HomeCeerigaabo: Urur-Siyaasadeedka WADANI oo awooddiisa ku muujiyay Dhoola-tus qarqiyay magaalada +

Ceerigaabo: Urur-Siyaasadeedka WADANI oo awooddiisa ku muujiyay Dhoola-tus qarqiyay magaalada + [SAWIRRO]

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo, 24 March, 2012 (SLpost)- Kumannaan qof oo ka mid ah Taageereyaasha urur-siyaasadeedka WADANI, ayaa maanta dhoola-tuskii u weynaa ka sameeyay Fagaaraha banaanka labada Masaajid ee badhtamaha Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka qabsoontay hawl-galkii tiro-koobka madax-taabashadda ahaa ee Gudidda diiwaan gelintu ay ku qiimaynayeen Ururada cusub ee siyaasadda.

blankKumanaan ka mid ah taageereyaasha urur-siyaasadeedka WADANI oo sitay astaanka iyo calanka ururkaasi ayaa qarqiyay wadooyinka iyo shaaracyadda magaaladda Ceerigaabo, waxaanay Hoggaanka ururkaasi u soo bandhigeen siday ugu jeelan yihiin urur-siyaasadeedkan.

Ururka Wadani wuxuu kaalinta koowaad ka galay hawl-galkii Tiro-koobka madax-taabashadda gobolka Sanaag oo ah gobolkii afraad ee laga fuliyay qiimaynta Gudida diiwaan-gelinta, halkaas oo saaka hiirtii ilaa duhurkii dadweyne aad u badani ay gaado ka ciyaar ka wadeen.

blankAxmed Xuseen Fag-fagaash oo ka mid ah Gudida fulinta  eek u meel gaadha ah ee urur-siyaasadeedka WADANI, oo fagaarahaasi kala hadlay taageereyaashii ururkaasi, ayaa sheegay inuu uga mahad-celinayo dadweynaha magaaladda Ceerigaabo iyo taageereyaashooda Gobolka Sanaagba sida ay ugu soo baxeen ururkan “Maanta waa maallin weyn oo farxad leh waayo dadkiinan ay ka muuqato shucuurta wadaninimo ee halkan iskugu yimi aad ayay noo farxad geliyeen, waana noo sharaf inaad halkan idinka oo kumanaan ka badan iskugu timataan.” Sidaas waxa yidhi Baylood fag-fagaash. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan dareemayaa in reer Ceerigaabo ay dareenkooda ku muujiyeen rabitaankooda ururka WADANI, waxaana aan idinku   boorinayaa  inaad u diyaar-garawdaan doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto.”

blankMaayar Ku xigeenka caasimadda Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo ka hadlay fagaarahaasi ayaa isaguna u mahad celiyay taageereyaasha ururka WADANI ee gobolka Sanaag. Waxaanu u gudbiyay salaan uu uga siday Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Maayar Ku xigeenku wuxuu sheegay in ururka WADANI uu ka dheregsan yahay baahida Gobolka Sanaag u qabo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka. Waxaanu tilmaamay inay wax weyn ka qaban doonaan “Waxaan u mahad naqayaa madaxta Ururka Wadani ee Gobolka sanaag ee sida quruxda badan dadka u soo abaabulay, waxaana inoo sharaf ah iyada oo kun qof la inaga dooonaayo inaad keentaan saddex laabkeed iyo in ka badan.” Sidaas waxa yidhi MD Uur cade.

 Waxaa kaloo halkaa ka hadlay Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ah madaxda Ururka WADANI, waxaanu reer Ceerigaabo ku ammaanay siday  ugu heelan yihiin ururkan oo uu tilmaamay inuu awooda saari doono sidii uu wax uga qaban lahaa adeegyada bulshadda ee gobolkaas.

blankAxmed Cali waxa kale oo uu taageereyaasha WADANI ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan sidii ay ugu tabaabushaysan lahaayeen doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto dhawaan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Gudida diiwaan gelinta Md. Xasan Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) iyo Maxamed Cabdi-maalik oo ka mid ah xubnaha Gudidaasi, ayaa u mahad celiyay taageereyaasha Ururka WADANI oo ay tilmaameen inay qarqiyeen magaaladda Ceerigaabo.

Ururka Wadani waxa uu hore kaalinta koowaad ka soo galay tiro-koobkii todobaadkii hore laga soo fuliyay Goboladda, Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories