HomeCashuur Aanad Garanayn Maamulkeeda Ha Waydiin (QORMOOYIN TAXANE AH ) – W/Q:...

Cashuur Aanad Garanayn Maamulkeeda Ha Waydiin (QORMOOYIN TAXANE AH [Q.3aad]) – W/Q: Yuusuf Sooran, MBA of Tax and Custom Administrator

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

YUSUF SORAAN ISMAILSiyaasadda cashuureed  waa siyaasada la doonayo in lagu soo saaro ama lagu helo dakhli kale oo dheraad ah iyada oo aan dhaqalaha hoos loo dhigin isla markana dhakhligaa sare loo qaaday aanu dan yarta  waxba yeelin, Sidaas darteed xiliyada ay dowladnimadu u baahato in ay samayso siyaasada cashuureed waa xiliga ay misaaniyadeedu is leekaan waydo oo uu dakhligu ka yaraado in uu daboolo kharashaadka ay dowladu u baahan tahay in ay gasho sanad misaaniyadeed ama dawlada ay daymuhu ku adkadaan in ay iska bixiso ayaa waxaa loo baahdaa in la sameyaa siyaasada cashureed. waxaa muhiim ah oo kale in dowladnimadu ogaato  in siyaasadaa cashureed oo aan wadan maamul cashuureed aanay  shaqyn karinPolicy change without administrative change is nothing… sababta oo ah siyaasada cashuureed waa doorashada qalabka cashureed halka maaulka cashureed yahay  dhaqaajinta siyaasada cashureed (Tax policy – the choice of tax instruments whereas Tax administration – the implementation of tax policy), waxaad ogataa Maamulka cashuureed in uu yahay (Tax Administration) waa hab maamul oo dhamaystiran oo ujeedadiisu tahay  in uu si dhamaytiran u hubiyo ugna dhamaystiro in uu soo uruuriyo dakhliga cashureed si waafaqsan sharciga cashureed oo ka kooban in la qabto dakhliga cashuureed, in la xisaabiyo dakhliga cashureed, in la sheegan karo cashuurta taagan ee aan la bixin iyo in cashuur bixiyayaasha taloyin la siin karo ayaa la yidhaa maamulka cashureed. sidoo kale siyaasada cashuureed, sharci dajinta cashureed iyo mamulka cashureed waa saddex arimood oo midba midka kale ku tiirsan yahay oo isku xidhan, (Tax policy, legislation, and administration are integrally related and interdependent).

Sidaas darteed  aynu tusaale u soo qaadano dowlada somaaliland oo samaysay siyaasad cashureed dabayaaqadii 2013 kii oo ay donaysay in ay dakhli dheraad ah ku samayso lakiin siyaasadaa cashureed ee ay samaysay waxay samayn toban ku noqon doontaa in  dhaqaalahu hoose u dhigmo isla markaan waxyeelaynayso dan yarta sababta oo ah marka hore ma wadato mamul cashureed, haddi aanay wadan maamul cashureedna waxay dhabar jab iyo been abuur cad ku tahay in aad galiso misaaniyada qaybteed hoose ee kharashaadka dowladu gali doonto sanadka dambe 2014 sidoo kale waxay been abuur kale ku tahay in aad galiso miisaaniyada qaybteed sare ee dakhliga, isku soo wada xoori waxaa hubaal ah in ay somaaliland siyaasadan cashuureed ee ay wadadeeda qaaday soo saari doonto dakhli yar oo kooban oo intiisa badani ku dhici doonto jeebabka shaqaalaha ka shaqeey koobahaa dakhliga laga rajaynaayo halka xaab xaab yar oo dakhli ahina ku dhici doono khasnada dowlada Somaliland.

Waxaan doonayaa in aan ku soo dhawaado sababaynta arintan aan hor ku soo xusay. siyaasadani may wadan maamul cashureed oo socod siinaaya horena maamulka cashureed ee Somaliland ka jirayna laftiisu wuxuu ahaa mid aad u hooseeya hooseeya oo udub dhexaad u ah u musuq maasuq.sababta oo ah haddii aynu tusaale ahaa u soo qaadano maamulka cashuureed ee Haayada ama waaxda cashuuraha bariga Somaliland (Somaliland Inland Revenue Authority) oo ah meesha ay taabanayso siyaasada cashureed ee la sameeyey isla markan ah waax nidaamka dowladnimo u qaabilsan cashuro badan inaga oo si guuda u daah furin doona  maamulka cashureed, sidaas awgeed waaxdani waxay ka shaqaysaa oo kaliya in ay uruuriso dakhliyada cashureed ee ay qaabilsan tahay tusaale ahaan degmada hargeisa waxay u shaqaysaa in ay tahay xaruntii Somaliland oo dhan isla markaana ahna waaxda degmada Hargeisa, arinta la yaabka leh ee ka jirta waaxdan hargesia iyo waaxaha gobolada kale oo dhan ay tahay in ay xafiisyo ka furtaan degoomiyinka goboladoodad oo dhan iyaga oo ugu talo galay in ay uruuriyaan dakhliga oo kaliya , iyada oo ay maamulka  cashureed qalad ku tahay in dakhli cashureed uu qabto ama isku diyaariyo in uu qabto  iyada oo ay maqan yihiin tusaale ahaan waaxaha ay ka mid ka yihiin waaxda diwaan galinta cashuur bixiyayaasha oo iyadu ah waaxda qaabilsan in ay cashuur bixiyayaasha soo diwaan galiyaan ka dibna u soo gudbiyaan xafiisyadn yar yare ee imika furan, halka imika u shaqayso in ay igu diwaan galiyaan kay doonaa isla markaana qabtaan dakhliyada kala duwan waana arin ku ceeb ah dowladnimada iyo shaqo kasta in uu labdan hawlood la isku qabto. isidoo kale iyada oo ay maqan tahay waaxda barida iyo wacyi galinta cashuur bixiyayaasha, sidoo kale ay maqan tahay waaxda baadhida iyo dabo galka cashuur bixiyayaasha.

QALINKII | Yusuf Soraan, MBA of Tax and Custom Administrator

Graduate Institute of Tax and Custom Administration in Ethiopian Civil Service University

Email: sooran07@hotmail.com

La soco………….

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories