HomeCawaaqib-xummadda Wiilasheena Yar-yar ee Qabatimay Tuugada Moobilka - W/Q: Mustafe Dheereeye

Cawaaqib-xummadda Wiilasheena Yar-yar ee Qabatimay Tuugada Moobilka – W/Q: Mustafe Dheereeye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa muddooyinkii u dambeeyey si aad ah ugu soo batay dhammaanba xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargaysa wiilal yar-yar oo xiliyada habeenkii, gaar ahaan waqtiga fiidka ah dadka ka booba amma ka xooga telefoonnada gacanta (Mobiles), iyagoo eegta marka ay telefoonka ku hadlayaan, isla markaana ay marayaan meelaha madaw. Boobkan amma tuuggaddan caddaanka ah ayaa si ba’an isu-soo taraysay tan iyo intii ka dambeysay bishii Ramadaan ee ina dhaaftay, waxayna dhallinyaradan ku mamay xaqa bani’aadamku ay marba marka ka sii dembeysa sii casriyaynayaan qaadashada mobillada, tabaha iyo xeeladaha ay iminka soo kordhiyeen ayey ka mid tahay inay laba laba ama ilaa afar ama shan kala dembeeya isku bidhaansadaan, kadibna marka qofka socotada ah uu dhexdooda marayo ayay kuwii dhaafay ku soo jeedsanayaan oo qofka markaba hareeraynayaan, kana qaadanayaan telefoonka iyo kolba wixii ay ka helaan.

Calaamadaha ay ku caan-baxeen waxa ka mid ah tooshash ay jeebadaha ku sitaan oo qofka la baadhanayo indhaha lagaga qabto, calaamadaha kale waxa ka mid ah inay istaagaan waddada baabuurta dhinaceeda ama daaqada gaadhiga oo ay aad ugu soo dhawaanayaan, iyagoo si dhibyar u caddaystay qofka gaadhiga wata ee telefoonka ku hadlaya in ay ka faro maroojiyaan, waxayna arrintani tahay mid aanay ilaa hadda dadkeennu ka taxadirin. Meelaha kale ee ay mid mid ama laba ugu badheedhaan qaadista telefoonka waa meel walba oo suryo ama luuq waddada ku dhaw oo markiiba ay ku cararaan.

Akhriste, xogahan la soo ururiyay waxay caddaynayaan in tuugtan amma dad dhibayaashani aanay ahayn tuug caan-baxday ee ay yihiin wiilasha ciyaala xaafadaha ah, waqtiyadii hore qofka tuugonimo u ban-baxa waxa uu ahaa qof nolosha ka dhacay oo qoyskooda iyo bulshaduba aanay naxriis u hayn.

Masiibadani waxay ceeb iyo danbi ku tahay Aabbaha iyo Hooyada amma waalidiinta hiirta waabari u jarmaadaya, una kalahaya si uu ugu soo helo qurus xallaal ah oo ubadkiisa uu ku koriyo, balse waxa nasiib-darro ah in wiilkiisii nasin lahaa uu ka noqdo booli iyo xaaraan-quute gurigooda nadiifta ah ku soo kordhiya cuqubo iyo habaar naftiisa badda luuf-luuf iyo shaki uu ku waasho oo kaga timaadda hooyo uur leh oo jilbaha u riday ama muruq-maal masaariif uu ku soo dhididay uu ka boobay. Dadka badnaa ee aan la kulanay waxa ka mid ahaa dumar, waalidiin, shaqaale, arday jaamacadeed iyo nin caruus ahaa oo hawshii arooska ku hawlan oo laga dhuftay telefoonkiisa.

Ugu dembeyn, waxaan si xishmad iyo qadarin ba leh uga codsanayaa waalidiinta, walaalaha, hablaha iyo inamada oo dhammaanteen mas’uuliyad innaga saaran tahay waajibaadka qoyska wanaagsan ee Diinteennu ina farayso, ayaa innaga oo ku baraarugsan waxay ila tahay inay ogaadaan walaalkooda ka yar ama ka weyn cidda uu raaco, halka uu ku maqan yahay iyo mobile-ka uu haysto halka uu ka keenay ama dhaqdhaqaaqa uu samaynayo.

Bulshada aqoonta leh iyo dadka masuuliyiinta ah waxa ku waajib ah in arrimahaa ay xil buuxa iska saaraan oo wax laga qabto dhibkaas ina taabtay, si aynu ugu gudbino hay’adaha nabadgelyada oo ay wax uga qabtaan ciyaalkan xaaraanta ku mamay, tallaabana looga qaado, isla markaana loo dhaqanceliyo dhallinyarada dhibaya dadka muwaadiniinta ah.

Inamada hawlahan ku jirana waxaan kula talin lahaa, maanta ayaad is-qabasho leedahay, haddii kale waxa aad u diyaar-garowdaa in aakhiro iyo iftiinkaba aanay waxba kuu oolin. Meelaha mobillada ama computers-ka la soo xado lagu jabinaya ee lacag ka qaata ama ka sii iibsada waa inay hay’adaha nabadgelyadu wax-ka-qabtaan, iyadoo sidoo kale aan kula taliyo ciidanka booliska inay sameeyaan askar iyo gaadiid roondo  ah oo mara xaafadaha caasimadda Hargeysa xilliyada fiidka ah oo ah waqtiga inta badan ay dhallinyaradu dadka dhibaan.

Wa bilaahi tawfiiq

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories