HomeCaqligii Wanaagsani Itaal in uu ka Roon Yahay, Bal Eegoo u Fiirsada

Caqligii Wanaagsani Itaal in uu ka Roon Yahay, Bal Eegoo u Fiirsada

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Tan iyo maalintaas waxa aan xiisaynayey in aan baadho dhalinyartaas iyo hadba waxa ku soo kordha tallaabadaas ay qaadeen ama sida ay u noqotay mid waarta. Hindisahan waxa ay dhalinyaradu ugu magac dareen shaarac ka mid ah magaalada Khartuum oo ay ka bilaabeen hawsha. Waa Shaarac Al-Xawaadis oo inta ay hadba intooda shaqada ku qorani soo fadhiistaan iyaga oo qalabkooda sita ay qaabilaan dadka danyarta ah ee waayey lacag ay ubadkooda dhakhaatiirta ku geeyaan.

 

 

Xafiis ma’ay waayin dhalinyaradani laakiin, xikmadda ku jirta in ay shaaraca fadhiistaan waa in dadka ay u adeegayaan dareensiiyaan in aanu jirin hab-raac iyo nidaam xafiis oo loo marayo adeeggan ama ugu yaraan in aanu jirin nidaamka xafiis iyo maamul ee inta badan caqabadda ku ah dadka dabaqadaha hoose ee dunida saddexaad ku dhaqan, taas oo meesha ka saaraysa cabsidii ahayd in qofkan baahani uu ka baqo in sidii uu uga bartay xafiisyada ay kuwanina noqdaan kuwo aan dhayal weji iyo lacag la’aan lagu gaadhi karin.

 

 

Dhalinyaradan waxaa u suurtogalay:

Waxa ay ku guulaysteen in ay boqollaal carruur ah daweeyaan, taas oo keentay in bilowgiiba uu qorshahani dhaqaajiyey damiirka muwaadiniin badan, waxa aanay sababtay in shirkado dawooyinka keena iyo farmasiiyo waaweyni ay dawooyin isugu jira bilaash iyo deyn waqtigeedu furan yahay siiyaan dhalinyaradan si ay u siiyaan carruurta ay daweynayaan, marka mashruucu lacag helana dib u bixiyaan deynta. Muddo gaaban kadibna dad aad u tiro badan oo ah muwaadiniin u bogay xilka ay dhalinyaradani isa saareen ayaa ku tabarucay lacago badan oo ay ugu shubeen xisaab mashruuca baanka looga furay, taas oo dhalinyaradi u fududaysay in ay dawooyinka ugu tayada badan iibsadaan kadibna dadka lacag la’aan ku siiyaan, iyo in mid ka mid ah cisbitaallada waaweyn ay ka kiraystaan qaybta xaaladaha degdegga ah si ay u dhigaan carruurta loo keeno ee xaalkoodu culus yahay, kuwaas oo ay bilaash halkaas caafimaadkooda iyagu kula socdaan.

 

Arrinta xiisaha ii lahayd ee dareenkayga sida gaarka ah u taabatay waxa ay ahayd qaabka ay dhalinyaradani xadhiga uga jareen furitaanka qaybtaas ay u kireeyeen xaaladaha degdegga ah. Sida caadiga ah marka munaasabad xadhig-ka-jarid ah la maqlo waxaa la xasuustaa madaxda sare ee dowladda iyo dad magac leh oo maqas iyo ubax loo dhiibay in ay xadhiga ka jaraan mashruuca, waxaana in badan dunideenna saddexaad kaba dhacda in dowladdu mashruucaas marka dambe wax-qabadkeeda ku darsato. Dhalinyaradan barakaysani jidkaas ma’ay marin.

 

Gabadh faqiir ah oo shaaracan shaaha ku karisa ayaa mashruuca xadhiga ka jartay!.

Gabadhani markeeda hore waxa ay ka soo guurtay mid ka mid ah tuulayaasha dalka si ay dhakhtar ugu hesho ilmo yar oo uu Kansar kaga dhacay, markii ay caasimadda timid ee cisbitaalladii ay tagtayna waxa ay weyday kharashkii ay ku daweyn lahayd ilmaheeda. Laakiin waxa ay doorbidday in aanay magaalada kala tegin ilmahan bukaanka ah si ay u naawisho in mar uun ay kharash u hesho oo wax loo qabto. Gabadhan oo maqaaxidan shaaha ee yar ku lahayd shaaracani markii ay aragtay dhalinyaradan, waxa ay bilowgiiba ugu deeqday in saacadaha ay shaqaynayaan ay siiso shaah bilaash ah iyo gabmadho ay ku fadhiistaan inta ay fuqarada u adeegayaan, sidoo kale saacadaha aanay maqaaxideedu shaqaynayn waxa ay tegi jirtay xaafadaha danyarta ah ee ubadku ka xanuunsanayaan si ay ugu sheegto in ay u geeyaan dhalinyaradaa Shaarac Al-Xawaadis.

Dhalinyaradani waxa ay ka duulayeen mabda’ ah in mashruucan ay xadhiga ka jarto cidda ka faa’idaysanaysa oo ah fuqaradu sidaa awgeed hooyo Ruwiyah Darbuun oo ku caan ah Umu Qasmah ayaa xadhiga ka jartay iyada oo metelaysa danyarta ubadkooda u waayey lacag ay ku geeyaan cisbitaallada qaaliga ah.

 

Caqabadha ka hor yimid dhalinyaradan:

Waxaa markiiba qayliyey cisbitaalladii waaweynaa iyo ganacsatadii caafimaadka ku lug lahayd iyaga oo ka baqo qaba in arrintani dakhligooda hoos u dhigto iyo ta ka sii daran oo ah in dadku ay dareemaan ceebtooda iyo naxariis darradooda.

Kuwaas oo keliya ma’aha ee waxaa sidoo kale ka hor yimid masuuliyiintii deegaanka iyo haayado dowladda ka mid ah oo u arkay in dhalinyaradani ay buuxinayso kaalintii ay iyagu banneeyeen, taasina ay dadka indhahooda ku soo jeedinayso dowladda isla markaana tallaabadani noqonayso hub uu mucaaradku u adeegsado si dadka loo tuso, waxa ay dowladdu qaban kari weyday iyada oo dhaqaale ku marmarsoonaysa ee ay da’ yartani qabateen.

 

Dhalinyartani waxa ay i bareen:

  1. Muhiimadda ay leedahay in qofku uu sadaqo ka bixiyo mihnadda uu bartay, hadda uma jeedo dhalinta caafimaadka baratay oo keliya, kuwa diinta bartay, kuwa, siyaasadda bartay, kuwa dhaqaalaha bartay iyo kuwa saxaafadda bartay iyo xirfad kasta oo kalaba waxa ay leedahay hab ay umadda ugu soo celin karto abaalka uu dalkooda iyo dadkoodu ku leeyihiin oo ay danyarta ugu adeegi karaan.
  2. Waxa ay dhalinyaradani i bareen in muwaadin kasta oo damiir xalan lihi, marka uu arko muwaadin kale oo daacadnimo dadka iyo dalka ugu huraya waqtigiisa iyo cilmigiisa in uu isagun aakhirka ku qancayo in uu wax ku darsado, balse muhiimaddu waa ku dhiirrashada bilowga hore iyo Iimaanka iyo daacadnimada uu qofku hawshan ku gelayo isaga oo aan maal, mansab iyo magac midna ku doonayn.

Maanta dalkeenna waxaa sannad kasta u qalin jebiya kumannaan arday ah; Dhakhaatiir, Injinneerro macallimiin, maamulayaal iyo noocyada kala duwan ee aqoonta, ardaydan iyo inta ka horreysayba waxaa la gudboon in ay dalkooda wax ku soo celiyaan.

 

Waxa aan is weydiiyey waxbarashada dugsiyada dowladda iyo xarumaha agoomaha ee hoos u sii dhacaysa, sababtuna tahay dhaqaalaha macallinka ku yar oo kallifa in uu meel u sed roon tago, haddii dadkan aqoonta bartay is abaabuli lahaayeen oo miyi iyo magaalaba laga suurtogelin lahaa in qof kastaa saacadaha ama maalmaha firaaqadiisa in yar oo ka mid ah xiisado ku caawiyo maamulka dugsigaas, tayadu kor ma’ uu kici lahayd? Haddii xaafadaha Danyarta laga abaabulo waxbarasho iyo mashaariic caafimaad oo saacadaha firaaqada laga faa’ideeyo intee qof ka faa’idaysan lahaa? Innaga oo xasuusan in mutacallimiinteennu ay saacadaha badan iyo maalmaha firaaqadooda ku qaataan haasaawaha iyo doodaha siyaasaddeenna ma dhalayska ah eek a socda maqaaxiyaha.

 

Meeshii kasta ee la ina taabtaa waa boog, laakiin weli waxaa innaga maqan caqligii ina tusi lahaa in cilmiga iyo xirfadda laftooda aynu sadaqad ka bixinno. La arkee in inta dhaqaalaha haysana damiirku markaas baraarugo.

 

W/Q: Kamaal A. Cali

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories