HomeCARRUURTAADA IYO KUWA KALE – W/Q: Axmed Cisman Batuun

CARRUURTAADA IYO KUWA KALE – W/Q: Axmed Cisman Batuun

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

batuun“Aabahay wuu dhintay waxaanu nahay afar caruura hooyadayna ma hayso lacag ay dharka ciidda noogusoo iibiso dee markaa ciidda waxaan maydhanayaa dharkii aan xidhan jiray……….!!!

Adigu ma dharbaad noo iibinaysaa adeero Maxaad su,aalaha ii waydiinaysaa..?

Anigu ma haysto dhar aan ku ciido laakiin ilaahay ayaa isiin doona,hooyadayna way dhimatay aabona wuu xanuunsayaa oo wuu xidhxidhanyahay…!!”

Hadaladan waxaan ka qoray laba caruura oo yaryar oo saaxiib ku ah duruufta wehel la,aanta nolosha.

waa barqo,saacaddu waxay qoraysaa 10:15 waxaan marayaa mid ka mida jidadka waawayn ee suuqyada hargaysa oo laga dareemayo diyaargarawga ciidda ramadaanta ma jiro ujeedo aan ahayn inaan bulshada u bandhigo codka caruuraha danyarta ah ee aan haysan wax ay ku farxaan maalmaha ciidda oo aan u tagay suuqa,sidaasoo ay tahay durba waxaan ku guulaystay inaan la kulmo qaar ka mida ubadkan anigoo la sheekaystay.

Intii aan suuqa marayay waxaan xasuustay xaafado badan oo ay degenyihiin danyartu oo laga yaabo in aan qaarkood sadexda waqti wada helin kuwaasoo ciidiina kusoo dhawaatay isla markaana aan jawaabo u hayn su,aalaha ay waydiinayaan caruurtoodu dantuna u run sheegtay,sidoo kale waxaa xusid mudan goobaha lagu xanaaneeyo caruurta iyo ubadka darbi jiifka ah ee suuqyada buuxa ee daawanaya waalidiinta ubadkooda gacanta haya ee uga dukaamaynaya suuqyada una iibinaya dharka iyo agabka ciidda ramadaanta iyadoo aad dareemayso in caruurtaasi ay is waydiinayaan su,aalo ay ka mid yihiin(adigu maxaad u heli wayday cid ku kaxaysa oo dharka ciidda kuusoo iibisa)

Muuqaalada qoraalkani sawirayo oo aad u kala fog ayaa waxaa geesta kale xusida u baahan in bishani tahay bisha taakulada masaakiinta waana waajibaad saaran islaamka iyadoo damqashada bulshada taagta daran ee inagu dhexjirtaa ay tahay mid inoo furaysa naxariista ilaahay ee aynu bishan gudeheeda ka dalbayno raxmaanka arlada taagay ee inagu eegaya sida aan ula dhaqanno dadka jilicda san ee bulshada ku dhex nool.

Hadii hadaba ubadkaagu helay fursad ka baajisa inuu su,aalo adag is waydiiyo isla markaana uu haysto waalid farxadiisa ka shaqeeya yaa u cid ah kuwa aan haysan waalid,kuwa gidaarada seexda kuwa danyarta ah ee waalidkood tahli waayay inuu ka farxiyo iyo masaakiinta……?!

Waa su,aalo damqaya damiir kasta oo nool isla markaana xasuusinaya waajibaadka ka saaran danyarta,waxaana ila quman inaynu xilkasnimo badan la nimaadno oo aynu caawino bulshada inala nool ee u baahan taageeradeena.

Mislimiinta qoraalkan akhrisata waxaan ku boorinayaa inay ka farxiyaan ubadka la mida kuwooda oo ay gacan siiyaan maalmaha ciidaha barakaysan waxaana la hubaa inay taasi tahay furaha farxaddeena guud iyo dariiqa aynu ku helayno liibaanta ifka iyo guusha aakhiro.

Waxaan halkan baaq uga dirayaa ganacsatada, qurbejoogta,qolqol joogta awoodi kara caawimada iyo qaybaha bulshada anigoo ku boorrinaya inay caawiyaan danyarta.

sidoo kale waxaan ka codsanayaa saxaafadda iyo culimada inay bulshada usoo bandhigaan codadka danyarta si ay u helaan caawimo.

Ugu danbayn waxaan ilaahay ka baryayaa inuu dariiqa toosan ina waafajiyo danbigeenana dhaafo.

QALINKA: AXMED C BATUUN

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories