Home“Cida Qudha Ee Dawladda Distuuriyan Culays Gudaha Ah Saari Kartaa Waa Baarlamaanka...

“Cida Qudha Ee Dawladda Distuuriyan Culays Gudaha Ah Saari Kartaa Waa Baarlamaanka Ood Moodid Inay Xukuumadda Ku Biireen, Xiligii Daahir Rayaale Iyagaa…”Musharaxa Madaxwaynaha UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Musharaxa doorashadda madaxtooyada ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa xadhiga suxufiyiinta Haatuf ee xabsiga Gebilay ku xidhan ku tilmaamay masiibo iyo xasuuq ay xukuumadda Siilaanyo ku tirtirayso xoriyatul-qawlka iyo madaxbanaanida Saxaafadda Somaliland.

jamaal-caliJamaal Cali Xuseen waxa uu tacadiyada ay xukuumadu shacbiga ku hayso ku eedeeyey labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda oo uu ku dooday inay doorkoodii ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta inay gabeen isla markaana ay xukuumadda ku biireen oo aanay gudanin waajibaadkoodii Distuuriga ahaa Xildhibaanadaasi.

Musharaxa madaxwaynaha UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidoo kale ka hadlay musharax ahaan Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Madaxwayne Siilaanyo midka uu jeclaan lahaa inuu la tartamo, kaas oo sheegay inuu midkasta diyaar u yahay inuu kula tartamo hogaaminta taladda dalka ee shanta sano ee soo socto, kaas oo tibaaxay inay bulshadda u soo bandhigi doonaan xisbi ahaan wax badan oo ku qornaa buugii cagaarnaa ee Kulmiye oo aan halkoodii laga soo qaadin isla markaana aanay cidiba is waydiinin.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay khadka telefoonka waraysi kooban ku siiyey Naasir Aadan Maxamed Oo ka tirsan bahda Wargeyska xayiran ee Haatuf Media Network, isaga oo ku sugan Sydney ee dalka Australia oo uu kaga qaybgalay xuskii maalinta aas-aaska gooni isku taaga Somaliland ee 18-ka May.  Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xadhiga masuuliyiinta Haatuf, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “In albaabadda loo xidho Haatuf Iyo Somaliland Times iyo xadhiga madaxda Haatufba waa sharci darro, daandaansi iyo cabudhin lagu waddo saxaafada OO badhna la iibsaday. Badhna la yidhi car juuq dhaha, badhna la xidhay. Guddoomiyaha Haatuf Media Network Mujaahid Yuuusuf Cabdi Gaboobe iyo tafatiraha Haatuf ee la xidhanba waxaanu leenahay waa arrin aan la qaadan karin oo aan wadadii saxda ahayd loo marin, run ahaantiina waa wax cidkasta oo damiir lihi ka xishoon lahayd in dadkii xasaabada ku lahaa Wadankan in maalinba mid la bahdilo oo waliba tacadi xun lagula kaco”.

Musharaxa Madaxwayne-nimo ee UCID Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya heerka tacadiga saxaafada ee xukuumadii Rayaale iyo tan Siilaanyo, waxa uu yidhi “Daahir Riyaalle 8 qof oo Saxaafadda ka hawl-gala oo suxufiyiin ah ayuu xidhay 8-dii sanadood ee uu taladda dalka hayey , laakiin xukuumadda Siilaanyo ee xisbiga Kulmiye waxay xasbiga dhigtay  57 Weriye Afartii sanadood ee talada haysa, waa xukuumaddii ugu xumeyd ee Somalind soo marta ee xuquuqal iinsaanka Iyo Saxaafadda u daran. Ceeb Iyo sharaf dhac bay inagu tahay in Yussuf Cabdi Gaboobe laysugu daro xadhig, xayiraad iyo xaruntii wargeyska oo la xidho. adduunka lama arag xukun noocaas ah. Bal kuwan iyagu saxaafadii la wada lahaa ee ummadda mucaaridka ku caytamaaya, ee haddana aan Adkaysiga lahayn. waxay ka gubanayaan runta laga qoray Iyo musuqmaasuqa baahsan ee jirra. Yuusuf Cabdi Gaboobe Waa nin waddanka sharaf iyo karaamo Ku leh oo mujaahidiintii dalka u soo halgantayna ka mid ahaa, may ahayn maalinta 18 May inuu xidhnaado oo isagoo aynu ogayn waxyaabaha uu dalkan soo gashaday inuu 18-kii May ku xuso xabsiga Gabiley dhexdiisa runtii luuqad adag ayaanu ku cambaaraynayaa ariintaasi, laakiin xaqaa adkaan doona anaguna waanu u hiilinaynaa isaga iyo aqoonyahan Jiir oo cadaalad darro u xidhan”.

Jamaal isaga oo ka hadlaya sida uu u dhacay xadhigii iyo dacwadii Haatuf lagu soo oogay, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxa wax lala yaabo oo fajaciso galinaysa bulshadda ah in Suxufiyiintii Maxkamadda gobolka Hargeysa cagahooda ku tagay iyaga oo sita cadaymihii wararkii lagu haystay ee haddana markii ay is yidhaahdeen is difaaca waxba laga dhagaysan-waayey, waliba la cabudhiyey Qareenadii daafacayey madaxda Haatuf, iyagoo loo diiday inay labadii Wasiir ee maxkamadda hor yimid inay wax waydiiyaan, waxaas oo dhan iyo waxyaabo dalka ka dhacay mudadii xukuumadda Siilaanyo waa waxyaabo sumcadii Wadankeena hoos u dhigay in badan”. Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii, kana hadlaya waxyaabaha lagaga hortagi karo xasuuqa iyo cabudhinta ay xukuumadu ku hayso xoriyatul-qawlka iyo saxaafadda madaxbanaan, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waa in xisbiyadda mucaaridka in ay dadka abaabulaan oo iyaga Iyo ururadda saxaafadda sida SOLJA oo ay mudaharaad arrinkan ah ka galaan baa laga rabaa. Laakiin cidda qudha ee dawladda dastuuriyan u yeedhi karta ee culays gudaha ah saari kartaa waa Baarlamaanka Somaliland ood moodid inay dawladdii ku biireen, hadda Waa kuwii xilligii Daahir Riyaale iyagu mudaharaadyadda abaabuli jiray iyagaana sharciyan qaban kara xukuumadda oo ay bulshadu wakiilatay oo ay dadku doorteen.

Markaa waxaan arintaas kaga baxyaaa oo aan u arkaa in lagu soo afjari karo tacadiyada xukuumadda madaxwayne Siilaanyo mudaharaado joogto ah oo saxaafada Iyo xisbiyadu ugu hiilinayaan Iyo Baarlamaanka oo kaalintoodii ciyaara iyo wadamadda Somaliland taageera Iyo hay,adaha caalamiga ah OO culeys saara xukuumadda”.

Jamaal Cali Xuseen Musharaxa madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID mar wax laga waydiiyey isagu musharax ahaan cida uu danaynayo inuu la tartamo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo Axmed Siiilaanyo, waxa uu ku jawaabay “Musharaxnimadda Kulmiye waa iskugu kay mid oo cidii ka sharaxan xisbiga Kulmiye anagu waa la tartamaynaa oo hawl badan iyo halkay wax dhigeen iyo buuggii cagaarnaa baa horyaalla. Muuse Biixi iyo Siilaanyo midkii musharxanimada Kulmiye ku soo baxaba diyaar ayaan u ahay inaan la tartamo.

Mida kale haddii heshiisku ahaa Muuse Biixi shanta sano ee danbe in loo daayo bay ahayd inkastoo masaxweynahuna uu xaq u leeyahay inuu mar labaad tartamo. ummadda ayeey u taallaa laakiin xisbiga Kulmiye doorashay ku yimaadeene iyaguna dalka in doorasho wakhtigeedii ah oo tii golaha deegaanka ee ay ku fashilmeen aan ahayn baa laga rabaa. xaalkuna ma noqonaayo xajar meel la dhigo iyo xilwareejin joogta ah.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories