Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Ceerigaabo (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu safarkiisi gobolada bari oo galay maalintii todobaad iyaga oo ku sugan gudaha ceerigaabo oo ay habeenkii xalay ahaa u hoydeen weftiga madaxweynuhu, waxay subaxnimadii saakaba hawlo shaqo ka bilaabeen magaalada ceerigaabo.
Weftiga oo ugu horayn shirar kala duwan la yeeshay waxgaradka, waayeelka dhalinyarada gobolka sanaag oo uu madaxweynuhu kala hadlay dhismaha wadada ceerigaabo oo hada hana qaaday dhismeheeduna indhaha shacbiga tusay in horumar la samayn karo hadii sidaasi iyo si ka sii wacan laysugu duubnaado, iyadoo dhicayadii la kulmay madaxweynuhu ay ku dhiirigeliyeen madaxweynaha, iyo gudida wadada ceerigaabo in aanay ka caajisin, dedaalka iyo kartida ay ku dhaqaajiyeen wajiga koowaad ee wadada ceerigaabo, taas oo uu madaxweynuhuna ka balan qaaday in uu barbartaagnaanayo sidii laysugu duubnaan lahaa shicbi iyo xukuumadba wadaduna ku dhismi lahayd,
????????????????????????????????????
Shirka kadibna waxa madaxweynaha halkaasi shahaado sharaf taariikhi ah ku gudoonsiiyey aqoonyahanka ka soo baxay jaamacadaha dalka ee ka soo jeeda gobolka sanaag, kuna maamuuseen madaxweynaha qaranka shahaado sharaftan madaama oo uu noqday madaxweynihii u horeeyey inta taaariikhda la ogyahay odhan 156 sanno u badheedhay inuu hirgeliyo dhismaha wadada ceerigaabo ilaa burco, sidoo kalena waxa ay shahaadadan ku xuseen inay ka turjumayso oo kale waxqabadka uu guud ahaan madaxweynuhu dalka ka geystay intii uu xilka hayey.
Ka dibna weftigu waxay uga ambabaxeen guriga martida oo kulamadu ka dhaceen dhanka cusbitaalka guud ee ceerigaabo oo madaxweynaha iyo weftigiisu kormeer shaqo oo ay ugu kuurgaleen xaaladiisa ku soo mareen warbixina ay ka dhegeysteen gudoomiyaha gudida gacanta ku haysa cusbitaalka Dr Muuse Yuusuf Maxamed oo warbixin aad u qiimo badan ka siiyey iyo xaalada cusbitaalka.
Madaxweynaha oo ku jira hawlihiisa shaqo ee ceerigaabo ayaa ka qaybgalay xaflada qalin jebinta Ardayda Jaamacada Sanaag University oo uu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey, halka Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Caafimaadka, wasiirka Madaxtooyada iyo madaxweynahana ay ardayda jaamacadu gudoonsiiyeen shahaado sharaf ay ugu talo galeen kuna maamuuseen waxqabadka ay muujiyeen.
Ugu danbayna waxa ay weftiga madaxweynuhu u soo kicitimeen markay saacadu ahayd 11:20Am dhanka Gobolka togdheer iyada oo caawa markay saacadu ahayd 8:20: Pm ku soo hoydeen magaalo madaxda Togdheer ee burco. waxaana halkaas weftiga madaxweynuhu hogaaminaayey ku sugaayey kuna soo dhaweeyey shacbi aad u tiro badan oo la dhacsanaa safarka madaxweynuhu ku tegay isaga oo guud ahaan soo kormeeray goobaha ay ka socoto dhismaha wadada ceerigaabo, xoolo noolna uu ka gudoomay deegaamada sanaag oo bilaabay inay xoolo isugu jira geel iyo adhi ku wareejiyaan gudida wadada ceerigaabo iyada oo uu madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa wareejinta.
Dhinaca kalena waxa dhar haween iyo koofiyado ay ku xardhan yihin calanka somaliland la gudoonsiiyey haweenka magaalo ceerigaabo iyada oo deeqdaasi ay marwada qaranku u wakiilatay Dalays Shire oo ka mida ahayd haweenka safarka ku wehelinaayey marwada.
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland