HomeCawayskii Weedhsame iyo Bandhiggii Suugaantiisa

Cawayskii Weedhsame iyo Bandhiggii Suugaantiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Cawayskan oo lagu Soo bandhigay Suugaanta Abwaanka da’da yar ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), wuxuu ahaa Bandhig qiimo badan oo soo jiitay dareenka iyo shucuurta dadweynihii ka qayb-galay iyo kuwii Warbaahinta ka helayba.

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil oo si wayn loo xiisaynayay Suugaantiisa, oo ay ka mid yihiin Gabayo caan ah oo aad dhalinayradu u jeceshahay heeso tiro badan oo ay qaadaan Fanaaniinta somaaliyeed, iyo maansooyin kale oo xiiso badan, Abwaan Xasan oo madashaasi ku soo bandhigay Maansooyin iyo Gabayo badan oo ay ka mid ahaayeen Rasmi oo Abwaan Weedhsame kula Hadlayo Hablaha Da’da yar, Aqoonsi, Taamilo iyo Maansooyin kale oo Aad u Xiiso badnaa

Abwaan Weedhsame Waxa uu Madsha ka Tiriyay Maansooyin aad u Qiimo badan oo isugu jira Maansooyin Cusub oo uu Abwaanku Dhawaan tiriyay iyo Qaar ka mid ah Suugaantiisii hore Waxaa ka mid ahaa Maansooyinka Cusub ee uu Xalay Madasha ka jeediyay Maanso la yidhaa Rasmi oo ay ereyadeeda ka mid ahaayeen “Intaad Rucubtiyo u Egtahay, Rumaankiyo Ubaxa Dayrta, Ragguna kuu Wada Hanweynyahay Ha Raydalin Aayahaaga. Run baa lagu Meel Maraaye Wanaag Ruuxii u Jeeda Waabey Ruufala Ha Siinin”
blank

Xasan Daahir ismaaciil waxa uu Madasha ku soo bandhigay Maansooyin badan oo ka hadlaya Arimaha Siyaasada, Jacaylka iyo Arimaha Bulshada waxaa ka mid ahaa Maansooyinkii Xiisaha badnaa dadwaynaha soo jiitay Maanso la yidhaa Aqoonsi oo uu Abwaanku si qoto dheer ugaga Waramayo Aqoonsiga inaga Maqan iyo Siyaabaha uu Bulshadeena u sameeyay waxaa ka mid ahaa Ereyadiisii “Marka maxastu eynfaad,Sida geela oloshaa, Runta oo arxamaysaa, Abaartayda qumisaa, Inta aan ilduufay, Eeg igu tidhaahdaa, Asaraarka hibashada, Ambiyey dabooshaa, Xaqiiq loo istaagay, Garashada ku awdaa, Afdhabaandhab baanaha, Waxay ii astaysaa, Sowdigii addoon ahaa, Laga soo addoonsaday, Meel aan addoomaha, Amarkoodu soconayn
Sowtii lagu addoonsaday, Amin aan addoon jirin, Sowtii addoon yohow, Lagu yidhi addoon noqo, Ha addoonsan qayrkaa, Hana noqon addoon kale, Mid uu sii addoonsado, Bal maxay addoomuhu, Kuu addoonsanaayaan”

Waxaa kale oo iyana ka mid ahaa Maansooyinka Dhaxal galka ah ee Abwaanku Bulshada ku Dhiiri galinayo inay Wax qabsadaan ayaa waxaa ka mid ahaa Maansada Taamilo oo uu si qoto dheer ugu dhiiri galinayo Bulshada inay Wax qabsadaan waxaana ka mid ereyada Maansadaasi

blank

“Nin ku tebay ku taageer
Nin ku tiray war kuu tebi
Nin ku tuugay taajiyo
Derajaabu kuu tolay
Qof hadduu tar-sheegtana
Wuxu tarayba waa tiix.

Wax shalayto kaa tegay
Intaad tiigso leedahay
Arrin haatan taagani
Armuu kaa taraaraa?

Tagto way tagtee tuur
Ka tir maanka teedii
Ha u taahin taa daa
Berri iyo timaadada
Ha u tiirin hawlaha
Kadinkaaga soo tuban
Inta loo tartami karo
Yaanu tiigsi kugu gabin
Tamartaada curintiyo
Tacabkaaga cududiyo
Taladaada fikirkiyo
Hal-abuurka tarantari
Tarmi yaanay talax-gabin
Ka tir boodhka ulashada
Tirtir quusta baqashada
Adba taada ka hirgeli
Halka ruushku tuban yahay”

blank

Abwaan Maxamed ibraahin Warsame (Hadraawi) oo isaguna Madasha ka hadlay ayaa sheegay in jawaabta Suugaanta Weedhsame uu ka heli doono dadwaynaha, Abwaanku waxa uu aad uga waramay Taariikhda Suugaanta Somalidu leedahay iyo kaalinta ay kaga jirto Caalamka isaga oo sheegay in qorayaasha ajnabiga ahi wax ka qoreen Suugaanta somalida isla markaana uu jiro qoraa wax ka dhigi jiray jaamac ku taala ingiriiska in uu buugiisa ku qoray kuna dardaarmay in Suugaanyahanka somalida la ogaado, sidaa awgeed ay Dhaxal galtahay suugaanta Afka somaligu

Abwaanku waxa uu illaahay uga baryay in Xasan ku Anfaco Wanaagaasi uu dadka farayo, tubtaa wanaagsan ee uu maanta hayona illaahay usii siyaadiyo.
Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xasan-Ganey) oo ka mid ah Abwaanada Waawayn ee Somalida oo madashaasi Hadal kooban ka jeediyay, ayaa aad ugu Mahadnaqay Abwaan Weedhsame oo uu ku Tilmaamay in Weedhiisu santahay oo qofkii Magaca u Bixiyay yahay Qof magacyada Bixin yaqaana, isla markaana Xusay in Xasan Daahir ismaaciil u Qalmo Weedhsame, Suugaantiisuna tahay mid dhaxal gal ah “Markhaati waxaan ka ahay xasan inuu kalmadaa (Weedhsame) u qalmo oo uu mutaystay, waxaan illaahay uga baryaynaa in illaahay maskaxda u sii siyaado , weedhahaa hogotusaalaha ee uu leeyahay in laga faa,iidayso, oo wax lagu qaato” ayuu yidhi Xasan Ganey
waxa kale oo uu sheegay Abwaan Xasan Ganey in waxaa uu weedhsame ka hadlayaa yahay wax run ah oo maanta jira, waxa uu xusay in bari dhawayd uu ka baqayay in afku dabar go, markii ay soo baxday jiifoo jaq, jadhbay keentay iyo ereyada noocaas ah balse ay rajo gashay markii weedhsame iyo da,yar kale oo la mid ah uu dhagaystay suugaantooda.

blank

Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa ka dhawaajiyay inay caawa ku beegantahay 51 guuradii madax banaanidii 26 JUNE ee 1960 kii sidoo kale wuxuu hambalyeeyay qoraagu ABWAAN: XASAN DAAHIR ISMAACIIL (weedhsame) iyo dhamaanba shicib waynihiii xafladaas ka soo qaybgalay isaga oo kula dardaarmay shicibkii xafladaaas ka soo qayb galay inay wixii ay u dhaqaaqaanba samayn karaan .

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu habeenkaa caawa habeenkiisii oo ahayd 25kii june 1960kii inuu isaga oo caruura uu ka qayb qaatay xafladii dabaal daga ahayd ee lagu xusayay xafladaas.

Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa ka dhawaajiyay inay caawa ku beegantahay 51 guuradii madax banaanidii 26 JUNE ee 1960 kii sidoo kale wuxuu hambalyeeyay qoraagu ABWAAN: XASAN DAAHIR ISMAACIIL (weedhsame) iyo dhamaanba shicib waynihiii xafladaas ka soo qaybgalay isaga oo kula dardaarmay shicibkii xafladaaas ka soo qayb galay inay wixii ay u dhaqaaqaanba samayn karaan .
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu habeenkaa caawa habeenkiisii oo ahayd 25kii june 1960kii inuu isaga oo caruura uu ka qayb qaatay xafladii dabaal daga ahayd ee lagu xusayay xafladaas.

blank

Qoraa Jaamac Muuse Jaamac oo isaguna Hadal kooban ka jeediyay Madasha ayaa xusay in ay isaga utahay Markii ugu horaysay ee ay kulmaan abwaan weedhsame oo uu sheegay in Weedhiisa Toosan ay isbartay isaga iyo Abwaanka.
Jaamac muuse jaamac ayaa sheegay in dadka Cawayskaasi ka qayb galay ay ka nasiib badanyihiin inta kale ee aan nasiibka u helin inay dhagaystaan Murtidani, Qoraagu waxa kelo oo uu sheegay in ay Haboontahay in Weel loo sameeyo Ereyada dhaxal galka ah ee Maskada abwaanka ka soo Maaxanaya isaga oo ka Codsaday Abwaanku inuu isku soo ururiyo Maansooyinkiisa, Isaguna Balan qaaday inuu Buug ka samayn doono si uu u Gaadhsiiyo Bulsho waynta kale ee aan Nasiibka u helin inay dhagaystaan Suugaanta Abwaan Weedhsame.

Gudoomiyaha Dalada dhalinyarada ee Sonyo iyo Gudoomiye ku Xigeenka Jaamacada Admas ayaa iyaguna tilmaamay in la dhiiri galiyo dhalinyarada lana kaydiyo Suugaanta noocan oo kale ah ee ku kaydsan Maskaxda Abwaanada Da,yarta ah.

blank

Il-xogeed: Murtimaal.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories