HomeCarwadii 6aad ee Ganacsiga Somaliland oo maanta la soo gebo-gabeeyey iyo Shirkado...

Carwadii 6aad ee Ganacsiga Somaliland oo maanta la soo gebo-gabeeyey iyo Shirkado Abaal-marino lagu guddoonsiiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa  shalay  soo xidhay carwadii 6aad oo muddo 7cisho ah ka socotay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.
Xafladaasi lagu soo af-meerayey carwadaasi ayaa waxa hadalo ka jeediyey Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.Cali Xoor Xoor, Guddomiyaha rugta  ganacsiga Maxamed Shukri, Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe.

Cali guuleed oo ah Guddomiyaha Hotelka carwada lagu qabtay ayaa ugu horeyn ka hadlay waxaanu u mahad celiyey dhammaan shirkadihii gacsi ee ka soo qaybgalay carwadaasi, isaga oo xusay in hotelku adeegyo kala duwan u fidiyey bulshadii ka adeeganaysay carwada, waxa kale oo u mahad celiyey rugta ganacsiga ee hawshaasi baaxad leh isku soo dubo riday.

CARWOGuddomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri oo isaguna ka hadlay munaasibaasi ayaa ka sheekeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay carwadu muddadii todobaadka ahayd ee ay socotay waxaanu xusay in ay aad ugu farax san yihiin in si nabad galeyo ah u soo gaba gabawdo,  waxaanu ugu dambayn u mahad celiyey dhaamaan ganacsatadii kala duwaneyd  ee hantidood ku soo bandhigaysay iyo dadkii kale ee ka qayb qaatay qabsoomideeda carwadaasi.

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor-xoor oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in carwadani ay muujinayso sida ay Somaliland nabadda buuxda uga jirto, waxaanu sheegay in carwo tan oo kale la mid ah ay Dekeda berbera kaga qayb gashay dalka Itoobiya magaalad Addis Ababa isaga oo tilmaamay in ay ku guuleeysteen kaalinta labbaad, waxa kale oo uu ka warbiyey adeegyada kala duwan ee ay bixiso dekeda berbera.

Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna ku hadlaayey  afka xisbiyad mucaaridka ayaa sheegay in wakhtigii hore xadaarada dhinaca ganacsiga lagu majeeran jiray dadka u dhashay Somaliland, balse imika ay ka wareegtay isaga oo xusay in dadka u dhashay Soomaaliya ay inagaga fiican yihiin dhinaca wax isku-darsiga, waxaanu ganacsatada Somaliland ugu baaqay in ay wax isku darsaadaan si ay waxoodu wax u noqdo.

Wasiirka Arrimaha Dibada oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeyey faa’iidada ay bulshadu u leedahay carwooyinka la qabtaa waxaanu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu arko  carwo noocan oo kale oo dalka Somaliland lagu qabtay, kuwaasi oo lagu soo badhigayo wixii dalka ka soo baxay iyo wixii dibada laga keenay.  Waxa kale oo uu guul weyn ku tilmaamay in ganacsatada Somaliland ay qiimo dhimis weyn u sameeyan dadkooda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar oo gabogabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ku guuleeysteen in ay hirgaliyaan Carwada isaga oo xusay inay qabsoomideeda ku aamanantay rugta ganacsiga. “Tani waxay muujinaysaa sida fiican ee ganacsatadeenu ay ugu hawlan tahay sidii bulshadoodu ay wixii fiican ee ay hayaan ugu soo bandhigi lahayeen, haddii dalka dadkiisu ku dhex bakhtiyayo oo aanay haysan dhaqaale ku fiilan hawlaha kale ee socdaa waxba ma taraan, nabad asaaskeeduna waa dhaqaalaha haddii dhaqaale aanu jirin nabaduna way diciifaysaa,”ayuu yidhi.

Gabogabadii waxa halkaasi Abaalmarino kala duwan la gudoonsiyey Shirkada Dahabshiil, Telesom, Dekeda Berbera, Somtel, OGF, Somcable, SLNTV, iyo Haboon-deeqa, kuwaasi oo la sheegay in ay ku muteysteen hawlihii kala duwanaa ee ay bulshada u qabteen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories