HomeCashuur Kordhinta & Sicir Bararka

Cashuur Kordhinta & Sicir Bararka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waa Maxay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Cashuur Korodhka Iyo Sicir Bararka.?

Nin ganacsade Soomaali ah ayaa markii 2009kii hoos u dhaca dhaqaale ku bilowday reer Yurub iyo Maraykanka  BBC-da qaybteeda afka soomaaliga waydiisay muxuu saamayn idinku yeeshay hoos-u-dhaca dhaqaale ee ku hubsaday reer Yurub iyo Maraykanka? Ninkaasi wuxuu si fudud ugu jawaabay, Maya annaga wax saamayn ah naguma yeelan, hadda ogowoo macaamiisha wax ka iibsataa waa kuwaa shaqadii laga fadhiisiyey ee bilaa camalka noqday!!!!

 Waxa hadda gaabis ku yimid dhaqaalaha dalka Shiinaha oo sannadahan danbe ku naaloonaayey kobac dhaqaale, kobocaas oo soo jiitay waddama badan inay u iib geeyaan sayladaha Shiinaha alaabooyin ay ka mid yihiin Shidaalka iyo macaadinta kala gedisan oo wershadaha Shiinuhu u baahnaayeen, wadamadaas waxa ka mid ah South Africa iyo wadamo Laatiin America iyo kuwo kaleba leh. Haddaba Shiinuhu wuxuu yareeyey alaabooyinkii uu la soo degi jirey markii hoos-u –dhacu ku yimid taas oo saamayn taban ku yeelatay wadamadii uu kasoo iibsan jiray alaabooyinkaas, bal eeg Randkii South Africa oo qiima dhacay marka loo eego Doolarka Maraykanka,shaqaalihii oo ay sii kala daayaan iwm, sidaas oo kale ayuu u saameeyey wadamadii loo yaqaannay Petro dollars-ka sida Sucuudiga oo qiimihii shidaalka ku kordhiyey muwaadiniintiisii si uu u kabo miisaaniyadiisa sidaas ayuu adduunka oo dhammi isugu xidhan yahay, oo wa taa innagaba inna saameeyey dagaalka dalka Yaman oo xoolaheenni iib beeleen oo dawladdii iyo rugtii ganacsiguba aysan suuq kale u raadinin.

Hadaba marka aan u soo noqonno mawduuceennii, waxa is-weydiin mudan haddii dawladi kordhiso cashuurta alaabooyinka soo dega ay saarto saamayn taban ma ku yeelanayaa sicir bararka(inflation) ? Si kale haddii aan u dhigno haddii sicir barar ka  jiro dal oo alaabta soo degta cashuurta lagu kordhiyo, sicir bararkii ma sii kordhayaa/ma yaraanaya mise midna ma dhacayso?

Cashuurta oo kor loo qaadaa waxay kordhisaa qiimaha alaabta, qiimaha alaabta oo kordhaana waxa uu saamayn ku yeesha awoodda iibsiga ee quutaha oo waxa yaraada kamiyadda uu iibsanaayo amma waxaba dhaca ka wareegid(switch over) noocaas qiimihiisu kacay oo quutayaashu u wareegan noocyo kale oo kaba jabin. Labada arrimoodba waxay yaraynayaan baahidii shaygaas loo qabay, taas oo sababaysa in qiimo dhimisi ku timaado.

Haddaba haddii aan ku soo dhawaanno jawaabta su’aasheennii waa MAYA” waase haddii aan dawladdu u isticmaalin kordhkaas inay ku dabuusho kharajo ka baxsan inta miisaaniyadeeda ku xusan, amma u adeegsan dano siyaasadeed oo aysan ku soo fatihinayn suuqii awalba la ciirciiraayey kamiyadda lacageed ee harqisay. Haddiise ay kayd ahaan u haysato waxa keliya ee uu saamaynayaa korodhkaasi waa qiimaha alaabtaas oo saamayn ku yeelan mayo sarrifkii lacagaha. Sidaas darted buuna inflation-kii horey u jirey u sii kordhinayn sida culimada dhaqaaluhu sheegaan. Balse waxa lagaba yaabaa in marka awoodda wax iibsi ee qofku hoos u dhacdo inuu isna sicir bararkii hoos u dhaco. Sidaas darteed ayaa maamulka dawliga ah looga fadhiyaa inay cashuurta ku kordhiyaan waxyaalaha aan daruuriga ahayn sida Jaadka, Sigaarka, baabuurta lagu raaxaysto iyo dhammaan wixii faakihaysi ah oo dhan,sidoo kalena cashuur dhaaf iyo dhimisba u sameeyaan waxyaaba waxtarka u leh dadka iyo dalkaba.

 

Allaa mahad leh

Max’d Jaamac Iriir

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories