HomeCeerigaabo: Urur-siyaasadeedka WADANI Oo Maanta Soo Dhawayn Ballaadhan Kala Kulmay Dadweynaha Degmooyinka...

Ceerigaabo: Urur-siyaasadeedka WADANI Oo Maanta Soo Dhawayn Ballaadhan Kala Kulmay Dadweynaha Degmooyinka Ceerigaabo iyo Ceel Afweyne Xafiisyana Furtay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Ceerigaabo (SLpost)– Dadweynaha reer Ceerigaabo ayaa maanta soo dhaweyn layaab leh ku qaabilay wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], isla markaana waxa uu xadhiga ka jaray xarunta ururka ee Ceerigaabo iyo laba xafiis oo kale oo ku yaala Ceel-afweyn.

blankWeftiga guddoomiyaha oo saaka ka soo kallahay magaalada Gar-adag oo ay xalay u hoydeen, ayaa abbaaro siddeedii subaxnimo waxa lagu soo dhaweeyey magaalada Ceel-afweyn, halkaas oo uu guddoomiyuhu dadweynihii soo dhaweeyey qudbad uga jeediyey.

blankGuddoomiyaha iyo weftiga uu hogaamiyo ayaa meel shan iyo toban kiloomitir  u jirta Ceerigaabo waxa kaga hortegay madax-dhaqameed, siyaasiyiin, aqoonyahan, culimo aw diin iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha reer Ceerigaabo oo luyay calanka iyo astaamaha u gaarka ah ururka, iyada oo loo gelbiyey dhinaca xarunta cusub ee ururka WADANI oo uu guddoomiyuhu isla maantaba xadhiga ka jaray.

blankGuddoomiye Cirro oo dadweynihii faraha badnaa ee soo dhaweeyey u jeediyey qudbad, ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhawaynta meeqaamkeedu sarreeyo ee weftiga WADANI ku qaabileen dadweynaha reer Ceerigaabo. “Dadweynaha reer Sanaag waxa aanu ku hambalyaynaynaa nabadii ay sameeyeen maalintii dhawayto.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, oo intaa ku ladhay “Waxa aanu ku hambalyaynaynaa cid kasta hadday tahay xukuumadda, madax-dhaqameedka-ba, dadkii gobolada kale uga yimi gobolka Sanaag heeshiiskaa nabada ee ay gaadheen.”

blank“Waxa la yidhaahdaa waa afar beelood  Ceerigaabo ee waxa aanu jeclaan lahayn oo aanu soo jeedinaynaa beel keliya noqoto Ceerigaabo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

blankWaxa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay nabadgelyadu, “Nabadgelyadu waa waxa aynu kaga duwan-nahay walaalaheenna Soomaaliya, oo nabadgelyo la’aanta qof kastaa wuu dareemayaa dhibta ay leedahay. Walaaloyaal waxa aanu idinkula dardaaramaynaa in nabadaa aad gunudeen inaynu dhammaanteen wada ilaalinno.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

blankWaxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Ajandeyaasha ururka WADANI si aynu uga baxno dhibaatooyinka ay ka midka yihiin shaqo la’aanta, faqriga iyo biyo la’aanbta  waxa ka mid ah inaynu midawno oo aynu gacmaha is qabsanno. Waxaana aynu u baahan-nahay midnimo qaran. Midnimada qarankana waxa tusaale fiican u noqon kara heshiishkii aad idinku gaadheen waana aan idinku hambalyaynayaa.”

blankGuddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu dadweyaha reer Ceerigaabo ka codsaday inay taageeraan, “Inkasta oo odayaashii hadlay aanu uga mahadnaqayno taageeradii ay u muujiyeen ururka WADANI, waxa aanu dhammaantiin ka codsanaynaa intii halkan joogta, gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo-ba inaad na taageertaan oo aad WADANI soo gashaan. Dhammaanteen waddaniyiin ayaynu nahay oo waynu iska isdiwaangelinaynaa WADANI.”

blankGuddoomiyuhu waxa uu ku booriyey dadweynaha reer Ceerigaabo inay dad karti leh u soo xulaan doorashadara holaha deegaanka, isla markaana ay codkooda ku taageeraan ururka WADANI.

blankSuldaan Ismaaciil Nuur Wacays oo isna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxa halkan socda guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI Md. Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu guddoomiye idin leenahay soo dhawaada, halkan waxa fadhiya boqoradii, salaadiintii, guurtidii, culimadii, dhalinyradii iyo gabdhihii gobolka Sanaag oo u soo baxay inay soo dhaweeyaan ururka WADANI.”

blankWaxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Haddii uu gobolka Sanaag leeyahay degmo, tuulo iyo gobol intuba waxay ku leeyihiin soo dhawaw. Mataankaaga waa inaad taqaan meel walba waxa yaal, markaa waa nin aad garanaysaan oo soo halgamay.”

blankBoqor Cismaan Faarax oo hadal kooban ka jeediyey ka jeediyey madasha lagu soo dhawaynayay guddoomiyaha ururka WADANI iyo weftiga uu hogaaminayo, “Waxa aan si gaar ah u salaamayaa guddoomiyaha golaha wakiillada anhana guddoomiyaha ururka WADANI iyo weftiga uu hogaaminayo, waxaana aan leeyahay gobolku waa gobolkiinii, dalku waa dalkiinii, dadkuna waa dadkiinii dhammaantoodna waxay idinku soo dhawaynayaan farxad darartay.” Ayuu dhi Boqor Cismaa.

Waxa uu intaa ku ladhay oo uu yidhi “Waxay reer Sanaag in badan u oomanayeen guddoomiye inay ku arkaan oo ay ku dhegaysta oo ujeedada ururka aad wado kula hubsadaan. Waxaana ay kugu soo dhawaynayaan qalbi furan iyo gacmo furan oo aanay is yeelyeel iyo beeni ku jirin.
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Dhaadheere, Suldaan Axmed Xaaji Cusmaan, Suldaan, Sheekh Cabdilaahi Ducaale Faarax, Caaqil Maxamed Siciid iyo Cabdiraxmaan Lisaaye oo dhammaantood iska daba-maray soo dhawaynta weftiga guddoomiyaha, iyada oo sheegay inay taageri doonaan soo dhawayn doonaa urur-siyaasadeedka WADANI.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories