal uu yahay Hoggaamiyaha U Qalma in loo aqoonsado AABBAHA SOMALILAND. Halka C/Raxmaan Axmed Cali oo S/Land madaxweyne ka noqday 1991-kii uu u qalmo AABBAHA LABAAD EE SOMALILAND, MADAXWEYNAHA KOWAAD EE S/LAND iyo Horseedkii Halganka lagu guuleystay ee Dib-u-xoreynta qaran.

Alloow eex ma tiraabin, ee aqoon ha igu cadaabin. Qormooyinkan cidda ku samaynaysa naqdi, faallo, tusaale iyo dhaliil intaba waa u xor.

Dhammaad

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories