HomeCeebta Madaarka Hargeysa Waa Mid Dul Fadhida Madaxweynaha

Ceebta Madaarka Hargeysa Waa Mid Dul Fadhida Madaxweynaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa uu yidhi halyahey amba gooji amba ha goojin geela gugan dhalaayaan kugu tiriya. Madaxweyne iyadoo ceeb iyo wanaaga dalka ka dhaca dhammaan dushada yahay, ayuu kani si gaar ah kuu saaran yahay.Waxa taas u sabab ah afar arrimood:

  1. Waa guddiga qandaraska oo uu u madax yahay nin beeshaad ah.
  2. Waa iyada oon tartan xalaal ah lagu bixin ee la siiyey wiil aad adeer u tahay oo HJ ah oo Aadan Madoobe ah oo qoyskaaga hoose ah oo ah nin reer Xaaji ah. Waa nin aan wax khibrad ah u lahayn dhisme nooc kasta ha ahaadee oo aad tidhi ku barbaro.
  3. Waa wasiirka cirka eega ee duulista oo isna beeshaada ah.
  4. Waa Wasiirka Madaxtooyada oo dhegta ku haysta kuna tusi laha halka qalad ku jiro oo isna beeshaada ah.

Haddaba Madaxweyne waxa ummaddu la yaabtay maqaska laguu dhiibay eed dhoolacaddeynta lagugu bartay ku furtay, haddana la yidhi lamaba eegin inay dayuuraduhu soo fadhiisan karaan. WEli maan maqlay mashruuc la furo isagoon inspection lagu samayn, iska daa madaar dhan oo nafta aadmigu marti u tahay.

WAxa iyana soo baxaysa hadal uu qirtay Wasiirka cirka eega, oo uu yidhi hal iinchna kumaanu kordhin dhabbada dayuuraduhu fadhiistaan (Runway), lamana filaayo inay fadhiistaan dayuuradaha waaweyne.

 

Maanta waxa lagaga fadhiya inaad is baraxdo ood hantidhowr u dirto baadha soona xaqiijiya halka lacagti martay iyo sida loogu tagrifalay. Waxa iyana waajib saaran yahay Guddiga magac u yaalka ah ee Dhaqaalaha ee Wakiiladu inay ka hadlaan una diraan baadhis dastuurka ayaa u baneeyey taas. Iyaga waxba odhan maayo Guddiga La-dagaalanka Musuqa oo waa ma dhaafsiisana magac iska laftiisu been ah.

 

Bal beeshan hawsha isku kaliyeysay iyagy tolow ma laga heli kara nin soo labeeya Xildhibaan Reyte oo ah halyeel wadani ah taariikhdana lagu xusi doono. Waxa isna meelo dabadda ah ka hadla walow uu baryahan amuusay oo xeerkii Garadag lagu aamusiiyey Xildhibaan Maxamed Cali.

Kolay waa beel ballaadhan oo intooda badani wxa meesha ka socda wey ka xun yihiin weyse aamusan yihiin. Taasna laga wacan. Hadday hadlaan waxa yaraan doonta dadka sida qaldan beesha u weerara, waxaana la heli bulsho isku duuban oo qaladka iska qabata.

 

Madaxweyne waan kuu duceeya, maanta waxaan kugu duceynaya inaad raggan aad beel ahaan xilka ugu dhiibtay inaad la xisaabtanto ood arrintan gunteeda gaadho. Alle ha ku tuso xaqqa.

 

Cabdi Xaji Axmed

hargeysawi@ymail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories