HomeCeerigaabo: Dadweynaha iyo Maamulka oo Bannaan-bax Salmi ah ku Muujiyey Dareenkooda ku...

Ceerigaabo: Dadweynaha iyo Maamulka oo Bannaan-bax Salmi ah ku Muujiyey Dareenkooda ku Aaddan Dhawaaqii Ingiriisku Ku Dhaliiley Ammaanka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Dadweynaha ku dhaqan xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, ayaa maanta sameeyey bannaan-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan Dhawaaqii Boqortooyada Ingiriisku ku sheegtay inaan laysku halleyn karin Ammaanka Somaliland.

Dadweynahan oo tiradoodu boqolaal gaadhaysay, ayaa socod ku soo maray waddooyinka magaalada Ceerigaabo, iyaga oo ku dhawaaqay Hal ku-dhegyo ay ku muujinayaan Xasilloonida iyo Midnimada Somaliland, waxaanay markii dambe isugu yimaaddeen Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee magaaladaas.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal, Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil X. Nuur, masuuliyiinta laamaha Dawladda ee gobolka iyo Madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus gobolka Sanaag, ayaa dadweynaha kala qayb-galay isu-baxa ay ku muujinayeen Qaranimada Somaliland.

ceerigaabo_BanaanbaxBadhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geel-jire) ayaa dadweynaha reer Ceerigaabo uga mahad celiyay siday dareenkooda u soo bandhigeen, ugana xumaadeen warbixintii dhawaan ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska.

Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo dadweynaha kula Hadley beerta Xoriyadda, ayaa ka warramay kaalinta ay Somaliland ka geysato nabad-gelyada mandaqadda iyo Sida Xasiloonidu uga tis-qaadday, “Somaliland waa dal nabad-gelyadiisu ay taam tahay, kamana jirto wax argagixiso ah. Somaliland afar Madaxweyne ayaa iska bedelay illaa 1991-kii, haddii aanay Somaliland nabad-gelyo ka jirin dawladnimo kamay hirgasheen. Afartaasi madaxweynena si salmi ah xilka ulamay kala wareegeen,” ayuu yidhi Maayarku.

Waxa kale oo dadweynaha la hadlay siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedka Sanaag kuwaas oo cambaareeyey dhawaaqii Ingiriiska, iyaga oo ku dheeraaday muhiimadda ay nabad-gelyadu u leedahay Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories