HomeCashuurta Waddo-marista iyo Gaadiidleyda - W/Q: Cabdifataax M Axmed

Cashuurta Waddo-marista iyo Gaadiidleyda – W/Q: Cabdifataax M Axmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa ay aheyd Maalin Dhaweyd oo ku Jirtey Todobaad hore,Waxa aan Arin Shaqo ugu Socdey Jaamacada Hargeisa,Jidkaasi Meel aan Ka fogeyn Warshada Pepsiga ayaa waxa ku leh Fadhiisin iyo Xafiis kuwa guur-guura ah Waaxda Cashuuraadka Gaar ahaan Wado Marista.Sannadkii laba Jeer Ayey soo Degaan Ayaamo inta ay Fariinta Cashuur bixinta Gaadhsiinayaan Gaadiidka iyo Qabashada Cashuurta Wado Marista oo ay ka qaadayaan Gadiidka intii ay Halkaasi ku Qabtaan.

Nin Dhalinyar ah oo Amar u heystey Shaqadani Ayaa si adag ula hadlaayey oo aan Naxariisi ku Jirin Muwaadiniinta Baabuurta wadatey ee hadda uun ka war heshay in Cashuurtii wado Maristu bilaabantey.6 Qof oo laba Askar yihiin Direys xidhan oo baabuurta u Joojineysa Ayaa ku sugnaa.

Jidkaasi Shaqada Cashuur bixintu ka Bilaabantey Ayaa Marinkeyga ahaa,Waxa aan ku Jiraa Muwaadiniinta Weli aan ka war Helin in ay Bilaabantey Cashuurtii Gadiidka ee Wado Maristu Wakhtigaasi,Tiro baabuur ah Ayaa iga Horeysey Markii aan soo Gaadhey Goobtaasi oo aan si Fiican u garanaayo Sannadkii horena aheyd Bartii Nasiibka u yeelatey in Cashuurta la igaga qaado Ayaan soo gaadhey iyada oo Baabuurtii hore oo dhan la wada Joojiyey,Laba Askari oo Shaqadooda si fiican labada Dhinac ee wadada uga wada Ayaana suurtageliyey in Baabuur tiro ah la Hakiyo si Sharciga loo Mariyo.

Dad Shaqo ku Socdey,Kuwo Hawlo gaar ah u socdey,Kuwo Kireysnaa,Kuwo lagu Raaxeysanaayey iwm Ayey isugu Jireen Baabuurtaasi,Kuwii iga Horeeyey Ayaa wadada Dhinac looga saarey oo ku guuldareystey in ay ka gudbaan Su,aalihii la weydiiyey,Waad Naxeysaa,Mararka qaar Xitaa dadka qaar Been ah gaadhiga ma lihi iyo waa la ii soo Dhiibey ama Darawal ayaan ka ahey Ayaa ka soo Dhacda Darawalada,Kuwo kale waxa ay ku doodaan in Hadduun ay ka war Heleen oo ay Bixin doonaan,Kuwo kale Buuga iyo kala wareejintii Gaadhiga Ayaa lagu heystaa,Kuwo kale xitaa Lixdii bilood ee hore mey Cashuurin Gaadhiga oo Kiisku wuu ku sii Dheer yahay,Qaar kale waxa ku dhacey oo isna laga Cashuuraayey Liisanka Wado Marista Darawalnimo.

Halkii iska ilaali wey Fadhiyaane yaaney ku qabanin oo Jidka kale ka wareeg Ayaad Talo ahaan dadka qaar ka Heleysaa,Waa Ayaamo Adag oo meelo badan lagugu qabanaayo qofkii ka baxsanaya cashuurtana Wadooyin badan oo la Maro lagu Joojinaayo,Iyada oo Taraafiigu bilaabayo in ay eegtaan baabuurta aan laheyn Sumada Warqada Tilmaameysa bixinta cashuurta Lixda bilood ee Danbe.

Haddii buuga lagaa qaado oo aad ka tagto Sidee Ayaad mustaqbalka buuga lagaa dhigey ku heli doontaa,Kala wareejinta,Liisanka oo aanad laheyn ama kaa dhacsan iyo Bixinta Cashuurta Lixda bilood ee Danbe Ayaa Mar qudha lagugu wada Qabtey Waa Xaalad aad Gaadhigaba Naceyso,Intii aan ku Sugnaa Xafiiska Geedka hoostiisa ah Ayaa waxa aan Dhageysanaayey Dood iyo Hadalo dabacsan oo Dad kale ay ugu waayo Sheeganaayeen Nin Masuulka ugu sareeya ku Tilmaanaa.Dad baa ku guuleysanaayey in la sii daayo,Kuwo kale Ayaa buuga laga reebaayey,Kuwo kale Xitaa Licenka ayaa laga qaadaayey,Kuwo kale dhaqaaqa Ayaa loo diidey oo in ay Baabuurka dhigaan Ayaa loo sheegay,Aniguna Marar ayaan isku dayey in aan Xaaladeyda kala hadlo Ninkaasi Laakiin Markasta oo aan anigu la hadlo Wuu igu Kani Adkaa,Isaga oo Hadalo Adag oo aan ugu horeyntii ku idhi Ka boodsanaa,Waxase ay noqotey in aan Bixiyo Nooc cashuurta ka mid ah oo Markaasi la igu lahaa.

Waxaan u Mahadnaqayaa,Askari iyo Laba ka mid ah Shaqaalihii Goobtaasi Cashuurta ku qabanaayey oo Dhab ahaantii lahaa Dadnimo iyo Dareen Wadaniyadeed oo Muwaadinka gaadhiga wata Si debecsan ula hadlayaaye una Maqlaayey.Bixinta cashuurtu waa Waajib ina saaran Waana waxa aynu kula xisaabtameyn Madaxda wadankeenuna ku Dhismaayo,Inaad Bixisaa Waa in aad Dhistey wadankaagii,Haddii lagaa cuno ama Si khaldan looga faa,ideysto Muwaadin adigu waajibkaagi waad Gudatey if iyo Akhriba.

Qalinkii Abdifatah M. Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories