HomeCASHARKII UU SHEEKHU I BARAY!

CASHARKII UU SHEEKHU I BARAY!

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Wuxuu yidhi “waxaan  guriga qasabadihiisa u hagaajinayay mid kamida culimada soomaalida kuwa ugu magaca iyo maamuuska wayn ,waxaan kula hesheeyay in aan ugu hagaajinayo  $30(soddon doolar ) ,maalintii kowaad waxaan kasii qaatay $15(shan iyo toban doolar) oo qadin ah ,maalintii labaad ayaan ku dhammeeyay shaqadii aan u qabanayay waxaan u sheegay in hawshii iga dhantahay ,sheekhii waxa uu igu yidhi “reer ma leedahay ” waxaan ugu jawaabay “haa ” wuxuu igu yidhi “imisa ciyaala ayaad leedahay ” waxaan u sheegay in aan leeyahay sideed caruura ,sheekhii intuu gaadhigiisii fuulay ayuu igu yidhi “ina keen waynu is raacaynaaye ”.

Sheekhii suuqa ayaanu isku soo raacnay ,wuxuu sheekhu ii sheegay in uu booqanayo qof ehelkiisa ah sidaa darteed intuu bakhaar  hor dhigtay gaadhigii ayuu ku yidhi “ soo saar gadbad bariis ,gadbad daqiiqa,gadbad sonkor ah iyo saliid ”waanu dhaqaaqnay  kadib ayuu sheeekhii I waydiiyay “qaadka ma cuntaa ” waxaan ku idhi “haa waan cunaa ” wuxuu igu yidhi “orod kolaygaa kasoo qaado intaad cuni karto ” kolaygii ayaan kasoo qaatay intuu igu filayd ee aan qaad ka cuni karayay ,ilaa hadda maan fahmin sababtu uu sheekhu ii meermeerinayo oo niyadda waxaan iska leeyahay muu lacagtaadii ku siiyo aad iska tagtide  ,sheekhii waxa uu I waydiiya meesha ay xaafadaydu ku taalo aniguna waan u tilmaamay .

Waxaan umalaynayay in uu sheekhu isii dhawaynayo ,sidii aanu usii sheekaysanaynay ayaanu hor joogsanay gurigaygii ,sheekhii waxa uu igu yidhi “dhammaan alaabta gaadhiga saaran ila daji “waan yaabay  aniga oo aan fahmin waxa uu sheekhu maagan yahay ayaan la dajiyay alaabtii ,sheekhii waxa uu igu yidhi “alaabta guriga ku xaree adiga ayaan kuugu talo galay “ waan u qaadan waayay waxana ay igu noqotay amakaak iyo layaab ,markaan dhammaaan alaabtii xareeyay ayaan kusoo laabtay ,kadib ayuu sheekhii ii dhiibay $15(shan iyo tobankii doolar ) ee ku hadhsanaa ,kadib sheekhii waxa uu igu yidhi “imisa qof ayaa ku nool gurigaaga “ waxaan ku idhi “waxaanu nahay 10 qof  ” wuxuu igu yidhi “waxaad iigu shaqaysay $30 ma ogtahay in qofkasta oo guriga jooga masuuliyadiisuna adiga ku saarantahay wax ku leeyahay lacagtaa aad qaadatay “ kadib waan aamusay ,haddana sheekhii waxa uu igu yidhi “soddonkaa doolar imisa   ayaad ugu talo  gashay in aad reerka ogayso “ waxaan u sheegay in aan ugu badnaan $10 (toban doolar igu talo galay “ sheekhii waxa uu iisheegay in aan ku leeyahay saddex doolar oo kaliya marka loo qaybiyo inta guriga joogta “.

Fikirkaasi aad ayuu noloshayda u saameeyay waayo sheekhu waxa uu itusay in aanan xisaab tamayn oo aanan masuuliyada reerka kasoo bixin ,maalintaa wixii ka dambaysay haddii aan shaqaysto $10 (toban doolar ) hal doolar oo kaliya ayaan ka cunaa inta kalana reerkayga ayaan waxa ugu qabtaa ,waxkasta oo isoo gala waxa aan u qaybiyaa inta aan masuulka ka ahay ,kadibna ama wax ayaan u siiyaa ama meel ayaan u dhigaa ,casharkaasina noloshayda oo dhan ayuu wax ka badalay “.

Sheekadan waxa aynu ka faa’idaynaa in haddii aynu doonayno in aynu badalno qof noloshiisa aanay u baahnayn qaylo iyo canaan ee ay u baahantahay maskax iyo daganaan ,bal u fiirso sheekho ninkan kumuu odhan maxaad reerkaaga wax fiican u siin wayday ?,kumuu odhan qaadka iska daa ?,umuu caayin nolosha uu ku jiro iyo sida uu u dhaqmayo ,lamuu yaabin oo isaga ayaaba qaad u soo iibiyay ,ugu dambayntiina waxa uu ku guulaystay in uu hanto qalbiga ninkaa kuna hago jidka toosan ee uu reerkiisa ku horumarin karo .

Qofkasta oo inaga mid ah hadduu isku dayo in uu dadka wanaag kusoo jiito waxa aynu badali karnaa ummadeenan wadda khariban ,waxana aynu samayn karnaa bulsho caafimaad qabto oo qayrkeeda wax la qaybsan karta .laakiin inta aynu iscaayayno ,isku qaylinayno ,is yasayno ,qofna fikirkiisa ma badalli karno.

 

Guuleed Axmed Xaashi

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories