HomeCasho-sharaf laysku Arkay oo Madaxtooyadu ku maamuustay Haldoorka Qurbejoogga Kulmiye iyo Weedhihii...

Casho-sharaf laysku Arkay oo Madaxtooyadu ku maamuustay Haldoorka Qurbejoogga Kulmiye iyo Weedhihii madasha Laysku weydaarsaday (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Martiqaadkan Waxaan Kaga Wakiil Ahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ii Wakiishay In Aan Hawl-wadeenada Iyo Haldoorka Qurba-jooga Xisbiga KULMIYE Marti-Qaado” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Hargeysa (SLpost) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa habeenkii xalay casuumad sharafeed ku maamuusay haldoorka qurbajooga xisbiga KULMIYE ee wakhtigan dalka ku sugan.

IMG_1000Casuumadaasi oo aanuu Madaxweynuhu goob-joob ka ahaynwaxa wakiil ugu ahaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanay ka dhacday Green-Plazza, munaasibadaasi oo ahayd mid si weyn loo agaasimay ayaa waxa qayb galay, Wasiiro, xildhibaato, hoggaanka KULMIYE iyo martid sharaf kale oo tiro badan.

Kulanka oo daaranaa boggaadin iyo mahad-naq ku saabsan doorka ay qurbajoogu ku leeyihiin hawlaha xisbiga KULMIYE ayaa sidoo kalena laga hadlay dardar galinta Ole-olaha xisbigu hada ugu jiro tartanka Madaxtinimo ee dalka.

IMG_4778Wasiir Maxamuud Xaashi oo kulankaasi khudbad ka jeediyey ayaa yidhi “ Sharaf iyo farxad weyn ayey noo tahay caawa in aynnu madashan ku kulano, martiqaadkan waxaan kaga wakiil ahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ii wakiishay in aan hawl wadeenada iyo haldoorka qurbajooga xisbiga KULMIYE ee madashan caawa in aannu ku marti-qaadno, waxaanan Madaxweynaha idiinka sidaa salaan iyo boggaadin weyn. Waxa aan shaki ku jirin taageerayaasha  xisbiga KULMIYE ee ku kala nool dalalka dibaddu in door weyn ay ka qaateen ole-olaha doorashooyinka xisbiga KULMIYE, maaha arrin ugub ah arintaasi, maaha mid bilaabantay doorashada 2017-ka ee aynnu hada ku jirno, KULMIYE wuxuu ahaa xisbi ku xoogan qurbaha wuxuu ahaa xisbi laga soo taageero oo aqoonyahada iyo haldoorka ku dhaqan dalalkaasi ay taageero weyn la barbar joogeen, waxaan leeyahay waa meelihii xisbiga KULMIYE uu ka gamaari waayey.”

IMG_4781Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Arrintaa iyada ahi waa mid mudan xusid mudan taariikhada xisbiga KULMIYE meel weyn kaga jirtaa, waxay ka mid tahay waxyaabihii guusha xisbiga KULMIYE keenay, Kulmiye taageerayaal loxdan ayuu dibadda ku lahaa, waxaannu aamin-sanahay ilaa maanta inay yihiin kuwo xisbiga KULMIYE barbar taagan, waxa ka markhaati kacaya Ole-olahaas maanta dalka ka socda, inta xubnood ee qurbajoog ah ee maanta ole-olahaas ka soo qayb qaadatay. Mudanayaal iyo marwooyin Somaliland way guulaysatay, xisbiga KULMIYE talada markuu haaneeday 2010-kii waxa uu dalkan u horseeday himilo iyo horumar, Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo gadhaweenka ka ahaa waxay dalka ka hirgalisay horumar ballaadhan, waxay aynnu maanta joogaa gabogabadii muddo xilkeedkii madaxweyne Siilaanyo, wax waliba waa khaatumada shacbiga Somaliland maanta xaqiiqada ayey ogyihiin oo ah in xukuumaddani ay tahay tii horumarka iyo waxqabadka.”

Ugu dambayntii Mudane Maxamuud ayaa ka hadlay dadaalka looga baahan yahay guud ahaan xisbgia KULMIYE waxaanu yidhi “ Qurbajoog hadaa tihiin waannu diin mahad-naqaynaa, gurmadkiina iyo gargaarkiinuna waa gudoon, waxa inoo balan ah maalhmaha soo socda inaynu dadaalka kordhino dhammaanteen, in aynaan is dhigan, doorashada laysma dhigto, innagu is dhigan mayno, isna niyad-jabin mayno, waxa aynnu ka soo qaadanaynaa innaynu siman nahay ragaa walaaladeen ah ee aynnu loolamayno, sidaa darteen dadaalka waa kordhinaynaa.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories