HomeCarqaladaha Hortaagan Ka Faa’idaysiga Khayraadka Dalka Somaliland - W/Q: Maxamed Muse

Carqaladaha Hortaagan Ka Faa’idaysiga Khayraadka Dalka Somaliland – W/Q: Maxamed Muse

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Maalahan u danbeeyay waxa jirtay  in meelaha qaar lagaga hadlayay  khayraadka dalka sida Macdanta iyo shidaalka, taas oo u badnayd eedaymo ay ka mid yihiin, Dalka Khayraadkiisa waa la boobayaa, reer hebel ayaa iska leh, dawladu waxay si khaldan u maaraysay khayraadka dalka iyo waxyaabo la mid ah,  Waxayna hadaladaasi kasoo yeedhayeen shaqsiyaad warbaahinta kusoo qora maqaalo farwaaweyn lagu qoray oo lagu dhaleecaynayo xukuumadda, taas oo keentay in dadka makasta ah rumaystaan, isla markaana ay bulshada qaarkood sameeyaan waxyaabo iyo ficilo ku  lid ah nabadgelyada iyo horumarka, kuwaas oo hakad gelinaya  shirkaddaha danaynaya in ay maalgashadaan Somaliland.

Maadaama ay arrintani tahay mid saamayn ku leh qaranka waqtigan xaasaasiga ah  iyo mustaqbalkaba waxa loo baahanyahay in si dhab ah loo oggaado sida ay wax uga jiraan eedaymahaa iyo inay yihiin kuwo ku salaysan xaqiiqda.

Aniga oo arrintaa ka duulaya waxaan isku deyay in aan wax ka oggaado sida ay  wax uga jiraan eedaymahaa, balse markaan si dhab ah ugu kuurgalay  waxaa soo baxday wax ka duwan waxa ay ka hadlayaan shaqsiyaadkaasi.

Shaqsiyaadkaa oo doonayay in la siiyo Balokyo waaweyn oo macdan iyo shidaal ah, kuwaas oo aan lahayn awoodii ay ku fulin lahayeen hawshaa, waxa keliya ee ay doonayeen in ay dilaalaan, kuwaas oo ay xukuumaddu ku xidhay in ay soo maraan sifihii sharcig ahaa ayna muujiyaan in ay awood u leeyihiin  in ay ka midho dhaliyaan arrintaa sida sharcig a ah, balse ku guuldaraystay. Kadibna bilaabay sawaxan.
Dacayaadaha ay horseedka u yihiin shaqsiyaadka danta gaarka ah lahaa, waxay hakad gelisay inay kusoo dhiiradaan dalka shirkaddihii awooda u lahaa in ay ka midha dhaliyaan ka faa’idaysgiga khayraadka dalka, halka kuwii dalka ku sugnaana ay shaki gelisay.

Dunidu maanta waxay isku raacsantahay in Somaliland tahay wadanka ugu khayraadka badan aduunka. Jariirada Guardian waxay sheegtay in shidaalka ku jira Somaliland uu ka badanyahay ka ku jira dalalka laysku yidhaahdo Gacanka (Khaliijka carabta), marka laga reebo dalka Boqortooyada Sucuudiga, balse marka lagu daro Macdanta ku jirta Somaliland ay suurta galtahay in Somaliland ka qanisanaato wadamada Khaliijka, taas oo muujinaysaa in khayraadka dalka ku jiraa uu ka badanyahay Jiil ka Jiil oo ka dhigayo Bulshada Somaliland kuwa ugu qanisan Aduunka.

Hadaba khayraadka intaa leeg oo Somaliland oo dhan ku filan haddii loo bixiyo Baloodh baloodh sida ay shaqsiyaadkaasi doonayeen, ama codsadeen, waxay noqonaysaa in dhawr qof uu gacanta u galo, amma shaqsiyaad kooban gebi ahaanba khayraadka dalku , taas oo aan dani ugu jirin dadweynaha iyo deegaanada u dhegtaagaya ee ay dantooda gaarka ah doonayan in ay ku fushadaan.
Si hadaba looga faa’idaysto fursada maanta ay Somaliland haysto iyo khayraadka dihin ee ku jira dalka, isla markaana looga gaashaanto shaqsiyaadka danta gaarka ah u adeegsanaya deegaanada waxa hadaba lagama maarmaan ah.

In dawladu dar-dar geliso wacyigelinta iyo xidhiidhka deeganada.

2-   In mudanayaashu aanay noqon kuwo waxyaabaha ay tabanayaan  u mara wado khaldan oo si dadban ugu adeegaysa dilaaliinta aynu kor kusoo xusnay.

3-   Warbaahinta waxa looga baahanyahay in ay fahmaan saamaynta qadiyadani u leedahay dadka iyo dalka horumarkiisa. Sidaa awgeed ay ka waantoobaan baahinta qoraalada  lagu doonayo in lagu helo sed baalmarsan sharciga iyo nidaamka dalka.
Maxamed Muse
Hargeysa Somaliland.
Maxmuse12@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories