HomeCawil Oo Ka Hadlay Go’aankii Maxkamadda Sare, Madaxweynahana Kula Taliyay Inuu Kala...

Cawil Oo Ka Hadlay Go’aankii Maxkamadda Sare, Madaxweynahana Kula Taliyay Inuu Kala Reebo Murashixiinta Xisbiga KULMIYE Ku Hirdamaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, Md Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ka hadlay go’aanka ay maxkamadda sare ka soo saartay muddo kordhintii guurtida iyo loolanka murashaxnimo ee xisbiga KULMIYE ka dhex jira marka uu Madaxweynuhu mudadii dhammaysto.

Danjire Cawil, oo isagoo jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ku baaqay in halkaas lagu joojiyo murankii siyaasiga ahaa ee taagnaa mar haddii ay maxkamadii sare go’aan ka soo saartay, waxase uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu xisbiyada u qabto kulan la isku bogsiiyo, si hore looga socdo. “Mar haddii maxkamadii sare ay go’aan ka soo saartay murankii oo ay xalaalaysay muddo kordhintii guurtida sidaas lagu aqbalay ayay ku dhammaatay. Waa in iyadoo dalka loo danaynayo sidaas loogu hoggaansamay go’aanka maxkamadda sare lagu socdo, madaxweynuhuna waa inuu asxaabta isugu yeedhaa oo dabadeedna mudadu maba badna oo waa sannadee sidaas lagu shaqeeyo oo la dedaalo. Siyaasaduna maaha cadaawad oo qofka cadaawad ka dhigaa isagaa khaldan ee waa in maanka taas lagu hayo. Waxaan aad ugu celcelinayaa inaan laga daba buuqin go’aanka maxkamadda sare oo niyad samidaas lagu qaabilay lagu dhammeeyo.” Danjire Cawil oo la weydiiyay sida uu u arko loolanka aan saddexdii sannadood ee u dambeeyay marna hakan ee ku saabsan murashaxa xisbiga KULMIYE ee madaxweynenimo marka uu Madaxweyne Siilaanyo mudadiisa dhammaysto wuxuu yidhi “Xisbi kasta muranka iyo khilaafku uma wanaagsana, weliba xisbul xaakimka in dhexdiisa murashaxnimo la isku qabsadaa waxay leedahay dhibaatadeeda. Adduunka xisbul xaakimku murashaxnimada iskuma qabsado oo marka hore ayaaba la isla ogyahay murashaxa. UDUB hore isugumay qabsan,  xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanku iskuma qabsan karaan murahaxa madaxweyne waayo haddii uu xisbul xaakimku is qabsado dhibteeda ayay leedahay oo wadanka ayay saamaynaysaa. Markaas waxa loo baahanyahay in Madaxweynaha oo ah odaygii xisbiga KULMIYE lala fadhiisto oo dabadeedna nin murashax ah lala soo baxo oo aan laga dhigin in lix nin halkaas ku tartamaan oo lagu kala yaaco. Waa in albaabka la isu soo xidhaa oo madaxweynuhu u yeedho ragga tartamaya oo dabadeed go’aan la gaadhaa oo la yidhaahdaa waar kuma ayaynu maanta taageernaa oo daba fadhiisanaa. Laakiin haddii ay noqoto in gole weynaha la soo dhigo lix nin oo tartamaya oo ay dabadeed kala adkaadaan dhibteeda ayay leedahay, saamayna way ku yeelanaysaa dalka. Markaas waxaan soo jeedinayaa in ragga tartamaya kulamo hoose lagu kala reebo, mana qabo in lix nin shirka xisbiga ku dhex tartamaan, waayo dhaawac ayay taasi xisbiga ku keenaysaa.”

Wasiir Cawil, wuxuu ugu dambayn ka hadlay siyaasadda dibadda Somaliland, “xidhiidhka aynu caalamka la leenahay wuxuu mar walba ku xidhanyahay inaan qaddiyadda Somaliland daba-galno oo xoojino kana midho dhalino waana in taas xoogga la saaraa oo wasiirka khaarajiga iyo wixii wufuud ah ee raaci karaba xoogga la saaro.”

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories