HomeCAYNABA: Madal ilyartu is qabatay oo lagu caleemo saaray Jiif Caaqil (DAAWO)

CAYNABA: Madal ilyartu is qabatay oo lagu caleemo saaray Jiif Caaqil (DAAWO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Caynabo (SLpost) Waxa maanta lagu caleemoo saaray magaalada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar  Jiif caaqil ay doorteen beelaha Baalle Wacays ee Reer/Yoonis, waxana loogu qabtay xaflad  si heer sare ah loo soo agaasimay  hoolka shirarka ee xarunta maamulka gobolka Saraar ee magaalada Caynabo

Xafladda lagu caleemo saaray  Jiif Caaqil Cali Ismaaciil Cawad ayaa waxa ka soo qaybgalay  masuuliyiinta gobolka Saraar uu ugu horreeyo badhasaabka gobolka Saraar Axmed Cali Nuur, maamulka degmada Caynabo, cuqaal, salaadiin, culimo awdiin, aqoonyahan iyo waxgarad kala duwan oo martisharaf  tiro badan oo ka socotay dhammaan qaybaha bulshada degmada Caynabo iyo gobolka Saraar.

 

Waxa ka mid ahaa madaxdhaqameedka ugu horaynba ka hadlay xafladda caleemo saarka   Jiif Caaqil Jaamac Faarax, Caaqil Ibraahim Ciise iyo Xasan Suldaan Ibraahim Suldaan Cali kuwaasoo ku dheeraaday taariikhda  Jiif Caaqilka oo ay sheegeen inuu yahay  jiif caaqilkii sagaalaad ee beelahaasi yeeshaan, waxanay ilaahay uga baryeen inuu u fududeeyo xilka loo caleemo saaray  Jiif Caaqil   Cali Ismaaciil Cawad.

Jiif Caaqilka la caleemo saaray ee Cali Ismaacil Cawad oo isaguna ka hadlay madasha ayaa ballanqaaday inuu si daacad ah  ugu shaqayn doono beelaha doortay, una gudan doono xilka iyo masuuliyadda loo doortay si hufan oo daacadnimo ku dheehantahay.

Jiif Caaqilka maanta la caleemo saaray ee Cali Ismaaciil Cawad  ayaa buuxinaya  kaalintan oo uu banneeyay walaalkii  Jiif Caaqil  Jaamac Ismaaciil Cawad oo geeriyooday sannadkii 2011kii.

Madhax dhaqameedka madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu Jiif Caaqilkani yahay kii sagaalad ee ay beelaha Baalle Wacays ee dega gobolka Saraar ay doortaan, waxanay guud ahaanba madaxdii iyo dadweynihii ka soo qaybgalay xafladda caleemo saarka ugu duceeyeen  inuu ilaahay  u fududeeyo xilka iyo masuuliyadda loo caleemo saaray  Jif Caaqil Cali Ismaaciil Cawad.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories