HomeCarruur Badan Oo Ay Gabadhu Dhashaa Waxa Ay Ka Raajisaa Gabowga, Waxa...

Carruur Badan Oo Ay Gabadhu Dhashaa Waxa Ay Ka Raajisaa Gabowga, Waxa Aanay U Kordhisaa Qurux

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

oronto (SLpost)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Kanada ayaa daahfurtay in carruur badan oo ay gabadhu dhashaa ay tahay xalka ugu mucjisada badan ee imika la ogaaday in lagula dagaallami karo gabowga dumarka. Iyada oo laga dheeraanayo qalniinada qurxinta iyo kiriimada dawada ah ee hadda loo isticmaalo ilaalinta muuqaalka dhalinyaronimo. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Simon Fraser ee dalka Kanada ayaa sheegay in cilmibaadhistoodan ay ku ogaadeen aragti burinaysa fikirkii hore loo aaminsanaa ee sheegayey in ubad badan oo gabadhu ay dhashaa uu cimri degdeg ku keenayo.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika soo turjumay oo lagu baahiyey majaladda Plus One ayaa ay khubaradu ku sheegeen in tijaabooyinka ay sameeyeen xaqiijinayaan in dumarka carruur badan dhala uu kor u kaco celceliska dheecaanka Telomeres ee uu jidhkeedu soo saarayo, iyada oo la og yahay in dheecaankan uu masuul ka yahay ilaalinta nolosha, quruxda iyo dhalinyaronimada jidhka. Haddii dheecaankani yaraadana waxaa dhaca cimri degdeg jidhka iyo unugyadaba gaboojiya.

Wawxa kale oo ay khubaradu sheegeen in hormoonka Estrogen oo jidhka gabadhu uu aad u soo saaro xilliga ay uurka leedahay uu isna jidhka kala dagaalamo sumowga, isla markaana uu unugyada ka ilaaliyo in uu gabow ku yimaaddo. Waxa intaas dheer sababo nafsi ah oo ay ka mid tahay in hooyada ubad badan dhashaa ay inta badan, qoyska iyo qaraabadaba ka hesho taageero dheeraada oo nafsi ah iyo mid bulsho taas oo korisa isla markaana ilaalisa hormoonnada iyo dheecaanada dib u dhiga gabowga.

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna sheegay in tijaabooyin cilmiya lagu ogaaday in uurka iyo umushuba ay dib u cusboonaysiiyaan unugyada jidhka ku jira taas oo sababta in gabowga uu xitaa waqtigiisa caadiga ah ka sii dib dhaco.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories