HomeCarwada Todobaad ee Ganacsiga Somaliland oo Hargeysa laga Furay

Carwada Todobaad ee Ganacsiga Somaliland oo Hargeysa laga Furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa(SLpost)- Carwadda ganacsiga Somaliland oo sanad kasta Hargeysa lagu qabto ayaa waxa maanta kalkeedii todobaad laga furay magaalada Hargeysa. Carwaddan ayaa waxa aalaaba soo qabanqaabiya rugta ganacsiga Somaliland iyo shirkadda AOA oo kaashanaya wasaaradda ganacsiga.

Munaasibadda carwada oo sanadkan lagu qabanayo huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qaybgalay shirkaddo ganacsi o tira badan, meherado iyada oo waliba sanadka ay ishu qabanayso waxyaabo badan oo hido iyo dhaqan ah oo carwadda qayb ka ahaa.

Waxa ugu horayn furitaankii xafladdaas ka hadlay oo furay wasiirka wasaaradda ganaciga JSL Dr. Muuse Qaasim isaga oo ka waramay faa’iidooyinka carwadani u leedahay Somaliland isaga oo si gaar ah u hambalyeeyay ganacsatada iyo waxsoosaarayaasha maskaxdooda wax ka hindisay. “Carwadani runtii way ka duwan tahay carwooyinkii hore oo si weyn baa loo soo abaabulay. Faa’iidooyinkeeda waxa ka mid ah in horta ugu horayn dadku is dhex galo, waxa taa u cadayn ah waxa maanta innala jooga gudoomiyaha rugta ganacsiga ee berriga Afrika, safiirkii Turkiga, rugta ganacsiga ee Puntland iyo madax kale oo kala duwan. Waxa kale oo faa’iidooyinkeeda ka mid ah in dhaqaalaha iyo ganacsiguba horumaraan, iyo in macaamiil badan la helo”

 

Wasiirku waxa uu salluugay oo sheegay in aad badanka lagu soo bandhigin waxsoosaarka dalka waxaana uu yidhi “Waxaad se wali moodaa in wixii waxsoosaarkii maxaliga aynaan aad u keenin. Waxaana aannu sanadka dambe ku talagalnay in aannu aad u soo kordhinno oo dhiirigelino waxsoosaarka dalka”.

 

Waxa kale oo munaasibadda furitaanka ee maanta ka hadlay masuuliyiin kale iyo ganacsato tirobadan iyada oo ay ishu qabanayso meheraddo iyo shirkaddo badan oo ku soo bandhigaya ganacsi aad u qiimo iyo qaayaba badan taasi oo tusaale  u ah horumarka ganacsi ee dalka Somaliland gaadhay mudooyinkii ugu dambeeyay.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories