HomeCAWAR XAREED oo ka mid ah Eedaysanayaasha Dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal...

CAWAR XAREED oo ka mid ah Eedaysanayaasha Dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal oo ciidamada Boolisku gacanta ku dhigeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley, 25 February, 2012 (SLpost)- Ciidamada Booliska gobolka Gabiley oo taageero ka helaya ciidamada Qaranka JSL, ayaa maanta abbaaro 2:00 duhurnimo Gacanta ku dhigay Mid ka mid ah eedeeysanayaasha dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal ee u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Baki.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee gobolka Gobolka Gabiley Ismaaciil Rashiid Maxamuud oo aanu khadka Telefonka kula xidhiidhney si aanu u xaqiijinno, ayaa noo xaqiijiyey inay gacanta ku dhigeen Maxamed Maxamuud Cawaale oo loo yaqaano Cawar Xareed isaga oo ku sugan guri ku yaala magaalada Gabiley isla markaana aanay cidi ku wehelin.Taliyuhu waxa uu sheegay in markii ay ka war heleen inuu guriga ku sugan yahay ay ciidanka boolisku ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan.

Taliye Ismaaciil waxa u sidoo kale sheegay in ciidanka boolisku ay iska-caabbin kala kulmeen ninka eedaysanaya ah oo ka hor intii aan gacanta lagu dhigin balse aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay labada dhinac.

Waxa kale uu Taliyuhu Sheegay in eedaysanaha ay isla markiiba ku wareejiyeen ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska loona soo qaaday dhanka magaalada Hargeysa. “Markii aanu qabanay waxaanu si dhakhso ah gacanta ugu galinay ku-simaha taliyaha Booliska oo magaalada Hargeysa u qaaday,” ayuu yidhi Taliye Ismaaciil.

Eedaysane Cawar Xareed iyo koox kale oo ku eedaysan inay ka dambeeyeen dilkii ka dhacay deegaanka Seemaal ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey ciidamada boolisku ku daba-jireen soo-qabashadooda iyada oo hore loogu guulaystay in gacanta lagu dhigo qaar ka mid ah.

Dhacdada dilka ee deegaanka Seemaal oo ahayd mid aad u fool xun oo dhammaan shacbiweynaha Somaliland ka dambqadeen ayaa wakhti habeennimo ah loo geystay saddex marxuum oo qaraabo ahaa wakhti ay hurdeen, waxaanay dhacdadani ku sigatay inay keensato isku dhac dhex maray laba beelood ee walaalo ah deegaan ahaana is-ood xiga.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories