Home"Cidhif Gees ka Gees Cawke-yare Waa Laga Yiqiin, Carriga Soomaale"

“Cidhif Gees ka Gees Cawke-yare Waa Laga Yiqiin, Carriga Soomaale”

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Shalay subaxnimadii hore, anigoo shaqada jooga, oo markaa uun soo galay 6:30 ayaan yara jalleecay qoraal ku qornaa Facebuugga, oo sheegaya geerida Axmed Xasan Cawke, oo ku geeriyooday magaalaga Jigjiga. Wax yar ka dib, qoraallo aad u badan oo tacsida xanbaarsan ayaa sida daadka meel kasta aan ka halacsaday. Maalin kasta waa la geeriyoodaa, ee maxaa kala jaad ah. Inta badan, qofka dad badan ay garanayaan, maqalka iyo hadal hayntu waa ay ka badataa qofka aan dad badani garanayn. Ilaahay ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, oo xalay xilli danbe ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomalida Itoobiya.

Axmed waxa uu ahaa weriye caan ah. Waxa aan odhan karaa, waxa uu ahaa weriyihii ugu caansanaa ee soomaalida soo mara. Waxa uu gaadhay magaciisu in loo bixiyo qof kasta oo codkarnimo lagu astaynayo. Waxa aan xasuustaa sannadihii 1983kii ilaa 1985kii oo aan ku jiray dugsiga sare ee 15 Mey oo ku yaallay magaalada Muqdisho, waxa ardayda ka mid ahaa, wiil lagu naanaysi jiray CODKA. Naanaystaasi waxa ay ka soo jeedday CODKA CAWKE, oo marka la soo gaabiyona noqonaysa Codka. Magacaas ayaa uu inankaasi ku magacdheeraa. Waxa kaloo aan garanayaa, Axmed Abokor Maxamed oo ku magacdheer Cawke.

Waxa magaca loogu bixiyey weriyaha Axmed Xasan Cawke. Waxa laga yaabaa tiro badan oo soomaali ah in magacaa laagu magacdaray Axmed Xasan Cawke. Qoraalkan kuma eegayo taariikh-nololeedkiisii, oo waxa laga yaabaa in badan oo garanaysaa in ay taa innala wadaagi doonaan. Waxaanse jecelahay in aan waxyar ka taabto, afar arrimood oo maankayga ku yaalla laga soo bilaabo yaraantaydii.

Waxa aan jeclaystay in aan la wadaago dhallainyarada maanta joogta ee magaciisa iyo muuqiisaba arkay, laakiin laga yaabo in aanay garanayn halka ay ku aroorto caannimada iyo jacaylka Cawke. Waxa aan garaadsaday, bilawgii toddobaatanaadkii, iyada oo idaacadda Muqdisho, marka uu warka sheegayo Axmed Xasan Cawke ama barnaamij kaleba la yidhaahdo Cawke-yare. Taasoo ku tusaysa in uu da’yaraa marka uu bilaabay weriyenimada. Bal haddaba aan oraalka ku soo koobo afar xusuusood oo aan hubo in inbadani ila xsuusantahay.

  1. Warka: – Marka uu warka sheegayo, waxa la odhan jiray war muhiim ah ayaa jira, mar haddii Cawke sheegayo warka. Waxa laga yaabaa, in aanuu warkuba muhiim ahayn, waxaase uu soo jiidan jiray dhegaha dadka oo dhan. Waxa uu adeegsan jiray erayo, uu u xulay, isagoo ku iidaamaya codkarnimo. Qaabka uu warka u sheegi jiray, warka uu sheegayo waxa uu dhegahaaga u geli jiray, si yaab leh oo aad fahmayso erayga uu ka bilaabay iyo ka uu ku dhammeeyey.
  2. Barnaamijkii Imaqashii i madadaali: Barnaamijkan, haddaanan qaldanayn, inta badan waxa la sii dayn jiray shanta galabnimo. Waxa la sugi jiray inta barnaamijkaasi ka soo gelayo, oo reerka haysta Reedhyaw, ayaa loo soo dhawaan jiray. Dadku Reedhyawga ma wada haysan, laakiin dad badan waxa caawin jiray Meheradaha oo dallici jiray barnaamijkaas, gaar ahaan Makhaayadaha oo lagu soo ururi jiray. barnaamijkaasi wuu ka dad-badnaan jiray BBC-da sidii berigii danbe loogu soo ururi jiray. Inta ku garaadsatay barnaamijkaas iyo intii markaaba garaadka lahayd waxa ay ku xasuusan yihiin oo ku suntan Imaqashii i Madadaali Axmed Xasan Cawke (Cawkeyare).
  3. 3. Dagaalkii 1977: Dagaalkii inna dhexmaray Itoobiya, waxa uu ahaa weriye, codkiisu uu ka xoog badnaa madaafiicdii la isku ridayey. Waxa aan xusuustaa erayo u gaar ahaa Cawke. Taliska nacabka ah, taliska Naxashka saaran, taliska tiisii dhammaatay. Laga yaabaa erayadan in weriyeyaal kale bilaabeen, waxaanse qiyaasayaa in codka Cawke ay ku ahaayeen kuwo u dhigma gantaallo, lagu ridayey cadawgii berigaas. Warka ka sokow, faallada oo gebi ahaan ku saabsanaan jirtay dagaalladaas 1977-1978kii waxa inta ugu xiisaha badan ee loo dhegtaago akhriyi jiray ama soo diyaarin jiray Axmed Xasan Cawke.
  4. Ciyaaraha: marka kubbada cagta lagu ciyaarayo garoomada ayuu Cawke si toos ah u soo tebin jiray, waxa uu caan ku ahaa in uu kiciyo dareenkaaga xiisaha kubbadda. Waxa uu abuuri jiray hab aad u fahamto kolba halka kubbadu marayso. Waxa uu si fudud u qaybi jiray ciyaartoyga magacyadooda, isagoo marmarka qaar ku dari jiray qaylo iyo sawaxan ku sii xiise geliya—-xataa haddaanaad labada kooxood ee cayaaraya midna taageersanayn, dhegaysiga Cawke iyo tebintiisa ayaa ku gelin jiray dhegtaag iyo yaa goolkaa dhaliyey.

Afartaa qodob ee aan tilmaamay, maaha sagaashanaadkii ee waa siddeetamaadkii horraantoodii iyo wixii ka horreeyey. Waxa aynu odhan karnaa bilawgii todobaatanaadkii ilaa bilawgii siddeetamaadkii ayaa magacan, Cawke uu cirka sare gaadhay. Maaha intii uu BBC-da joogay, mana aha intii uu Universal iyo Tv-yadan casriga ah ka ahaa weriyaha. Xilliga lagu astaynayaa Cawke, maaha maanta oo uu ahaa 72 jir, waa xilli hore, waa mar uu da’yaraa, oo loogu yeedhi jiray Cawkeyare. Ilaahay ha u naxariisto, aamiin, dhammaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo bulshada soomaalida oo dhan meel kasta oo ay joogaanba, samir iyo iimaan. Ilaahay jannadii Fardawsa ha ka waraabiyo aamiin.

Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

Iswidhan/Stockholm

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories