HomeChelsea oo mataanaha Manchester kaga guulaysatay heshiiska Eden Hazard

Chelsea oo mataanaha Manchester kaga guulaysatay heshiiska Eden Hazard

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[S]Lpost Sports – Kooxda horyaalka Yurub Haysata ee Chelsea ayaa kooxaha Manchester United iyo Manchester City kaga guulaysatay inay gacanta ku dhigto xiddigga kooxda Lille ee Eden Hazard.

Xiddiggan u dhashay dalka Belgium oo la sugayey inuu maanta go’aan ka gaadho uu ku biirayo ayaa ugu dambeyntii goostay inuu ku biiro Chelsea.

blankWeeraryahankan kooxda Lille oo ku qiimaysan The £32 milyan ayaa la rumaysan yahay inuu si gaar ah ay heshiis iskugu raaceen Chelsea waxaana la filayaa inuu todobaadkan cago-dhigto garoonka Stamford Bridge.

Mataanaha Manchester ayaa sidoo kale ogolaansho loo siiyey inay wada-xaajood la heesheen Hazard, haseyeeshe 21-jirani waxa uu go’aansaday inuu soo gabo-gabeeyo loolankii loogu jiray hanashadiisa.
“Waa Heshiis la gaadhay,” ilo-wareedyo ayaa sidaas u sheegay Goal.com. “Hazard isaga ayaa doortay, waxaanu xilli-ciyaareedka dambe u ciyaari doonaa Chelsea.”

Subaxnimadii Isniinta ee todobaadkan, waxa uu xiddigan reer Belgium boggiisa Twitter soo dhigay inuu go’aan gaadhay: “Galab wanaagsan asxaabeey. Go’aan ayaan gaadhay. Waa inoo mar kale.”

Maamulka Chelsea ayaa la rumaysan yahay inay Hazard iyo wakiilkiisa kala kulmeen dalabkiisa lacageed, waxaanay sidoo kale kala hadleen go’aankiisa inuu ka mid noqdo kooxda ugu horreysa ee lagu bilaabo, taas oo noqon lahayd fursad aan loo damaano qaadi karin haddii uu ku biiro Manchester City.
Hazard ayaa hore u qirtay ka dib kulankii ugu dambeeyey ee uu u safto kooxdiisa Lille in guushii layaabka lahayd ee Chelsea ku hanatay koobka Champions League, ay ku qasabtay inuu go’aan dambe ka gaadho mustaqbalkiisa, maadaama markii hore uu u sii jeeday inuu ku biiro kooxda Horyaalka Ingiriiska haysata ee Manchester City.

“Chelsea way ixiisaynaysa imika,” ayuu yidhi Hazard. “Waxay ku guulaysteen Champions League, xilliciyaareedka dambena way ka qayb-galayaan. Run ahaantii muhiimad wayn ayey ii leedahay inaan tartan ka qayb-galay.” Waxa uu intaas sii raaciyey, “Chelsea waa koox weyn oo ciyaartoy muhiim ah haysata.”
United iyo City ayaa muddo dheer dabo-ordayey inay hantaan Hazard, laakiin laba naadiba waxa la rumaysan yahay inay dib uga fadhiisteen dalabaadka lacageed ee wakiilka ciyaartoygani doonayo taas oo la og yahay inuu dhankiisa ka rabo £5 milyan oo Heshiiska la socda

Hazard oo loo aqoonsaday xiddiga sannadka ee horyaalka Faransiiska, waxa uu ka mid yahay ciyaartoyga hibada u leh kubadda cagta ee Yurub isaga oo 20 gool ka dhaliyey Horyaalka isla markaana suurtogaliyey dhashada 22 gool.

 SOMALILANDPOST.NET

sports@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories