HomeCarwada Ganacsiga Haweenka Itoobiya ee ka Furantay Hargeysa oo si Wayn loogu...

Carwada Ganacsiga Haweenka Itoobiya ee ka Furantay Hargeysa oo si Wayn loogu Ammaanay Shirkadaha Dahabshiil Group

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Carwada Ganacsiga Isu-tagga Dumarka Itoobiya (EWA) oo markii ugu horreysay lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa si wayn loogu ammaanay shirkadaha Dahabshiil Group kaalinta ay ka qaadatay hirgelinta carwadan iyo doorka ganacsi iyo horumar ee ay ku leedahay gobolka Geeska Afrika.

Carwadan oo ka furtantay huteelka Crown ee magaalada Hargeysa maanta, waxa guud ahaan maalgeliyey kharashka ku baxaya muddada ay socoto shirkadda Dahabshiil, gaar ahaan qaybta E-Dahab ee adeegga lacagta lagu isticmaalo moobillada, waxa xaflad loo sameeyey daah-furka carwadan ka qaybgalay Agaasimayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Somaliland – Maxamed Xasan Siciid iyo Maxamed Sheekh Ismaaciil, masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Somaliland, madax ka kala socotay qaybaha kala duwan ee shirkadaha Dahabshiil Group, madax iyo wakiillo hoggaaminaya carwada reer Itoobiya iyo marti sharaf kala duwan.

Carwada Itoobiya6Masuuliyiinta iyo dadkii kale ee ka hadlay xafladdaasi, ayaa siyaabo kala duwan u ammaanay Dahabshiil Group, gaar ahaan waxqabadkeeda arrimaha bulshada iyo isku-xidhka horumarka guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, iyadoo wakiillada Carwada dumarka Itoobiya sheegeen in aanay marnaba u suurtogasheen qabashadeedu haddii aan shirkadda Dahabshiil ka taageerin maalgelinta. Waxa kaloo si gaar ah loo bogaadiyey adeegga E-Dahab oo lagu tilmaamay mid wax-ka-beddelay oo sahlay dhaqdhaqaayada lacagahooda oo ay baahi wayn u qabeen, isla markaana is-diiwaangelinta dadweynaha ee adeeggan waxa si xoogga looga dareemayey madasha carwadu ka socota.

Haween magaceeda la yidhaa Hadia M Gondji oo ah aasaasaha Bangiga ENAT ee Itoobiya, kana mid ah qabanqaabiyayaasha carwadan ka kooban wax-soo-saarka haweenka dalkaasi, ayaa si wayn ugu mahadnaqday Dahabshiil Group oo ay xustay taageeradooda la’aanteed waxba u qabsoomeen, isla markaana ay tahay shirkad caalami ah oo bangigeeda xidhiidh wadashaqayneed ka dhexeeyo, iyadoo tilmaantay in carwadani fure u noqonayso xidhiidh ganacsi badan oo dhexmara labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya.

Carwada Itoobiya2Madaxa Suuqeynta Dahabshiil ee Laamaha Hargeysa Axmed Dool oo xafladda ka hadlay, ayaa ka warramay qaybaha shirkaddani ka kooban tahay iyo adeegyada ay qabtaan oo ay kaga shaqeeyaan dhammaan daafaha dunida oo dhan, isagoo si gaar ah u tilmaamay in xidhiidh wanaagsan oo wadashaqayneed kala dhexeeyo bangiyo badan oo ku yaal dalka Itoobiyo, isla markaana sababta Dahabshiil Group u maalgelisay carwadan ku macneeyey dhiirigelinta isu-socodka iyo horumarka ganacsiga ee Gobolka Geeska Afrika.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sheekh Ismaaciil, ayaa soo dhaweeyey carwadan oo uu xusay in faa’iido ballaadhani ugu jirto labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya oo is-waydaarsan kara waxyaabo fara badan oo ganacsi ah.

Carwada Itoobiya4Waxa kaloo uu bogaadiyey kaalinta Dahabshiil Group kaga jirto arimaha horumarka guud ahaan shucuubta ku nool dalalka Geeska Afrika “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa adeegga E-Dahab oo isaga oo mudo kooban uun sida aan la socono suuqa ku jiray haddana aad arkaysaa durba dardartiisa iyo waxqabadkiisa arrimaha bulshada,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Sheekh Ismaaciil.

Carwada ItoobiyaSidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Xasan Siciid, ayaa isna tafaasiil ka bixiyey xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaannu hoosta ka xariiqay sida loogu baahnaa bandhigyada ganacsi ee carwadan oo kale ahi inay dhexmaran labada dhinac, waxaannu ku hambalyeeyey Dahabshiil sida ay hormoodka uga noqotay fududaynta carwadii u horreysay ee dumarka Itoobiya ku soo bandhigaan Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories