HomeChina Horn Group waa shirkad weyn oo caalimiya oo haysata aqoonsiga dhismaha

China Horn Group waa shirkad weyn oo caalimiya oo haysata aqoonsiga dhismaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shirkada China Horn Group waa shirkad caalamiya kuna guulaysatey dib-u-dhiska iyo casriyaynta madaarka caalamiga ah ee Igal International Airport ee magaalada Hargeysa, dhismahan oo ay ku baxayso lacag ka badan afar malyan oo Doolarka maraykenka ah.

Shirkada Chine Horn waxay ka mid ahayd shirkadihii faraha badnaa ee u tartamay qandaraaska dib loogu dhisayo madaarka Hargeysa, markii ay qiimeeyeen gudida qandaraasyada qaranka Somaliland National Tender Board, lana eegay Profile-ka ay leedahay shirkada Chine Horn waxaa caddaatay in shirkada Chine Horn ay tahay shirkad adduunka sumacd ku leh una qalanta in ay dhisto madaarka Hargeysa.

Qiimayntaa ka dib gudida qandaraasyada Qaranku waxay ogaadeen in ay Chine Horn tahay shirkada keliya ee ka bixi karta dhismaha madaarka caalamiga ah ee Igaal International Airport, sidaa ayaana ay kaga guulaysatey shirkadihii badnaa ee tartanka la galay, waxayna keensatay isla markiiba qalabkii ay ku hawl geli lahayd iyada oo la wada ogyahay in madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siillaanyo] uu maalintii Axada uu dhagax dhigay dhismaha madaarka, sidoo kalena ay masuuliyiinta wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ay shaaciyeen in madaarka laga joojiyey diyaaradihii waaweynaa ayna madaarka ka degayaan diyaaradaha yar yar.

Sida aynu la wada socono mashaariicdan dib loogu dhisayo madaarada Hargeysa iyo Berbera waxaa Somaliland ku caawisay dawlada Kuwait, ka dib markii ay xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Siillaanyo ay dedaal badan u qashay sidii ay dawlada Kuwait inoo ka caawin lahayd dib-u-dhiska madaarada ugu waaweyn Somaliland.

Hadaba waxaa wax lagu xumaado ah in ay shaqsiyaad dano gaara leh iyo weji ku macaash ay suuqa geliyeen in aanay shirkada Chine Horn aanay ahayn shirkad dhismaha ah ee ay tahay shirkad macdanta qoda, sidaana waxaa warbaahinta qaar ka mid ah ku qoray Maxamed C/raxmaan Gadhyare oo sida uu sheegay shirkada ka waayey Sub- contract.

Taasoo sababtay in Maxamed uu qaylo ooda ka qaado, taasina runtii ma ahayn qalbi saliima ee waxay ahayd haddii wax la ii dhiibi waayey maan qayliyo, runtii waxaan odhan lahaa Maxamed Qanyare mashruucan qarankaa leh suura-galna maaha in cid laga laaluusho waana qandaraas ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee dalka lagu hor marinayo, mana aha halkan oo kale meel laaluush laga doono ee waa hanti qaran.

Waxaan odhan lahaa Maxamed C/raxmaan Gadhyare halkan waxba kaagama banaana haddii aad doonaysid in aad qaylo wax ku heshid hanti qaranku leeyahay qaylo ku heli maysid, Chine Horn-na waa shirkad caalamiya oo addunka laga ogyahay haddii aanay ahayn shirkad dhismaha ahna guddida qandaraasyada qaranku ma siiyeenm mashruucan waana shirkad dawladu hore u baadhay, markaa maxamed waxaan odhan lahaa dawladnimada ayaad meel kaga dhacday.

C/laahi Axmed Caarshe

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories