HomeCeel-biyood Markii u horeysay laga hirgeliyey Deegaanka Waddo-Makaahiil iyo Wasiir Xirsi oo...

Ceel-biyood Markii u horeysay laga hirgeliyey Deegaanka Waddo-Makaahiil iyo Wasiir Xirsi oo sawir ka bixiyey Jewigii Deegaanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Markii Riiggii dhulka lagu taagay soo daayey biyo xareed ah ayaad durba arkaysay shimbiro meel fog kasoo dulay oo dul heehaabaya deegaanka dushiisa taasi oo cadayn u ah bilowga nolol haraad beel ah waxaanay indhahaagu qabanayeen xoolo meel fog kasoo halacsaday biyaha dhulka kasoo boodaya.”

Hargeysa (SLpost)- Deegaaanka Waddo-Makaahiil oo ka tirsan Degmada Faroweyne ee gobolka Maroodijeex, ayaa markii u horeysay laga hirgeliyey Ceel-biyood ay baahi weyn u qabaan Dadka iyo Duunyada ku dhaqan Waddo-Makaahiil oo ku taala xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

makaWasiirro ka tirsan xukuumadda, ayaa maanta u tagay deegaankaas furitaanka Ceel-biyoodka oo madaxweyne Siilaanyo u ballan-qaaday dhowr todobaad ka hor uu ku maray socdaalkiisii Buur iyo Bannaan loogu magac-daray, kaas oo uu ku maray deegaannno ka tirsan gobollada dalka.

Weftiga Wasiirrada ee maanta ka qayb-galay munaasibadda waxa ka mid ahaa Wasiirrada Maaliyadda iyo Waxbarashada, Cabdicasiis Samaale iyo Samsam Cabdi Aadan oo deegaanka ka soo jeeda, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Kheyraadka Md. Xuseen Axmed Cabdile oo fulinta mashruuca ku guulaysay kaddib markii wasaaraddiisu la kaashatay hay’adaha Gargaarka ee dalka ka hawl-gala.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isagu ka dareen-celiyey Ceel-biyoodka loo hirgeliyey deegaankaas, isaga oo qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay Internetka ee Guusha.com ku sawiray jewigii deegaanka iyo goobta Ceel-biyoodka laga sameeyey uu ku arkayey intii ay sugnaayeen.

Qoraalka Wasiirku kaga dareen-celiyey guusha laga gaadhay ceel-biyoodka, waxa ka mid ahaa, “Waxa aan ku Faraxsanahay in Maanta markii uugu horaysay Deegaanka Waddo Makaahiil lagu guulaystay in ay helaan Biyo Macaan.

Ceel biyoodkan maanta laga gaadhay biyaha macaan ayaa balanqadkiisa uu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland socdaalkii (Buur iyo Banaan) ee uu dhawaan kusoo maray in badan oo kamida degmooyinka iyo tuulooyinka dalka.

Waa illaahay mahadii in balanqaadkii Madaxweynaha durba deegaankaasi helay oo ay maantaba haystaan waxqabadkii loo balanqaaday ee loo dhagax dhigay maalmo kooban ka hor,” sidaas ayuu Wasiirka madaxtooyada Somaliland.

Isaga oo sawirayey jewigii goobta Ceelka laga dalooliyey, waxa uu yidhi, “Markii Riigii dhulka lagu taagay soo daayey biyo xareed ah ayaad durba arkaysay shimbiro meel fog kasoo dulay oo dul heehaabaya deegaanka dushiisa taasi oo cadayn u ah bilowga nolol haraad beel ah waxaanay indhahaagu qabanayeen xoolo meel fog kasoo halacsaday biyaha dhulka kasoo boodaya.”

“Waan ugu hambalyeynayaa deegaankaas biyaha macaan ee ay heleen sidoo kale waxaan ku bogaadinayaa saxiibkay Wasiirka Khayraadka Biyaha tacabka badan ee uu u galay in uu balanqadkii Madaxweynaha u turjumo wax qabad muuqda.

Waa dhab oo biyuhu waa aasaaska nolosha waana baahida koobaad ee noolaha, waxaanan ku dedaalaynaa ka xukuumad ahaan in deegaan walba ka haqab beelo baahida biyaha Insha Allahu Illaahayna uu inoo sahli in nimcadiisa Biyuhu dhamaanteen ina wada gaadho,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

SOMALILANDPOST.NET

editor at Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories