HomeCeerigaabo: Masuuliyiin Dawladda ka tirsan oo ka badbaaday Isku-day Dil, Khasaaraha ka...

Ceerigaabo: Masuuliyiin Dawladda ka tirsan oo ka badbaaday Isku-day Dil, Khasaaraha ka dhashay, 11 ma mid ah maleeshiyada oo la qabtay iyo Wasiirka Daakhiliga oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Ceerigaabo, (Slpost)- Laba askari oo ka tirsan ciidamada Qaranka Somaliland iyo ruux dumar ah ayaa geeriyooday, kow iyo toban kalena way ku dhaawacmeen kadib markii galabta ay koox dablay hubaysani weerar ku qaadeen guri lagu casuumay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland  Md.Axmed Cabdi Xaabsade iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Xuseen Faarax “Xiirane” oo ka mid ah weftigii loo xil saaray soo afjarida khilaaf gacan ka hadal sababay oo dhawaan dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo wada dega magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

blankDablaydan weerarka ku qaadday gurigan lagu casuumay Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo  wakhtigaas shir duceed kula lahaa waxgarad ka mid ah deegaanka ay ka soo jeedaan. In kasta oo weerarka dablaydu ku ekaysiisay masuuliyiinta qaran uu Fashilmay, haddana waxa muuqatay in qorshahoodu ahaa inay khaarajiyaan labada masuul ama ay afduub kula tagaan.

blankDhinaca kale, Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Md.Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo hogaaminayay weftigan ka socday Xukuumada Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta  oo uu weheliyo taliyaha ciidanka asluubta ay kulankaas kula lahaayeen mid ka mid ah guryaha magaalada ceerigaabo  kaas oo la xidhiidhay sida uu xusay Xoojinta amaanka . wasiirka arimaha guduhu waxa uu tilmaamay in kulankaas nabadeed ay soo weerareen koox dhalinyaro ah oo hubaysan oo ka soo jeeda  beesha ay waxgaradkeeda kulmayeen .Md.Maxamed Nuur Caraale Duur waxa uu intaas ku daray in ciidanka qaranka iyo ilaalada labada mas’uul ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday iyadoo iska hor imaadkaas ay ku geeriyoodeen Sadex askari oo ciidanka qaranka ka tirsan wasiirka arrimaha guduhu waxa uu cadeeyay in kooxdan dablayda hubaysani ay dileen Hooyadii gurigeeda kulanka lagu qabtay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland waxa uu hadalkiisa ku sheegay inay gacanta ku dhigeen 11 qof oo kooxdan dablayda ah ka mid ah kuwaas oo laba ka mid ahi ay dhaawac yihiin waxaanu intaasi ku ladhay in xaalada magaaladu ay degen tahay isla markaana ay ciidamada amaanku gacanta ku hayaan hawlaha nabadgalyo ee magaalada Ceerigaabo.

Weerarka ay kooxdani dablayda ah ku soo qaadday masuuliyiinta Qaranka isla markaana aanay ka daahsoonayd qorshaha loogu talogalay, waxa ay wararka qaar sheegayaan in hawl-galkan laga soo abaabulay Maamul goboleedka Puntland oo faro-gelin qaawan ku haya deggenanaanshaha ammaanka gobollada Sool iyo Sanaag

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories