HomeChelsea oo u badheedhay Khasaaraha Qiimihii uu Torres ku joogay, Suuqana ku...

Chelsea oo u badheedhay Khasaaraha Qiimihii uu Torres ku joogay, Suuqana ku soo dhigtay 20milayn oo Gini

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London, (SLpost)- Kooxda Chelsea ayaa ka dhur-sugaysa dalab ay kooxo ku soo codsadaan ciyaartoyga Qiimaha badan ku jooga ee Fernando Torres marka bisha soo socota uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoygu.

blank
Torres: In kasta oo 50 Milyan laga bixiyey haddana ku fashilan inuu soo celiyo sumcaddiisii

Weeraryahankan reer Spain oo todobaadkiiba mushahar ahaan u qaata £150,000, waxa uu horyaalka Ingiriiska ka dhaliyey laba gool oo kaliya tan iyo markii uu bishii January ee sanndkan kooxda Liverpool uga wareegay garoonka Stamford Bridge.

In kasta oo kooxda Chelsea ay qorshaysay inay amaah ugu diraan koox kale si uu dib u dhis ugu sameeye kalsoonidiisa baahday, haddana waxa imika ka go’an inay iska iibiyaan ciyaartoygan £50 milyan ku jooga.

Kooxdu waxay go’aansan doonaan inay u badheedhaan khasaare ka soo gaadha qiimaha ay soo siisteen ciyaartoygan oo noqday kii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta Ingiriiska, waxaanay ka dhur-sugi doonaan koox kasta oo u diyaar ah inay ku iibsato qiimo ku dhow 20 milyan isla markaana diyaar u ah inay iska bixiso mushaharka xad-dhaafka ah ee uu dalbanayo.

blank
TORRES: Waxa uu noqday Ciyaartoygii ugu Qaalisanaa Taariikhda Suuqa kala iibsiga ciyaartoyga Horyaalka Ingiriiska

Markii uu tabobare Andre Villas-Boas uu la wareegay kooxda Chelsea, waxa lagu qanciyey in Torres uu dib u hanan karo qaab-ciyaareedkii lagu yaqaanay ee ka dhigay mid ka mid ah weeraryahannada u cad-cad kubadda cagta adduunka.

Waxaanu tabobaruhu rejaynayey in imaanshihii kooxda ee Juan Mata kaga soo wareegay naadiga Valencia uu wax ka beddeli karo qaab-ciyaareedka Torres, laakiin xataa taasi way suurto-galin weyday inuu xiddigga reer Spain dib u hanto guulihiisii hore.

In kasta oo Chelsea ay dul-qaad u yeelatay 27 jirkan, isla markaana ay rejaynayeen koox weyn oo ka iibsata si ay qiimihiisii hore uga helaan, haddana way ku fashilmeen maadaama oo ay ka hadheen tartanka Champions League oo ah ka ugu weyn Yurub ee lagu qiimeeyo Ciyaartoyga.

Xiddiggan dalkiisa Spain kula guulaystay koobka Adduunka waxa ku dul habsatay masiib tan iyo intii uu u wareegay Chelsea waxaanu imika dhanka muhiimadda Safidda ka dambeeyey weerar yahannada kale ee Didier Drogba iyo Daniel Sturridge.

blank
DANIEL STURRIDGE: Ciyaartoyga TORRES muhiimadda laga siiyey dhanka weerarka

Kulankii ay Chelsea guusha ka gaadhay ee habeenkii Isniinta ay isku haleeleen Manchester City, waxa uu Torres fadhigay kursiga Sugaha ilaa ay ciyaartu dhammaanaysay, waxaana la arkayey isaga oo aan ciyaartoygii kale la dabbaal-degin markii ay Siidhiga la afuufay.

Tani waxay hoosta ka xarriiqaysaa isku-buuqa Torres ka haysta booskiisa laga qaaday isla markaana uu wakhtigan xaadirka ah dibadda ka joogo kooxda Chelsea.

blank
TORRES (goobaabinta Cad) oo aan Asxaabtiisa la dabbaal-degayn Guusha Kulankii Man City

In kasta oo uu weli sumcad iyo kaalin muhiim ka haysto taageerayaasha kooxdan reer London, waxa uu ku fashilmay inuu sii ahaado mid ka mid ah ciyaartoyga ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka.

Markii uu kooxda yimi wax gool ah muu dhalin 13 kulan, laakiin ugu dambeyntii waxa uu gool la’aanta ka baxay gool uu dhaliyey guushii ay kooxdiisu 3-0 kaga badisay West Ham April 23, haseyeeshee waxa uu haddana gool la’aan ku dhacay sagaal kulan ka hor intii aanu gool ka dhalin Manchester United 18kii Bishii September ee Sannadkan.

Ilaa wakhtigan, waxa uu kooxda Chelsea xilli-ciyaareedkan u dhaliyey Afar gool, in kasta oo lagu 11 kulan uu ka mid ahaa ciyaartoyga lagu bilaabay, kuwaas oo laba ka mid ah ka dhaliyey kooxda Genk kulankii Champions League ee badhtamaha bishii Oktoobar.

Somalilandpost.net

Sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories