HomeCeerigaabo: Urur-Siyaasadeedka WADDANI oo Munaasibadii ugu miisaanka cuslayd ku soo bandhigay 21...

Ceerigaabo: Urur-Siyaasadeedka WADDANI oo Munaasibadii ugu miisaanka cuslayd ku soo bandhigay 21 murasha oo uu hormood u yahay Maayarka Magaalada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Urur-Siyaasadeedka WADDANI ayaa 21 murashax oo miisaan culis leh oo uu ku jiro Maayarka hada talada haya ku soo bandhigay xaflad si balaadhan loo soo agaasimay oo ka dhacday Beerta Xoriyadda ee loo yaqaano Nuura laba (2) ee Degmada Ceerigaabo.

blankXafladaas oo mug iyo miisaan leh waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Maayarka Magaalada Ceerigaabo ahna Murashax u taagan Golaha Deegaanka, Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI ee Gobolka Sanaag, Salaadiin, cuqaal,  Madaxda Ururka ee Gobolka , Murashaxiinta, martii sharaf iyo taageerayaasha Ururka ee Degmada Ceerigaabo.

Xafladaas oo taageeyaal badani iskugu yimadeen  ugu horayn waxaa munaasibadaas ka hadlay Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka WADDANI ee Gobolka Sanaag Maxamed Jamac Xasan Daadey, waxaanu sheegay inay ka Urur ahaan si balaadhan u soo dhawaynayaan murashaxiinta ay soo xuleen taageerayaashoodu, waxaanu carabka ku adkeeyay inay  xul yihiin murashaxiinta ay soo bandhigeen “Aniga ooku hadlaya magaca Ururka WADDANI, waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa 21 murashax ee ka sharaxan Degmada Ceerigaabo kusaas oo dhammaan tood xul ah in badana aanu ka soo fiirsanaynay, waxaana ku jira rag ruug cadaa ah oo shaqada si fiican u garanaaya, waxaanan u mahad naqayaa dhammaan taageerayaasha Ururka WADDANI ee sida xamaasadu ku jirto halkan iskugu soo baxay, waxanan leeyahay waad mahad san tihiin, Murashaxiintuna waa kuwii ugu cududa weynaa.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Ceerigaabo ahna Maayara Magaalada Ceerigaabo isla markaas ka mid ahaa Murashaxiinta xafladaas lagu soo bandhigay  Ismaciil Xaaji Nuur, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mar labaaad isku soo taago Golaha Deegaanka Ceerigaabo“ Taareeyashaa ururka WADDANI waxaan u soo dhawanayaa si balaadhan, farax iyo karaamo ayay i tahay inaad mar labaad isku soo taago Golaha Deegaanka ee aan Guddoomiyaha u ahay, waxanan ku farasanay taageeradiina balaadhan ee aad noo fidiseen.” Sidaas waxaa yidhi Maayarka Ceerigaaabo MD Ismaciil Xaaji Nuur, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markii aanu bilownay siday ahayd idinka ayaa ka markhaati ah iyo sida ay maanta tahay Ceerigaabo waayo idinka ayaa xaakim ah oo garsooraaya waxa aanu qabanay, anagu odhan mayno  waxaas ayaanu qabany,  shacabkaanu ka codsanayaa  wixii saxda ah ee aanu qabanay inay muujiyaan, dadka meelahaas ka hadlaya idinka ayaa garsoori oo sheegi waxay yihiin.

Suldaan Cali Yuusuf Cabdi Bad Cas oo ka mid ahaa Salaadiinta xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhawaynaayo murashaxiinta u taagan Golaha Deegaanka Ceerigaabo “Aniga oo ah Suldaan Bada cas, hadaad tihiin reer Ceerigaabo waxaan  idin sheegaaya inaan idiin sahan tagay oo aan eegay Ururada iyo Xisbiyada, waxanan idin soo helay Ururka WADDANI oo ah urur miyi iyo magaalaba la leeyahay waa Ururka keliya ee la hubo inuu yahay mid bari ilaa galbeed bulashada ku nooli ku jiraan oo ah urur hogaan fiican .”

blankSidoo kale Boqor Maxamed Nuux Aadan oo munaasibaad ka hadlay ayaa soo dhaweeyay 21 murashax ee u taagan Golaha Deegaanka Ceerigaabo “Waxaan idin qirayaa in Murashaxiintu yihiin kuwii ugu mudnaa ee ugu miisaanka cuslaa waayo waxaa ku jira aqoon yahano wadanka wax badan u soo qabtay, waxaana ka mid ah Maayarka hada talada haya, waxaanan idin sheegayaa in dadka maanta halkan iskugu yimi yihiin tiradii ugu badnaa ee Urur u soo baxa marka loo eego ururkada kale, waxaan kaloo fariin hambalyo ah idinka sidaa salaadiinti galbeed ee uu ka mid yahay Suldaan Xiiray iyo Suldaan Good.”

Boqor Maxamuud Cismaan oo ka mid ah Boqorada Gobolka Sanaag oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa hoos ka xariiqay inuu ku faraxsan yahay sida loo soo agaasimay xafladaas Ururka WADDANI ku soo bandhigay Murashaxiinta u taagan Golaha Deegaanka Degmada Ceerigaabo “Ururka WADDANI dadku waxay yidhaahdeen habeenkaa wata, anagu maanta markhaati ayaanu ka nahay in habeenku  wato, waayo dadka maanta halkan iskugu yimi waxay ka kooban yihiin dhamaan beelaha halkan degan .”

blankCabdilaahi Nuur, Axmed Maxamed Cabdi, Maxamed Warsame Xirsi,  Xuseen Xasan Xirsi, Xasan Askar Maxamed, Maxamed Ibraahim Cabdi (Sumuli), Maxamuud Aamiir Warsame Jaamac oo   Murashaxiinta  u taagan Golaha Deegaan Degmada Ceerigaabo ee xafladaas lagu soo bandhiga oo dhamaantood xafladaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Ururka WADDANI u soo sharaxo Golaha Deegaanka, waxaanay taageerayaashooda ka codsadeen sida ay xafladan ugu soo baxeen inay codayntoodana ugu soo baxaan.

Sidoo kale  Caaaqil Maxamed Cabdi Soofe iyo Cabdilaahi Axmed Daamur oo iyaguna xafladaas ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay murasahaxiinta, waxaanay ilahay uga baryeen inay noqdaan kuwo doorashada ku guulaysta isla markaasna dadkooda iyo dalkoodaba wax u qabta.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories