HomeCaqliyoow Goorma ayaad Xor Noqonaysaa?

Caqliyoow Goorma ayaad Xor Noqonaysaa?

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Shaki kuma jiro in caqliga iyo garaadka bani’aadamku yahay mucjiso qoto dheer oo aan si fudud looga faaloon Karin, jiritaanka caqliga ayuu dadku ku noqday wax macno leh oo nolosha qurxiyey, isbedelada bani’aadamku ka sameynayo dhinac kasta oo noloshiisa ah waxa sabab, gadhwadeen iyo bud-dhig u ah caqliga.

saddex kun oo sanno ka hor dadkii noolaa kumay fikiri jirin inay dunida imanayaan waxyaabahan casriga ah ee hubka iyo tiknoolajiyada kaleba ka mid yihiin, waayo caqligu siddiisaba wuxuu weheshadaa muuqaalka guud iyo xilliga ay joogaan dadku.

Caqliga noocaas ah oo ka mid ah waxyaabaha Illaahay ku galladay dadka ayaa wuxuu ku barbaaraa oo uu ku hana qaadaa xoriyada iyo inuu ka madax bannaanaado addoonsiga nooc kasta oo uu yahay, waxa marag ma doon ah oo qof kastaa qiri karaa in addoonsiga jidhku ka sahlan yahay addoonsiga caqliga iyo damiirka, waayo haddii qofka laga maamulo caqligiisa oo gacan kaga timmi cid kale ku-amar-ku-taagleyso waxa meesha ka baxaya jiritaankii qofka iyo karaamadii Alle siiyey.

Waxa mutaystay in maxkamad iyo sharci lala tiigsado cid kasta oo u xusul-duuban inay gacanta ku dhigaan caqliga dadka meel kasta ha joogaane, waayo dadku haddii caqligooda laga wareejiyo si toos ah iyo si dadbanba waxay u eekaadaan amma hoos maraan xayawaanka ma yeedhaanka ah.

Diinta islaamku waxay dhiiri gelisay inay dadku xor ahaadaan oo ay ka xoroobaan cid kasta oo isbidda awood nooca ay doontaba ha ahaato’e, hadday tahay awood siyaasadeed, awood dhaqaale iyo awood maskaxeedba. Diimaha sammada ka yimmi oo dhamina waxay hoggaanka u qabteen socodka iyo dhabbada xornimo doonka ee lagu raadinayo xoriyada dadka la gumeysto oo dhan gaar ahaan xoriyada caqliga.

Waxay diimahaasi isku raacsan yihiin in aanu qofku Illaahay si fiican u caabudi Karin haddii aanu caqliga xor ka ahayn, marka masuuliyada la saaray lagala xisaabtamayaana waa marka uu xor yahay ee aanu ugu habraneyn go’aan qaadashadiisa cid kale oo ka dambeysa.

Dawladaha waaweyn ee duulimaadka ku qaaday waddamo badan waxa u jeedooyinkooda ka mid ah inay dadka dhinaca caqliga ka gumeystaan si loo helo bulsho daba-dhilif ah oo u adeegta iyaga, gumeystaha laftiisu wuxuu noqon karaa mid dibbeda ka soo duullay amma mid guddaha iska jooga.

Gumeysiga maskaxda oo inta badan aanay dadku xoog u dareemin wuxuu sababay inay abuurmaan jiilal kala dhiman (Handicapped) oo dareenkoodu yahay oo keliya cid kale u rarnaw amma cid kale iska eeg, kaas oo meesha ka saaray jiritaankii dhabta ahaa ee bulsho lahayd.

Dhinaca kale mushkiladaha waaweyn ee gumeysigii reer galbeedku isku bedeley ayuu ka mid yahay in caqliga la iska maamulaa, haddaba markasta oo caqligu xor yahay waxa bulshada ka dhex abuurma caafimaad qab laxaad leh oo keena in la helo jiilal toosan oo dareen waddaninimo leh kuwaas oo si xoog ah uga damqada waxyaabaha dhulkooda ka dhaca, laakiin inta jiraan Danaysi, Nin jeclaysi, Munaafaqadayn, cay, Xaasidnimada iyo isku erigu waxa adag in la helo bulsho jiritaankeedu quman yahay.

 Nasiib darooyinka waaweyn ee bulshadeena ku habsaday waxa ka mid ah inuu lumay heerkii iyo derajadii dadku lahaayeen oo waxaad arkeysaa qof muuqaal aqooneed leh laakiin markuu afka kala qaado tilmaamaya, qabiil, nin jecleysi iyo amaanida cidda joogta meesha dantu ugu jirto. Waxa intaa ka sii daran in isla beri markuu isbeddel dhaco isaga oo la jooga oo amaanaya qofkii kale ee u hore u dhaleecayn jirey, taas oo tilmaamaysa in dadka intooda badan caqliga ka yihiin la haystayaal u dabran danohooga gaarka ah iyo siday u noolaan lahaayeen oo keliya.

Markii aan doonayey inaan maqaalkan si kooban u qoro ayaa waxa aan xasuustay maqaal cajiib ahaa oo u qoray Xasan Cabdi Madar oo cinwaankiisu ahaa…QOF BAX. Nuxurkiisuna uu ku soo ururayey in dadkii ay noqdeen qaar si qaawan ugu dabran danohooga iyo inay raalli ka ahaadaan in caqliga laga haysto.

Ugu dambeyn haddii aynaan caqliga ka xoroobin oo aynaan dhinac iska dhigin xannuunada aan qaar ka mid ah tilmaamay way adag tahay sidaynu u helno bulsho wanaagsan oo hurumar samayn karta. Waciyi-gelinta arrimahanina waxay dusha ka saaran tahay dadka oo dhan gaar ahaan dadka dareensan arrinkan iyo aqoonyahanada, hoggaamiyayaasha dhaqanka, cullimada, xisbiyada iyo qofkasta oo damiir leh.

Waxa Diyaariyey: Cabdilahi Beershiya

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories